XILDHIBAANDA MATALA MAGACA SOOMAALIYEED WAA HOGGAANKA FULIYA (Faalo)....

0
Thursday October 30, 2008 - 13:10:27 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XILDHIBAANDA MATALA MAGACA SOOMAALIYEED WAA HOGGAANKA FULIYA (Faalo)....

    XILDHIBAANDA MATALA MAGACA SOOMAALIYEED WAA HOGGAANKA FULIYA IN ITOOBIYA AY SII BAABI'ISO SHACABKA IYO QARANKII DALKA SOOMAALIYEED!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XILDHIBAANDA MATALA MAGACA SOOMAALIYEED WAA HOGGAANKA FULIYA IN ITOOBIYA AY SII BAABI'ISO SHACABKA IYO QARANKII DALKA SOOMAALIYEED!

 
Waxaan doonayaa in aan wax yar oo dhaliil ah in aan usoo jeediyo xildhibaanada matala shacabka soomaaliyeed
dhaliishana waxa weeyaan : "waxaan leeyahay horta waxa aad xildhibaan utihiin anigu ma'aan aqaan, sababtuna waxa weeyaan wali lama hayo adinkoo u'had laya shacabkii soomaaliyeed oo ay la soo daristay in labara kiciyo halkii ay daganaayeena lagu garaaco hub cul culus oo aan sawaxan kooda xataa aan xamili karin,carruurtiina iyo waalidkiinba ay ula deyn gaajo,cudur iyo aqsaba"

Taasna waxaa masuuliyaddeeda is kaleh kan sheeganaya xildhibaan.  Waxqabad daradiina iyo isnaceebtiinaba, waxaa nooga daran magac xumida iyo foolxumida aad usoo jiidaysaan qarankii soomaaliyeed, war Illaah baan idinku dhaarshee miyeydan damiir laheyn oo aydin ujeedin waxyaaba aad sameenaysaan iyo aayitiinkiinaba halka aad ku dan beendoontaan. 

Sida aad ugu jirtaan isjiidjiid, waxaad ogaataan in marka ay noqoto wakhtigeeda in aad hoostagaysaan Ethiopia oo iyada wakiil ka noqondoonta adinka oo shacab ah iyo dalkii Soomaaliyeed oo dhanba, sababtuna waxaad noqoteen dad sidii larabo laga yeeli karo amarkii la siiyana si wanaagsan ufuliya, isagoo aan garaneyn godka uu ku dhacayo amase aan ujeedin shillimaadka iyo hoteelka uu jiifo, waxa ka danbeeyana uu sanba ogeyn, moodayna in uu qaran kumatalo xildhibaan Soomaaliyeed ayaan ahay,

Soomaali haddii aad tahay xildhibaanoow bal maxaad uqabateen shacabkii Soomaaliyeed oo gudaha Soomaaliya iyo dibadba ku dhibaataysan.

Dadka kuxirxiran South Africa oo waliba lagu gubahayo, waa su'aale maxaad ka qabateen? kuwa xasuuqa iyo bara kicinta lagu hayo,waa yaabe maxaad ka tiraahdeen? hadii aydan unaxeyn dadkaas oo aydan shaqaba aydan iska saarin oo waliba aydan xaquuqdooda iyo xaqqa ay leeyiin la duudsiiyey, haddii xildhibaanoow aad ku fiirsatay,

"waa yaabe ma xildhibaanada ayaan Soomali aheyn mise shacab kale ayaa la doonayaa in ay dhaxal uhelaan dhulka Soomaaliyeed"?.

su'aashayda waxaan waydiinayaa Soomaalida iyo Xildhibaanada xambaarsan magac xildhibaan, ee aqoonsigoodii ay ku galilahaayeen qolka shirka garan waa yey in ay isu sugaan ee safka dheer inta lagu safay kadibna halkaas ku qaateen, hadde magac xumida waxaa iska leh xildhibaanada iyo inta sheeganaysa in ay mas'uul in ay yihiin. 

Wax walba oo kaa yaabiya Qof bay caado utahay, bal haddii ay reer galbeed ay hor fariisan lahaayeen, wax dhan ayey ii ahaan laheyd, nasiib daro kuwii dhahayey Soomaaliya ha loo qeebiyo Kenya iyo itoobiya, wax anfa malahane illaa 1960kii bay is maa muli waayeene, aan eegno in aan kala qeebin karo, kadibna aan sidaan doonno aan ka yeelno. Itoobiyaan iyo mid kafantiisa uwada ayey waxa ay ka sugiyaan nabad iyo qaran Soomaaliyeed, waxaan sugnaaba waa idinkoo waaga idiin baryo.
 
Qore abdi ali
usrababdallah@hotmail.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka fiiri emailkiisa xaga danbe qoraalka,

Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid


Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip