Laba Shariif Sharaf Ayaa Usiyaaday, Waayoo Shacabka Somaliyeed Shidaddii Waa Ka Yaraatay-(Faalo)

0
Friday November 28, 2008 - 19:47:43 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Shariif Sharaf Ayaa Usiyaaday, Waayoo Shacabka Somaliyeed Shidaddii Waa Ka Yaraatay-(Faalo)

    Wali Soomaliya gaar ahaan caasimada Soomaliya ee muqdisho waxaa ka taagan shidadii aheyd bac, bug iyo baaruud qiiqeysa oo lagu soo jiray sideed iyo toban sano (18) ka badan, balse waxa Alle mahaddiisa ah inay shidadii hore soo yaraanayso afartii (4

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wali Soomaliya gaar ahaan caasimada Soomaliya ee muqdisho waxaa ka taagan shidadii aheyd bac, bug iyo baaruud qiiqeysa oo lagu soo jiray sideed iyo toban sano (18) ka badan, balse waxa Alle mahaddiisa ah inay shidadii hore soo yaraanayso afartii (4) billood ee la soo dhaafay, ka gadaal markii ay laba Shariif oo kala ah Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Sharif Hassan Sheekh Aden ay aqbaleen inay lagalaan wada hadalo nabaddeed dhammaan dhinacyada ay quseyso arrinta murugsan ee Somaliya sidii xal nabaddeed loogu helilahay.


Dhibaatadaan Soomaliya oo dhan ay wada eeday soona socotay  siddeed iyo toban  (18) sano  ka badan, waxaa  dhibsaday kana  dhiidhiyay laba Shariif oo sii eegan waayay bil-kasta boqollaalka dhimanaysa, boqollaalka dhaawacmeysa, boqollaalka barakaceysa ee iyagoon haysan baco aay roobabka ka galaan, biyo nadiif ah, baad la cuno iyo bukaan eeg haba sheegin ee  bilqan laga billaabo Ceelasha Biyaha ilaa Carbiskii Afgooye, Ceel-macaan ilaa Cisaley, boqollaalka meydkoodu dul-sabey-naayo  badaha adduunka iyo  balaayo kale oo ku cusub  Soomaliya oo ah isbaarooyinkii badnay ee biriga ooli jiray oo hadda loo wareejigay Badaha.
 
Waxaa nasiib darro ah, waxaas oo dhibaato ah waxaa wada kooxo yar iyo shaqsiyaad ku heyb ah dhibanayaasha reer koofureedka, gaar ahaan Hawiye iyo Raxanweyn (victims), laakin  dhibka masaakiinta ku dhacaaya waxaa kala weyn, dantooda qaas ah markasay marba shaati cusub usoo gashadaan  sidii ay shido hor leh u abuuri lahaayeen, iyagoo naftooda iyo shacabka Soomaliyeedba been qaawan u sheegaaya sida Diin ayaan daafacaynaa iyo Ciidamada Itoobiya ayaan wadanka xabad uga  saareynaa iyo quraafadyo la mid ah.
 
Sida lawa ogsoon yahay kooxahaan yar iyo shaqsiyaadkaan danas-tayaalka ah, diin-difaac waxay uyaqaanan nin masjid Ilahay gelaaya, amba ka baxaaya, amba nin u xamaalahaaya curruurtiisii, labadiisii waalid oo indhoolayaal ah iyo agoon walalkiis amba walashiis ka dhinteen in gaadmo lagu soo dilo.
 
Waxaa kaloo kooxahaan fidno wadayaalka ah ku andacoodaan waxaan wadanka ka saareynaa Ciidamada Itoobiya, markasey xerooyinka ciidamada  degan yihiin  wax  aan micno laheyn ku tuuraan, dibadeedna ku kala dhuuntan xaafadaha ay degan yihiin masaakiintu, markasey Ciidamadii shisheeye xaafadihii wax laga soo tuurey ay u qeybiyaan madaafic siman ah, markaasa boqollaal dhimataa, boqollaal kalana dhawacman, boqollaalna barakacaan.
 
Haddii aysan arrintu aheyn "ninkii meel u caddahay meel ayaa ka madow" kooxahaan yar ee danastayaalka ah ee doon-doonaaya derejo aan Rabbiba u qorin, runto waxay tahay in aysan kooxahaan yar wadin  Diin sax ah, Itoobiyana aysan xabad wadan uga saari karin, balse ay wadaan oo qura caburin shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dan-yarta, dhinaca   dhaqaale iyo nabadgelyadaba.
 
Kooxahaan yar, malaha awood ay ku saaraan Ciidamada Itoobiya, laakin waxay shacabka Soomaliyeed qalabka warbaahinta ka maqashiiyaan wax xaqiiqada aad uga fog, balse waa Alle mahaddiise sid lagu sheegay qalabka warbaahinta, inay Itoobiya dhowaan Ciidamadeeda kala bixi-doonta Soomaliya, laba (2) sababood  aawadood:- 1) isbedelka Madaxtinimo ee dhowaan ka dhacay wadanka Mareykanka, iyadoo xan hooseed la helaayo, ay sheegeyso in maamulka cusub ee Madaxweynaha la doortay  Barack  Obama  uusan kharash ku bixin doonin dagaalada micni darada ah ee ka soconaaya meela badan oo ay soomaliya ka mid tahay, 2) Mucaaradka garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo dalka Jabuuti heshiis kula saxiixday Dawladda Itoobiya inay la baxaan Ciidamooda marka la fuliyo dhowr qodob, heshiiskaas waxaa goob joog ka ahey beesha caalamka, Wakiilka Q.M. Ahmadul WAlid Abdalla, IGAD iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismali Omar Geele oo ah kama daalaha dabiibida Soomalinimada jiran.
 
Soomalidu waxay rejo fiican oo nabad buuxda lagu gaari karaayo u aragtaa heshiiska awood-qeybsiga  ah ee dhowaan dalka Jabuuti ku dhex marey Dowlada FKM iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed garabka uu u hogaamiyo  Sheekh Sharif Sheekh Ahmed, inkastoo 550 xildhibaan ay aad & aad  utahay xad-dhaaf ( too much) waayoo Dowladda Shiinaha oo dadkeeda lagu qiyaaso 1,321,851.888 ayan lahayn 550 Xildhibaan, macaada laahiye Soomaliya oo ka yar 9890.000, si kastaba ha ahaatee dhowrkii asbuuc ee la soo dhaafay shacabka Soomaaliyeed wuxuu dareemaayay saxan saxan nabadeed, sidaas awgeed laba shariif sharaf ayaa usiyaaday, waayoo shacabka Soomaliyeed shidadii waa ka yaraatay, insha'allaahi Itoobiyana oo aad loo wada dhibsadayna wadankeyna dhowaan waa nooga baxaysaa sababa kor ku xusan aawadood.
 
Laakin shacabka Soomaliyeed wuxuu aad iyo aad wel wel uga muujinayaa, khilaafka ba'an ee u dhexeeya Madaxweyne A/llahi Yusuf iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Nur Hassan Hussein, marka aad weydiiso dadweynaha Soomaliyeed labada Mas'uul kan qaldan iyo kan saxan, waxay ku xiran tahay hadba qofka aad weydiiso sida uu asigu wax u rabo amba uu u arko, sidaas darteed arintu waa " Ali-na gar leh, Ceydiidna gar leh".
 
Waxaa loo wada qirsan yahay, in uu R/W Nur Hassan Hussein yahay siyaasi qun yar socod ah, sharci yaqaan ah, nabad jacel uuna sii amba qaaday geedi socodkii nabadeed ee ay bilowda Xukuumaddii ka horeysey ee Prof. Ali Mohamed Ghedi oo wadanka Jabuuti wada hadalo nabadeed la bilawday  xubna ka tirsanay  taageerayaashii midowkii Maxaakimta Islamig iyo ganacsato caanka ka ah Soomaliya oo dhan gaar ahaan caasimada Soomaliya ee Muqdisho sida: Xaji Abuker Xaji Cumar Caddaan, Dahir Farax Jimale, Bashiir Raage Shiirar iyo qar kale,  laakin R/W Nur cadde waxaa lagu xantaa inay dhegta wax ugu sheegaan niman aan rabin in Soomaliya ay Dowlad ka dhalato, runtusa waxay soo bixidoontaa marka ay baxaan Ciidamada Itoobiya.
 
 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com

Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir
webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip