MAXAAKIIMTA "KHEYR BAA LA MOODEY SHAR BEY NOO NOQDEEN" (Faalo Aqriste)

0
Thursday November 06, 2008 - 21:24:10 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAAKIIMTA "KHEYR BAA LA MOODEY SHAR BEY NOO NOQDEEN" (Faalo Aqriste)

    Hordhac Waxaa La Yaab Nagu Noqdey Kuwii Culumada Moodney oo Noqdey Maan laawayaal Caami AH Waxaa Horey Loo Yiri "Dad iyo Duur Waxaa Fileyn Baa Kaaga Soo Baxa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac Waxaa La Yaab Nagu Noqdey Kuwii Culumada Moodney oo Noqdey Maan laawayaal Caami AH Waxaa Horey Loo Yiri "Dad iyo Duur Waxaa Fileyn Baa Kaaga Soo Baxa"

 

Waxaa maqli jirey marka lagaaro maalinta Qiyaamo Dadka ugu horeeyo Naarta Galayo in ay yihiin Wadaadada waa la yaabanaa oo waxaa is dhihi jirey sidee wadaad ugu horeynayaa Dadka Naarta Galayo Laakin maanta Su'aashaa Jawaabteeda waa ka Qancay

Wadankeena Soomaaliya in mudo ayuu cadaab ku jirey oo ay isku hayeen Qab-qablayaal xukun doon ah oo aqoontooda liidatey oo laga daaley in ay heshiiyaan oo lagu macneeyey in ay la mid-yihiin sida dad waalan oo ku xareysan Cusbitaalka Waalida

Markii Maxaakiimta Dagaal kala hortageen Qab-qablayaashii noqdey Wax matara yaal Meesha kama tagayaal ummadda soomaaliyeed meel kasta ay joogaan wey u istaageen waxeyna u fidiyeen Taageero nooc walba leh taas oo ula muuqatey in laga xuroobaye kuwa dhibka ku haye dadka nasiib daro Abshir nooma noqon taageeradaas la taageerey maalintaas waxey noqotey Maalin Madow Allaha wuxuu yiri'WAXAA SHAR MOODAAN OO KHEYR IDIIN AH BAA JIRA IYO WAXAA KHEYR MOODAAN OO SHAR IDIIN AH BAA JIRA' QAABKII MAXAAKIIMTA AY KALA AHAAYEEN

QEYBTA KOOWAAD Runtii ma wada xuma wadaadada oo in yar oo wanaagsan wey leeyihiin oo aad ka dareemeyso ficilka Islaamka iyo Dhaqanka Diinta sida Sh.Shariif Sh.Axmed ,Sh.C/qaadir C.Cumar ,Sh.Ibraahin X.Cadow,Sh.Maxamoud ,.Suuleey,iyo kuwo kale oo la mid ah

QEYBTA LABAAD maxeyse kugu yaalaan wanaagooda waxey wax ku darsadeen kuwo Maan-laawayaal ah oo dhagar qabayaal ah oo wax Boobayo oo wax khafaalanayo oo waxgaradka dilayo oo Dambiilayaal Ajaanib ah dalka hooy uga dhigey oo nabada Col la ah oo u horseedey Wadanka in ay soo galaan Ciidamada Itoobiya oo maxaakiimta iska soocey oo gaar uga baxay waxeyna la baxeen AL-SHABAAB iyo RAAS-KAAMBOONI

QEYBTA SEDDAXAAD , Waxey kaloo wax ku darsadeen kuwo Diinta ku Gabanayo oo ka harey Qab-qablayaashii oo Qabiil u Dirir ah oo Caami ah Sida Xasan D.Awees iyo Wiilka ay heybta wadaagaan Yuusuf Indhacade oo jufadooda raba in ya soomaali ku Qasbaan Rabitaankooda iyo mid CAMIIL u ah oo dhaxda uga xiran oo maankiisa seddax ka meel mid ah oo Neef Sagaaro ku doonayo Laba Boqol Halaadh Qoorta gashanayo waxaan Tabartiisa eheyn iyo tan Reerkiisa oo sheeganayo inuu yahay nin jaamacad ugu soo baxay waxbarashada Diinta oo mar sii horeysey sheegtey inuu Fatwo ka soo saarey Heshiiskii Jibuuti asagoo ku sheegey Isbaheysiga la heshiiyey Dowladda in ay yihiin kuwo Diinta ka Baxay oo GAALO ah

Waxaa Allah mahadiis ah in Culumadeenii wax na soo barey oo diinta wweligood hogaan u ahaa meel ka istaageen oo in badan nooga digey in aan wax lagu darsan oo waxa socdo yihiin Fitno ka aareyso kuwii horey wax u geystey Waxaa la yirahdaa "FIDNIDA MEESHA LAGU GALEY KAMA TAGTO OO COWSKA IYO GEEDAHA AYEEY DHAX-JIIFATAA ILAMA AY KA AARTO KUWII HOREY WAX U GALEY"

Ugu Dambeyn waxaa u maleynayaa in Soomaali mar dambe Soo dhaweyn doonin Wadaad Xume oo kheyka aan ka fileyney Shar Noogu Badaley oo hada loo baahan yahay Taladii aan ugu Badbaadi laheyn oo isaga qaban laheyn waxeyna ila tahay sida kaliya ugu haboon waa in la taageero HESHIISKII JIBUUTI

wabilahi towfiiq W/D..maxamoud maalin

moalinm2us@yahoo.com

Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip