» Tahniyado kale
Barnaamijyada BBC-da  9-ka habeennimo Geeska Afrika Barnaamijyada BBC-da  7-da Aroornimo Geeska Afrika Barnaamijyada BBC-da  5-ta Galabnimo Geeska Afrika Barnaamijyada BBC-da  2-da Duhurnimo Geeska Afrika
Halkaan ka dhaqeyso 4 galabnimo Halkan ka dhageyso 7pm iyo 8pm


Islamic Links
Al-Ahlusunnah
Ahlusunnah.org
2garre.com
Mustaqiim
Shaaficiyah

Somali Links
A/B/C/
Allshabelle
Awdalpress
Aftahan
Allceeldheer
Allsanaag
Aminarts
Balcad
BiyoKulule
Bulsho
Buurhakaba
Cadale
Cadaadol
calanka
Carmooyin
Calayaale
ceelqaboobe
Cisaleey  
Cowslafil

D /E/F /G
Dayniile
Dhacdo
Dowladnimo
Ganacsiga
Geeska
Gololey
Goobjoog
H/I/J/K
Halgan
Hamarey
Hiiraan
HornAfrik
Hobyonet
Idamaale
Iftiinka
Ileys 
Islamada
Jamhuriyah
Jammaame
Jawiil
Jowhar
Jowhar
Kenya Somalia
Kismayo News
L/M/N/O
Laasqoray
Mareeg
Markacadeey
Markacadeyt
Midnimo
Midgaan 
Mudulood
Nugaal
Onkod
P/Q/R/S/T
Puntlandpost
Qandala
Qaranimo

Qaran News.
Radio Free
raxanreeb
Rundoon
Ruunkinet
Som. Maanta
somalitalk
Shaaciye
Shabele
shacabka
SBC
Som.Education
Talowanaag
U /V/W/X
UNHIS
Waaniye
Waaniye
Wakiil
xog-waran
Xamar daye
Xusuus 
Somali Sports
olympics 
Somsoccer
Football F
youth ....
Sports 
Somsport
Somaliland
Somalsports
Deeyoo 
Youth A  

Horseed
Garoonka
Kubadda.
Xiddigaha.
Xusuus
Inte.Sports:
Olympics
FIFA
CAF
Asia
Uefa
FIBA
Athletics
Vollyball
Tennis
Table T
S Press
Leagues:
England
Italy
Spain
France
Germany

NBA 



Dabaal Degga Maalinta Ciida & Magaalada Hargeysa (Sawiro)
waxaa la daabacay Sun 20 Sep 2009 13: 32: 11
Kumanaan Dadweynaha Reer Somaaliland ayaa saakay udareeray dukashada Salaada Ciida iyadoo laga dheehanayay wajiyadooda farxada Ciida Soonfureed kadib marki ay soo dhameesteen Rukni kamid ah 5ta tiir ee Islaamka.


 





Dadweynahaani ayaa isugu hambalyeenayay oo isugu duceynayay in ilaahey ka aqbalo ciidooda oona kadulqaado dhibaatooyinka iyo abaaraha, Dadweynaha ayaa waxa ay labisnaayeen  qof waliba wax uu heli karay .


Dabaal Dega Maalinta 1aad ee Ciidul Fidriga oo aan qilaaf laheyn ayaa waxa ay maanta si siman ay uwada ciideeen umadaha islaamka iyadoo tanina ka dhigeeso bishi ugu horeesay ee ramadaan oo bilaawgeedi iyo dhamaadkeediba si qilaaf la’aan ah ay mar qura isula soomaane isla markaana ay mar qura wada ciideen.




Hadaba Xafiiska Shabakada Warsheekh ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu saakay la wadaagay farxada Munaaasabada Ciidada dadka Reer hargeysa iyadoo Shabakadana socod iyo Ukuur Galid ay kusameeyeen Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Hargeysa ee Dalka Somaliland.


Ciidanka Gaarka ah ee kala haga gawaarida ayaa waxa ay saakay ku mashquulsanaayeen kala furida wadooyinka halbowlaha u ah magaalada hargeysa oo saakay laga dareemayay Ciriiri saa’id ah.



Salaada Ciidul Fidriga ayaa waxa lagu dukaday Saakay Masjid Jaamac iyadoo dukashada salaada aysan ukala harin dadka reer hargeysa hadii ay ahaan leheed Culumada , Madaxda iyo dadweynihi intaba iyadoo qudbad duco ah salaada ka hor halkaa kazoo jeediyay madaxweynaha dalka Somaliland mudane Riyaale.


Riyaale ’Ilaahey waxa ka baryayaa in Ciidaan ciideeda in uu noo soo ceceliyo nabadna inoogu soo cel celiyo ayaan ka baryeenaa, Waxa ilaah ka baryeenaa abaarta ina heeso maalinta ciida awgeed in uu eebe inooga dulqaado, baryadaada un baa kaga baxeenaa, cid kale oo wax nasiisa uga bixi meeno ilaahow naga aqbal oo naga ajiib,



Goobaha lagu dukaday Salaada Ciida ma aysan aheen Masjid jaamac oo kaliya ee Sidoo kale waxa lagu dukaday Masaajidyo dhoor ah sida Masjidka , Cali Mataan, Ibraahim Dheere, Garoonka Kubada cagta ee Hargeysa iyo Masjidka Wasiirka Owqaafta iyo Arimiha Dniiga Sheekh maxamud Suufi.


Hadaba dukashada Salaada Ciida kadib waxa wadooyinka magaalada hargeysa isugusoobaxay dhamaan Shacabki reer Hargeysa iyadoo midba midka kale ku salamayo Ciid Wanaagsan iyo Ciidul Mubaarak.


Socdaal,a Shabakada Warsheekh iyo Dabaal dega Reer Hargeysa inta aan ku guda jirnay ayaa waxa ay furasadi usoo bandhigtay shabakada warsheekh qaar kamid ah dadka kunool magaalada hargeysa in ay fariin uga gudbyaan eheladooda kala jooga dunida dacaladeeda.


Jaamac Axmed Hiraabe oo kamid ah waalidiinta ku nool magaalada Hargeysa isaga iyo caruurtiisa ayaa waxa shabakada warsheekh kula kulantay Halka loo yaqaano Kheyriyada.


Mudane Jaamac ayaa waxa uu ugu horeen dhambaal salaam ah oo ku aadan munaasabada ciida uu shabakada warsheekh umariyay dadka muslimiinta meel kasta oo ay joogaan isagoo sanadaan teeda kalena ugu duceeyay abshir iyo ijaabo.



Sh: Abukar Sh: Ax’ed Yare oo kamid ah Culimada kunool Magaalada Hargeysa oo isagana aan kula kulanay Xaafada Siinay ee magaalada Hargeysa ka dhacda dhanka Kowfur ayaa shabakada warsheekh waxa uu dhambaal salaam iyo bogaadin ah uga diray Dhamaan Dunida Muslimka isagoo dhanka kalena tilmaamay wanaaga ay leedahay muslimka oo maalin qura wada ciida iyo qatarta  ay leedahay islaamka oo qilaaf la dhax dhigo oo lagu fududaado Maalin Soon ah dadka in la Ciidsiiyo ama maalin ciid ah dadka in lasoomiyo.



Maajid Maxamed Sheekh oo looyaqaano (Maajid Ashiika) ayaa saakay waxa uu kamid ahaa koox dhalinyaro udabaal degeesa maalinta ciida oo ay shabakada warsheekh kula kulantay Maqaayad caanka ee (Macmacaanlaha Marwaas), Maajid Ashiika ayaa ugu horeen waxa uu shabakada warsheekh uga hadlay dareenkiisa ku aadan munaasabada maalinta ciida isagoo qosol farxad ku dheehan ugu horeen uga mahad celiyay shabakada socdaalka ay kala qeyb qaadaneeso dadka reer hargeysa udabaal dega maalinta ciida.


Maajid yare ayaaa dhambaal taariikhi ah udiray bahda Isboortiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan isagoo ugu duceeyay in ay gaaraan horumar balaaran .



Gunti iyo Gunaanadki Waa bahda Shabakada Warsheekh oo idin leh Ciid Wanaagsan, Ciidaan Ciideeda Samo iyo Siyaado, waa halku dhigay Bahda Warsheekh oo idin leh Ciidaan Ciideeda waa (Wacaleena Wa Caloosha)



 



Idaacada Voa Somaliya iyo Xaflada Furitaanka Faraca Hay'ada Cansoma Soomaaliya Dhageyso

 

 

Warsheekh Official News Resources
Orebro-Lans Sweden
Wixii fekir ah noogu ku soo Dir: webmaster@warsheekh.com

View My Stats © Copy Right Warsheekh.com Allrights Reserved