Gob Walba Gobolkeey Leheed Gar Waaye Iney Gudoomisaa,Goofkaan Aanaa Garhayee Armaad Galkaagi Goglataa

0
Monday December 08, 2008 - 16:37:29 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gob Walba Gobolkeey Leheed Gar Waaye Iney Gudoomisaa,Goofkaan Aanaa Garhayee Armaad Galkaagi Goglataa

    Gob Walba Gobolkeey Leheed Gar Waaye Iney Gudoomisaa,Goofkaan Aanaa Garhayee Armaad Galkaagi Goglataa KU: Cali Shirwac (Cali Qardho) iyo inta ku maskax ah Ka: Gobey Mudullood Ujeeddo: Caqli Celin iyo Baaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gob Walba Gobolkeey Leheed Gar Waaye Iney Gudoomisaa,Goofkaan Aanaa Garhayee Armaad Galkaagi Goglataa KU: Cali Shirwac (Cali Qardho) iyo inta ku maskax ah Ka: Gobey Mudullood Ujeeddo: Caqli Celin iyo Baaq


Waxaa iga yaabiyay qoraal ow ninka kor ku xusan qoray. Fikirka aad u hooseeyo iyo waxa ow ku tilmaamay caddaalad usugoo ka warramaaya maamul u samaynta Gobolka Banaadir, weliba soo dejiyay habki loo dhisi lahaay maamulkaas, bal ka akhriya websaydka Calayaale.com, qeebta fikradaha bulshada.

Qof walba oo bani’aadam eh woxow sharaf ku leeyahay hoygiisa ama degaankiisa in ow dhisto , maamul u yeesho, nabadgalyadeeda ilaalsho, caddaaladna ku dhaqo.

Waxaa degtaa Galka (Galmudug oo isku ah laba gobol), waxaadna rabtaa inaad Banaadirna wax ka sheegato oo beeshaadaad ku dartay beelaha Banaadir dega.

Haddii Xamar la wada leeyahay, mexey wiilashi Mudullood ugu hibeeyeen naftooda markey gardarradi la wada ogaay dhacday, aan weli looga tacsiyeyn gogolna laga dhigin ilaa iyo hadda , oo eheed in guryahoodi loogu yimid ee niman ey walaashahaayeen eey ku soo qaadeen weerar gadmo ahaay iyo arxan li’i.

Soo xasuuso dhacdooyinki horraanti sagaashameeyadi ee lama hilmaamaankaah. Ujeeddada wexey eheeday Mudullood ka suuliya Banaadir ee idinka qabsada, waa teey gardarradi qaawaneed ey garti ku habsatay laguna eeday dagaalkii Cissinlay ee taariikhiga noqday.

Dadka raba in ey Xamar nala qaybsadaanow, deegaanna ku leheenow, dhiiggi baxayaa idin diiddan, wiilashii geesiyada ahaay xusuustoodi oon tirtirmayn weligeedaa idin diiddan,

Gartiiyaa idin diiddan.

Markii lagu dhawaaqay jiritaanka gobolka Galmudug, aadaan ugu riyaaqay, waxaan is lahaay haddeey toosi doontaa,

Iraaddadiiyaa la haleelay. Xiriiraa abuurmi doona,labada gobol ee Banaadir iyo Galmudug ka dhexeeya. Dhaqaale, ganacsi, isbooqasho, fikrado lees dhaafsado ama talooyinaa billaaba doona.

Dadku waa isu soo dhawaa doonaan oo isa soo siyaara doonaaan, kan roonaa kan kale taakuleey doona. Dhici doonteena in aanooyinkii la galay meel lagu duugo.

Waxaase nasiibdarraah in eey weli socdaan dulmigi iyo gardarradi, kuwaasoo  sabab u eh u eh xumaanta mar kastaba soo lamma kacleyheyso oo eey hoggaanka u haayaan dadka walaaleheyna isku tilmaamaya.

Wallee Mudullood dhaxalkiisa nin kale uma dhiibo.

Waxaa jirta in Mr. Qardho, kala qaybiyay howlaha maamulka Banaadir, una qaybiyay Abgaal, Habargidir, Murusade iyo reer Xamar.

Muslim Allow, inteey Habargidir ka degaan Banaadir?

Waxaa iigu sii yaab badan in jagooyinka wadartaah ee ow Habargidir u qaybiyay ey ka mid tahay tan Guddoomiyaha Nabadgelyada! Waxaana ku xigeen u eh Reer Xamar! ( Armay fiicnayd inaad hormariso ).

Teeda kale, ma og tahay, haddiibo ey saan suurtoobeyso, inaad ka boodday nimanaan weliba waalid u nahay, waa Xawaadle Maxamede, aad illowday Digil oo aad noogu dhow deegaan ahaan, Baadicadde, cidaaha Gugundhabe ood ka soo tillabsatay iyo in kaloo badan

Mid waa kugu raacsanahay, in odayaasha talada looga hero, Nuur Caddana odayaasha waa ka mid, laakin ha u malayn kuwa la baxay Odayaasha Hawiye, xaa jira dheh mahaas Hawiye shaqo ku ma laha ee wexey talada u taal duqowda Mudullood, Imaamka, Ugaasyada, Malaaqyada , Cuqaasha, Bilcaamankooda iyo Waxgaradkooda.

Reer Xamar deegaan waxaa u eh lamma xaafad oo aad u yaryar: Xamarwayne iyo Shingaani, Murusadena woxow  dagaa xaafadda Dayniille, lammadooraba waa lagu tixgeliyaa maadaama ey Mudullood u yihiin marti.

Waxaan ku xasuusi lahaay qola kaloo degta Jasiira iyo Kax Shiikhaal, oo sida magaca tilmaamaayo, eh Shiikhaal. 

Ma u wayday jagooyinaad ku cariiriso imminkaad adigoo dago iskana leh Galmudug isku baldhaarisay Banaadir?

Waxaan nahay ehelka caddaaladda iyo diinta Nabi Muxammad (Calayhi Salaatu Wa Salaam ), inta deegaanka xaq u leh in ey nala qeebsadaan cidna noo sheegi meyso, kana yeeli meyno.

Anigoo magaceygu yahay Madiina Axmed Maxamuud Cadde ku magac dheer ina Qoorweyne, I dhalay ninkii Xamar wax weyn ka taray iyo horumarka beeshiisa, waxaan baaq u diraayaa dhammaan inta ila wadaagta magaca weyn ee sharafta leh ee Mudullood, in waxgaradkeyna ey Odayaashooda garab istaagaan, hil iyo hooba u quurno. Meel ka dhacyada in badan waa dhegeysannay, waa ogahay in shucuurteyna ey mid tahay laakin waa inaan meel isugu geynaa oon soo bannaan bixinnaa. Dagaalku ha ahaado qoraal, isutag, talo isugeyn, mood iyo maalba quurid, xariir joogto eh.

Waxaan isla hadda maqlay, Allaa ya raxmo, geerida adeerkeygi qaaliga ahaay Caaqil Koogaar. Meesha oow banneeyay Illahey cidla kama dhigo. Waa in halgankiisi horay loo sii wadaa. Woxow ku magac dheeraay odayga nabadda, woxow noo dhaafay dhaxal, yaan dadaalkiisi cidlo looga tagin. Ma illaabi doonno in ow caafimaadkiisa iyo xoolihiisa iyo waliba waqtigiisa qaaliga ahaay u huray difaaca xaqa iyo danta ciddiisa Mudullood gaar ahaan iyo Soomaali guud ahaan.

Woxow ahay oon u jeclaay sidow I dhalay oo kale.
Sabar iyo iimaan Allaha naga wada siiyo, ussugana Ilaah Jannatul Fardowsa ha ugu bishaareeyo. AAMMIIN.

AXYAA MUDULLOOD!

Wa billaahi Towfiiq.

Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir
webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.


 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip