Isir Sifeyn Qarsoon oo Ka Bilaabatay Gobolka Sh.hoose (faalo)

0
Tuesday November 04, 2008 - 11:00:57 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isir Sifeyn Qarsoon oo Ka Bilaabatay Gobolka Sh.hoose (faalo)

    Illa wareedyo lagu kalsoonyahay oo laga helayo gobolka shabelada hoose, ayaa waxey sheegayaan in halkaas kuu ka socdo abaabul Dagaal Kii ugu weynaa ee abid soo mara Gobolka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Illa wareedyo lagu kalsoonyahay oo laga helayo gobolka shabelada hoose, ayaa waxey sheegayaan in halkaas kuu ka socdo abaabul Dagaal Kii ugu weynaa ee abid soo mara Gobolka.

Dhalinyaro Fara badan oo Ka Kala Yimid Gobolada Galgaduud Iyo Mudug ayaa Ku Sii Qulqulaya Gobolka Sh.hoose Halkaas oo looga Furay Xerooyin Tababaro La Xariira Dhinaca Dagaalka.
 
Imaatinka Dhalinyaraan Ka soo Jeeda Gobolada Dhexe ay yimaadeen gobolka Sh.hoose ayaa waxey ka Danbeysay Kadib Dalab uga Yimid  Jaale Yusuf Siyaad Indhacade ee Xooga Ku heysta Gobolka Sh.hoose.
 
“Waxaan ka soo kicitamay Magaalada Dhuusomareeb Ee Gobolka Galgaduud Kadib Markii la I sheegay in Aan Ka Mid Noqon Doono Ciidamada Daacada u ah Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade” Ayuu Yiri Mid Ka Mid ah Dhalinyaradaas oo Diiday In Magaciisa la xigto.
 
Jaale Indhacade ayaa Doonayaa Sida Wararku Sheegayaan In Jawiga Siyaaseed ee Gobolka u Badalo Mid Qabyaaladeed Asagoona Isla Markiina Bilaabay Inuu bartilmameedsado Dadka Ka soo Jeeda Beesha Mudulood Oo Ka Mid ah Beelaha Ugu Tirada Badan Ee Daga Gobolka Sh.hoose.
 
Jaale Indhacade oo ay Taageero Hiil iyo Hoo ah la Garabtaagantahay Beeshu ee Ka soo jeedo ayaa sida la ogyahay wuxuu 18 sano biyaha wabiga ka iibin jiray dadka ka soo jeedo Gobolka Sh.hoose asagoona Geed Dheer iyo Mid Gaabanba u Fuulay Si uu ku sii heysan Lahaa Gobolka Sh.hoose oo uusan u Dhalan.
 
19 may,2008,Ayey Aheyd Markii Maleeshiyooyin Ka amar Qaata Qabiilist Indhacade Ay Afduub Iyo Jir Dil Kula Kaceen Aqooonyahan Ka soo Jeeda Beesha Mudulood Oo Hay`ada lagu magacaabo CINS(Cooperazione Italiana Nord Sud) Madax ka ahaa Asagoo Ku Sugnaa Gurigiisa Ku Yaala Degmada Owdheegle Ee Gobolka Sh.hoose.
 
Qabiiliste Yusuf Siyaad Indhacade Ayaa wuxuu Muujiyay Naceyb Qaamuray ee uu u qabo Beelweynta Mudulood asagoona Wacad Ku Maray Inuu Ka sifeyn doono beesha Mudulood Gobolka eey Leedahay ee Sh.hooose.
 
Dad Badan ayaan ogeyn Mashaqada Ka taagan soomaliya Iney salka Ku heyso Dhulka Barwaaqada ah ee  Dhaca Koonfurta Somaliya.Tusaale  haddii aan u soo Qaato , Qabiilka Mareexan oo kitirsan Beesha Daarood Waxey Colaadi Badan Kala Dhaxeysaa Qabiilka Ogaadeen oo asna Ka tirsan Isla Beesha Daarood ,Waxeyna Labaduba Isku Heystaan Qabsashada Gobolada Jubbooyinka oo labaduba Looga Xaq leeyahay,Waxeyna Taariikhyahanada Somalida Xusayaan In Dadka asal ahaan leh Goboladaas Ay Yihiin Beelaha Gaaljecel iyo shiikhaal oo Ka tirsan Beelweynta Hawiye.
 
Qabaailada Laga Akdaado isla Markaana Laga Xoogo Dhulkooda ayaa Aalaaba waxaa loogu Sii Daraa In La adoonsado Lana Xaqiro Jiritaankooda!
 
 Si Kastaba Ha ahaatee,Dadka U dhashay Beesha Mudulood ayaa waxey yihiin dad furfuran soo dhaweesta Dadka ayagoon Ka fikirin Cawaaqib Xumada Ka imaan karta Arrintaas. Waxeyna Jiilka Mudulood ee Hadda Jooga Dhaxal siisay In Maanta Dhulkoodii Xamar La la sheegto oo ay sheegtaan Dad 1992 Ku soo Qamaamay Xamar.
 
Waxba Yuusan Qalinku Ila turan turoonine,waxaan ku soo Gunaanadi Lahaa,Mar Hadii aan Aragno Xiqdida Iyo Naceybka Heerkaa Gaaray Iyo Colaadaha Dadka Qaarkii ay Gurbaanka U Tumayaan ,waxaa waajib ah in aynu si Mideysan Uga Hortagno Cadawgaas oo aan Aqoon Luqada Xabada Mooyaane. Mar i dage Alle ha dago mar labaad i dagase anays dagay.   

Cabdisalaan Maxamud
<
warsan-starnimo@hotmail.com>

Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

 

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip