Madaxwayne C/laahi Yuusuf oo Xaalkiisa marayo "Neef Gowracan Geedo Kama Waabto (Faalo)

0
Wednesday November 12, 2008 - 08:58:47 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne C/laahi Yuusuf oo Xaalkiisa marayo "Neef Gowracan Geedo Kama Waabto (Faalo)

    Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa ku sameeyey is hortaag Go'aankii Madaxweynayaasha IGAD ka soo saareen kulankoodii oo markii hore Qorshaha ahaa in Xil ka Xayuubin lagu sameeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa ku sameeyey is hortaag Go'aankii Madaxweynayaasha IGAD ka soo saareen kulankoodii oo markii hore Qorshaha ahaa in Xil ka Xayuubin lagu sameeyo

Warar lagu kolsoonaan karo ayaa sheegaya in kulankii IGAD ay ugu yeereen Madaxda ugu Sareysa Dowladda iyo Dhamaan Xildhibaanada G.Barlamaanka Qorshaha uu ahaa in Magaalada Nairobi lagu Qabto Mooshin kalsoonida loogu qaadayo Madaxweynaha oo horey u soo gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka intii lagu sugnaa Magaalada Baydhabo
 
Wararka ayaa intaa ku daraya in Mooshinka is hortaag ku sameeyeen Dowladda Martida loo ahaa ka dib markii loo adeeg-sadey Wasiiro ka mid ah Dowladda Kenya oo ku baxay Dhaqaale Gaarayo Nus Malyuun ooYuro ah ayagoo ku andacoonaye in aan la Aqbali karin Madaxweyne lagu doortey Wadankeena in misana lugu Rido
 
taas oo noqotey wax la garawsan karo ka dib ay isku raaceen in loo daayo Madaxeyne C/laahi Yuusuf Mudada yar oo ka harsan waqtigiisa
 
Hadaba markii is Hortaagaan yimid ayaa loo badaley in ay soo saaraan Qodobo lagu toosinayo Dowladda ka dhamaan weysey khilaafaad dhaxdeeda ah iska daa Dalkii iyo Dadkii loo soo dhisey in ay wax u Qabato waxaana wararka intaa ku darayaan ka soo Qeybgalka Isbaheysiga Dibu-xureynta kulanka IGAD ay ku taxaluqdey Qorshahaas
 
Dowladda Itoobiya oo markii hore ka dambeysey inuu C/laahi Yuusuf noqdo Maxweyne ayaa u soo Qarsatey Mindiyahii ay ku Qowrici laheyd taas oo hada dib ugu dhegteen Maadaam ay Aqoon Duruqsan u leeyihiin oo sina uga baxsan karin waxaana soo baxayo in Madaxweyne C/laahi Yuusuf Go'aankii Madaxda IGAD uu Naf ahaan tiisa Saxiixey uu ka horyimid
 
Reer koonfureedka waxey yiraahdaa "HADUU MURUQAADA SUUS YAHAY WUXUU KUU GEEYAA NIN MURUQIISA YAHAY SUUS IYO MADAAL"Madaxweynaha ayaa moodaa in uu yahay Neef Gowracan Geedo kama Waabto oo diyaar u yahay khasaaraha iyo faaidada kaga imaan doono
 


W/D.MOALIN MOHAMOUD
moalinm2us@yahoo.com

 

 

Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip