Dhalinyarta Maantay iyo Qabiil Maxaa kala heeysta??? (Qeybti 1,aad)

0
Thursday November 06, 2008 - 15:52:08 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyarta Maantay iyo Qabiil Maxaa kala heeysta??? (Qeybti 1,aad)

    Waxaa na asiibay hadii aan nahay dhalinyarada soomaaliyeed dhibaaatooyin xadkooda dhaafay, kuwaas oo ah kuwa aysan jirin cid noola qiirooneyso ama xataa qirsan in ay nagu dhaceeyso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa na asiibay hadii aan nahay dhalinyarada soomaaliyeed dhibaaatooyin xadkooda dhaafay, kuwaas oo ah kuwa aysan jirin cid noola qiirooneyso ama xataa qirsan in ay nagu dhaceeyso.


Waxaan maalinkasta la kulanaa kala-sooc joogta ah, midibtakoor iyo aflagaado aan la soo koobin karin sababta jiritaanka cudurka gubay qalbiga shaqsiga walba oo soomaali ah waa Qabiile.

Hadii aan nahay dhalinyaro maantay ma heeysano raashin, hooy wanaagsan iyo waxbarasho tayo wanaagsan leh oo aan horumar ku gaari karno.

Qaarkeen intaasba ma heeystaan ha xumaadaan ha wanaagsanaadaane! Waxaan ku jirnaa jahawareer iyo yaan nahey? waxaan jawaab u weeynaa oo aan aqoonsan la'anahay qofka aan sida dhabta ah u nahay. Waxeey kuwa badan oo naga mid ah quud iyo qiima noololeed ka ag arkeen qoray iyo qaadka, oo wax ay dilaan iyo wax cuuryaamiyaan ka dhigeen dadkii oo dhan.

 Waxeey noqdeen darbiya jiif u nool in ay noqdaan dilaaga qofkasta oo soomaali ah iyo duugaha calanka iyo jiritaanka soomaaliyeed.

Waxaan ku qasbanaanay in aan kala doorsanay laba daran, oo aysan jirin marnaba meel anaga noo wanaagsan oo aan horumar iyo madax banaani buuxdo ugu gaari karno nolosha iyo itixaanka qofkasta noloshaan ayaamaha ah ee dunida ku soo wajahda.

Kuwa badan oo naga mid ah ayagoo raadinaa nolol wanaagsan ayeey soo tahriibeen waxeeyna ku li'ideen badaha iyo saxarada ku yaala Afrika iyo Aasiya.

Waxaa maalinkasta dhinta kumanaan ah dhalinyaro soomaaliyeed, waa mid dhiban iyo dhibe aan ogeen inuu asba yahay dhibane lagu soo afduubay qoray iyo qaad.

Kuweena Yurubta iyo Waqooyiga Ameerika degay waxeey la noolyihiin niyad jab iyo quus joogta ah, waxeeyna beenshan dhiigooda ah soomaaliga, kuna hadlaan luuqada islaameed ayagoo ka cabsanaa in la ogaado in ay yihiin soomaali hadii ay ku hadlaan luuqada soomaaliga ah, kadibna lagu caayo ama laga sugaa inuu baro ajnabiga oo la noolyahay dadka ay yihiin soomaali iyo meesha ay degaanba.

Kuwa badan waxeey sheegtaan Jamaykaan iyo waddamada kale oo ay u midibka egyihiin soomaalida sida Eratiriyaanka iyo itoobiyaanka.

Bal ceebtaas fiiri! Dhalinyarada soomaalida ah waxeeyna noqdeen xamaale iyo daroogiiste aan wax faaiida ah dalka iyo dadka hooyo u heeynin mustaqbalka dhaw iyo kan dheerba.

Waxaa na kala qaybshay dad aan aqoonin micnaha qofka soomaaliga ah iyo dhulka somaaliyeed uu noo leeyahay, iyo odoyaal u shaqeeya calooshooda, oo kursi iyo madaxtinimo jaceyl Illaaah ku ibtileeyay, xataa markay salaada galaan ku digriya; Illaaahoow qabiilkayga maahane inta kale laay, Illaaahoow magacayga maahane inta kale wax jiri haba ka dhigin... Illaaahooow wixii aan aniga i rabin naarta ku fogeey iwm!!! Meesha ay kaga duceeysan lahaayeen oo ay Illaah danbi dhaaf iyo cafis ka weydiisan lahaayeen.

Ileen waa dhiig cabayaasha iyo qiyaanayaasha kalsoonida iyo jiritaanka dadka iyo dalka hooyee.

Galbeedka waxaa noogu tashtay gaalo raba in ay helaan dad guryaha u dhaqa, duqooshinkana u haayo, isla markaasna habeen iyo maalin aan ka seexanin sida aan ayaga ugu diin iyo dhaqan u noqon laheeyn, oo aan waxbarasho iyo mustaqbal sharaf leh hamigeena kaga saari laheeyn.

Intaas waxaa noo dheer waalidiin aan wax garan oo waxa maskaxdoodu ku shaqeeyso ay yihiin jadwalka musiibada oo ah jadwal oo sameeyay cadaw jiritaankeena iyo sharafteen neceb.

Waxaas oo dhan wax kale noogama dhicin hadii aan nahay dhalinyarada soomaaliyeed ee waa QABIILKA qalqalka iyo qiima la'aanta baday caradeena iyo calankeen.

 Waa aragtay hadii aad tahay qof dhalinyaro ah waa wax yar, oo waxuu qabiil kuu geeysanaa maahan wax la soo koobi karo, ama aan xataa qisooyin iyo qalin u qaadan karno.

La Soco Qeybta Labaad ee Maqaalka Oo Aad Uxiiso Badan

W/Q Ifraax Yusuf A. G (Ifka)
Samsam Axmad (
samsam_1989@hotmail.com)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip