WARSHEEKH, SOMALIA x 14/12/1429h-10/12/2008. Sanadkiiba Mar ayaa xiligaan oo kale waxa ka dhaca Guud ahaan daafaha Caalamka Gaar ahaan Dalka Soomaaliya oo ay ugu weyntahay Xaflada Lagu qabto Degmada Xeebta ah ee Warsheekh oo qiyaaSti 65K/m ujirta Magaalada Caasimada ee Muqdisho, SIyaaraadka Masha’iqda Soomaaliyeed ee Ahlu Suna Waljamaaca Sheekh C/raxman Bin Sheekh Cumar (Sh: Cabdi Celli) iyo wiliga uu dhalay Sheekh C/raxaman ee Sheekh Maxumud Sheekh C/raxman Sheekh Cumar.

Muuqaalka Guud ee Qabriga Sheekh C/raxman OW Cumar

Midig: Sheekh Qaasim, Sh: C/man Sh: Axmed Gabale, Sharif Bada Qalif

Sheekh Axmed Sh: Aweys iyo Siid Maxamud Sheekh C/raxman
Mudada ay socoto Siyaaraadka Masha’iqda oo ah mudo bil ah ayaa waxa halkaa lagu Qabtaa Qur’aan Aqris, Xelqooyinka Dikiriga oo ay kazoo qeyb galaan dhamaan Ahlu Dariiqa oo dhan iyo Tawasalka Owliyada Ilaahey taa oo Dadka iyo dalka Soomaaliya guud ahaan Caalamu Islaamka eebe loogu baryo in danbi dhaaf ku siiyo meel kasto oo ay joogaan isla markaana quluubtooda isu soo dumo .

Siid Maxamud Sheekh C/raxman iyo Sheekh C/qaadir Sheekh C/raxman

Sheekh Aweys Sheekh C/raxman Ow Cumar Al Warsheekhiyi

Kasoo qeybgalayaashi Qur'aan Aqriska Sheekheena Sheekh C/raxman
Sheekh Ismaaciil Cali Cumar oo ka mid eh Masha’iqda ka Aflaxday Mowlaca Sheekh C/raxman Sheekh Cumar ee Warsheekh ayaa si aad ah waxa uu ugunuux nuuxsaday taariikhda iyo sooyaalka Masha’iqda Gaar ahaan Sheekheena Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman.
Sheekha Mar uu ka hadlayay Taariikhda Sheekh maxamed ayuu yiri “ Aniga Sheekha waxa gacantiisa ahaa mudo dhan 10 Sano taa oo runtii aan ku arkay ama ka bartay in uu ahaa ka sukow cilmiga iyo darajada uu ilaah gaarsiiyo kasukow caabid saacad walba utaagan taqwada Ilaah taas oo tusaale cad u ah maanta in ay kazoo qeyb galaan siyaaradiisa kumanaan dad ah oo laga yaabo qaarkood in ayba arkin wiligood balse ay maqleen”
Sheekha oo sii wata hadalkiisa isla markaana ka hadlaayo maqaamyada ay gaaraan owliyada ilaahey raali ka noqda ayaa yiri “ Qofki Alle Raali Ka noqda waxa lagu gartaa xuskooda in ay kazoo qeyb galaan musliiimta taa oo markaati utahay maanta qof walba ooianga mid ah waxa uu ka yimid reer laga yaaboin ay qoyskiisa qaarkood ay xanuunsanaayeen, halka kuwa kale ay soo hakiyeen howl maalmeedkooda iyadoo qaarna wax walba oo ay hayeen kazoo hor mariyay siyaarada masha’iqda taana ay cadeen utahay in qofka Alle Raali Ka noqdo quluubta dadka loogu beerayo adeecid taa oo qof walba kuxermaayo magnet soo jiidanayo “
Sheekh Ismaaciil Cali Cumar oo wacdigiisi koobnaa ruxay dhamaan quluubta Masha’iddi kazoo qeybgashay ayaa dhanka kale waxa uu duco caam ah uduceeyay kazoo qeyb galayaashi siyaarada masha’iqda isagoo dhanka kalena alle uga baryay in dalka siiyo xifdi iyo amaan.

Kasoo qeybgalayaashi Qur'aan Aqriska Sheekheena Sheekh C/raxman

Kasoo qeybgalayaashi Qur'aan Aqriska Sheekheena Sheekh C/raxman

Muuqaalka Guud ee Qabriga Sheekheena Sheekh C/raxman OW=Cumar
Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman oo ah Saxibul Waqtiga xiligaan jooga Booski uu Baneeyay Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman ee ah Maqaamki Sheekheena Weyn Sheekh C/raxman Bin Sheekh Cumar, ayaa waxa uu duco iyo tusaaleen ujeediyay dhamaan Dadweynihi kasoo qeybgalay Siyaaradkaan.
Culimadi Kasoo qeybgashay Madasha Siyaarada Owliyada Ilaahey ayaa waxa ay soo saareen Baaq isugu jira dhiiro galin iyo Cambaareen taa oo marka hore alle looga bayay in jab iyo argagax uu ku rido kuwa caadeestay duleesiga Culimada Ilaahey kuwooda dhintay iyo kuwooda nool allena garabkooda ka bax waa kuwa caadeestay xarida jirdilka dhaca iyo Xawaala qufida Owliyada Ilaahey halka alle looga baryay dhamaan Ahlusunna Waljamaac in ay gaarto Nabad iyo Dowlada Caadil allena ka hor wareejiyo Cid kastao oo dalkaan isku Daydo in ay soo geliso Caqidadooda Qalafsan ee Ka Caagan Arlu Soomaali.

Kasoo qeybgalayaashi Qur'aan Aqriska Sheekheena Sheekh C/raxman

Banaanbaxa Siyaarada Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman

Banaanbaxa Siyaarada Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman
Dhamaan Kaoso Qeybgalayaashi Banaanbaxyada Masha’iqda ayaa faataxo iyo Ducooyin alle uga baryay in ay Gacanta kore alle ku daro Ahlusunna Waljamaac cid kasta oo ka hortimaado Caqiidada Toosan ee Ahlsunnana Alle ka dhigo kuwo Duleesan, Baaba’san,Argagaxsan iyo Jab aysan kazoo waaqsan alle Kurido
Hadaba Culimada Kasoo Qeybgashay Siyaaradkaan ayaa lagu qayaasay inka badan 3.000 oo qofood isla markaana alle ka dalbaday in danbi dhaaf ku siiyo dalka masiibada ku habsatay ee soomaaliya isagoo hoosta ka xariiqay in waxa dhacayo ay yihiin wixi aan kasabanay oo alle nagu abaal mariyay isla markaana alle ka tuugay in intaa noogu hakiyo isla markaana noogu badalo maslaxo caam ah oo dalka iyo dadka oo dhan saameeso.

Dikriga Seyliciyada ee Banaanbaxa Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi

Qaar ka mid ah Mudarasiinta Wax ka baratay Sh: Mux'ed Sheekh Cabdi

Qaar ka mid ah Mudarasiinta Wax ka baratay Sh: Mux'ed Sheekh Cabdi
Dhanka kale Xaaji Xuseen Sheekh Maxamed Faqay Yuusuf, Shariifkeena Badaa Qaliifa oo ah Faraca Shariif Calawi, Sheekh C/raxman Sheekh Axmed Gabale oo ah Sheekha oo inooga tagay Sheekheeni Sheekh Axmed Gabale iyo dhamaan masha’iqda kasoo qeybgashay oo aan halkaan lagu soo koobi Karin ayaa si guud danbi dhaaf alle uga bariday in uu siiyo Muslimiinta caalamka meel kasto oo ay joogaan gaar ahaan dadka soomaaliyeed oo iyaga ah mida sida aadka ah umurjisay isla markaana hor seeday in kumanaan Dad ah ay ku baaba’ayn dagaalada dhaxdooda ah halka kuwa kale ay ku le’daan badaha iyagoo qaarna ay magan galyo ku joogaan dalal shisheeye oo reer galbeed ah halka kuwa kale baahi iyo macluul iyo Xarig ku heesato qaar ka mid ah Xabsiyada Aduunka gaar ahaan Dalalka Deriska ah iyadoo caasimadiina tahay meel nafta lagu aamini Karin ayoo markale shariif bada’a qaliifa Alle uga baryay iyo Rasuulkiisa in gar gaar deg deg ah siiyo dadka soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamu islaamka.

Masha'iqda ooka ducayneeso Xelqada Dikriga Seyliciyada

Sheekh Qaasim, Sheekh C/raxman iyo Macalin Nuur wehliye

Xelqada Uweysiyada ee banaanbaxa Siyaarada Sheekh max'ed Sh: Cabdi
Xaaji Xusen Sheekh Maxamed Faqay Yuusuf ayaa sidoo kale Umada faray in ay isasaamaxaan si looga baxo masiibada ku habsatay dalka Soomaaliya taa oo ku macneeyay in ay farahooda ku kasbadeen isla markaan isagoo hadlaayo yiri “ Maxalka Maxalu Qabuul waaye, Waqtigana Waqti Qabuul Waaye , Anagana Ahlu Qabuul Allaah Naga Dhigo taa oo dadkii Dhamaa Sacbaha Wada hoorsadeen iyagoo leh Aaaaamiiiin.”
Waxa sidoo kale wacdi iyo Ijaasada Dariiqada Qaadiriya ka bixiyay Qudubka Dariiqada Qaadiriya Soomaaliya Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys Sheekh Muxyiidin Sheekh Aweys Axmed Alqaadiriyi isagoo sidoo kale duca qaas ah uduceeyay Arlu Soomaal in ilaahey ka dhig Mid Amaan ah isagoo dhanka kale ahlu dariiqa oo dhana Eebe ka baryay in uu kor ka dhigo .

Masha'iqdi Kasoo Qeybgashay Banaanbaxa Sheekh max'ed Sh: Cabdi

Sheekh Ismacil Cali , Sh: Muxidiin Laashin, Sheekh Da'ud Sh: max'ed

Kasoo Qeybgalayaashi Banaanbaxa Sheekha oo Muxadaro dhagesanyo
Waxa gabagabadii Dhafarka Siyaaraadka Masha’iqda ee Habeenimadi Xalay Marka ay ku beegneed Saacada Xiliga Soomaaliya 4:15 Am Markaas oo lasoo gabagabeeyay dhafarki sheekha halkaa Fasax caam ah dadka Siiyay Saxibul Waqtiga Reer Sh: C/raxman Ow Cumar isagoo cid walibana faray wixi muraad ah oo ay leheed in Alle uga baryeeynaa in uu aqblo Owliyada Ilahey fadligooda qaasatan sheekheena SH: C/raxman ow Cumar ayoo sii raaciyay sheikh Qaasim Sheekh Cabdi Balse qof walba Niyeesto in Muraadkiisi alle Aqbalay.

Kasoo Qeybgalayaashi Banaanbaxa Sheekha oo Muxadaro dhagesanyo

Kasoo Qeybgalayaashi Banaanbaxa Sheekha oo Muxadaro dhagesanyo

Xarun diimeedkaan Warsheekh ayaa waxa uu yahay mid ku Fac weyn Fidinta Diinka Islaamka iyadoo Ay talaamiida kazoo hana qaaday xarumahan ay Mudarasiin ka yihiin Daafaha Caalamka iyagoo si weyna loogu xushmeeyo Culuumta Kala gedisan ee Diinta Islaamka isla markaana ay soo wada xaadiraan inta badan kulamada Nuucaan oo kale ah
Culimada ka soo qeyb gashay siyaarada ayaa waxa ka mid ahaa:
1 SH: AX'ED SH: AWEYS SH: MUXIDIN SH: AWEYS ALQAADIRI (SAAXIBUL SIJAAJATUL QAADIRIYA )
2 XAAJI XUSEEN SHEEKH MAXAMED (FAQA YUUSUF)
3 SHEEKH C/RAXMAN SH: AX’ED GABALE
4 ASAYID SHARIIF BADAA QALIIFA
5 SH: C/MAN SH: CADE SH: IKER SH: MAX'ED SH: SUUFI
6 SHEEKH C/RASHIID SHEEKH XUSEN CADE
7 SHEEKH C/RISAAQ SHEEKH XUSEN CADE
8 REER SH: MAX'UD CALI (WACEYS)
9 SH: AXMED BARRE
10 SH: MUUSE MARACADE
11 SHARIF AXMED SHARIIF ABA NUUR
12 REER SHIIKH AXMED XAAJI CABDI
13 REER SHEEKH CALI CILMI YARE
14 REER SHIIKHAAL LOOBOGE
IYO
Masha'iq kale oo fara badan oo inta aan lagu soo koobi karin iyada oo qaban qaabada siyaarada lahaayeen dhamaan (Owlaada Reer Shiikh C/raxman Sh Cumar Al Celiyi Alqaadiri Al Warshiishiikhiyi)
Hoos Ka Daawo Sawiro Intaan Ka badan oo Isla Siyaarada Masha'iqda Ah

Xelqada Uweysiyada oo dhax taagan yahay Qaadi Armiiye

Daakriinta Dikriga Uweysiyada ee banaanbaxa Sheekh C/raxman

Daakriinta Dikriga Uweysiyada ee banaanbaxa Sheekh C/raxman

Sheekh Qaasim Sheekh Cabdi Hogaanka Reer Sheekh C/raxman Ow Cumar oo Jameecada Dariiqada Axmadiya Sheekh Muuse Maracade uga Duceynaayo Banaanbaxa Siyaarada Sheekh C/raxman Ow Cumar

Xelqada Axmadiyada iyo Banaanbaxa Siyaarada Sheekh C/raxman

Culimadi Axmadiyada iyo Banaanbaxa Sheekh C/raxman Ow Cumar

Qaar ka mid ah Masha'iqda Ahlu Dariiqa ee Banaanbaxa Sh: Cabdi

Sheekh C/rashiid iyo Sheekh C/risaaq sheekh Xuseen Cade

Sheekh Qaasim Sheekh, Siid Maxamud iyo Sheekh Axmed Sheekh Aweys

Sheekh Axmed Sheekh Aweys oo ah qudubka Dariiqada Qaadiriyah ayaa waxa uu bixinayaa Ijaasada Dariiqada Qaadariyah

Qaar ka mid ah Culimada Ahlusunnah oo Ijaasada Qaadanayaan

Dadweynihi kasoo qeybgalay Siyaarada oo ijaasada Qaadanayaan

Kasoo Qeybgalayaasha Banaanbaxa Siyaarada Sheekh Cabdi Ow Cumar

Kasoo Qeybgalayaasha Banaanbaxa Siyaarada Sheekh Cabdi Ow Cumar

Dhafarka Siyaarada Sheekh C/raxman Ow Cumar iyo Dikriga Seyliciyada oo ay ka dhax muuqdaan Sheekh CUmar Sheekh maxamed iyo Sheekh Da'ud

Dhafarka Sheekh Cabdiraxman iyo Dikriga Seylicyada

Dhafarka Sheekh Cabdiraxman iyo Dikriga Seylicyada

Sheekh CUmar Sheekh Maxamed oo Qatimayo Dikrigii Seylicyada ee Dhafarka Sheekheena Sheekh C/raxman Ow Cumar Al Warsheekhiya
W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail: farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com