TILAMAAN IYO DUCO Caaqil Koogaar, By (MADINA QOORWEYNE)

0
Thursday December 11, 2008 - 10:25:31 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TILAMAAN IYO DUCO Caaqil Koogaar, By (MADINA QOORWEYNE)

    Adeerkeey, Allaha u naxariistee Xaaji Caaqil Nabaddoon Maxamuud Cali Jimcaale “Koogaar”, isla markaasna ahaay saaxiibkii rumaad ee adoogey Axmed, markaan geeridiisa maqlay murugaa I qarisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adeerkeey, Allaha u naxariistee Xaaji Caaqil Nabaddoon Maxamuud Cali Jimcaale “Koogaar”, isla markaasna ahaay saaxiibkii rumaad ee adoogey Axmed, markaan geeridiisa maqlay murugaa I qarisay.

 

Waxaa laga joogaa oo kaliya afar bilood, mugaan tagay Rochester, Minnesota, mahaasoo aniga iyo odayaal kale aan ka wada wacnay ussugoo muggaas isbitaal ka soo baxay. Woxow I yiri (ussugoo iigu wacaayo “maandhadeey” ) :

“aabbaha walaalkey aan aad u jeclahay ow ahaay, saaxiibkey rumaadoow ahaay”, muggaasoow naxariistii Ilaah ugu duceeyay ussugoo qashuuc laga dareemaayo. Maanta runleydi ey wada jiraan.

Ilaahoow Rabbiyow Raxmaanow Raxiimow dadkaad dooratay ku wada dar.

Markaan murgay oon aad uga xumaaday maqalka geeridiisa aan haddana Ilaahii naga jeclaaday u mahad celiyay.
Inoow qaali ahaay, waxaa u daliil eh sida is daba joogga eh ee adduunyada meel walba looga wada duceeyay.

Mowlacyada oo dhan ey culummada quraan akhris u wada fadhaan, si aan kala joogsi leheen.

ILAAHEYGA WAAXIDKAA, AAMMIIN ha u dhaho ehelka iyo intii baratay ducadooda.

Intayna ka dambaysana, ey ugu horreyaan qoyskiisa, waxaan Ilaah uga tuugaa sabar waasac eh.
 
Waxaan dareemay oo uurka ii yeeriyay tixdaan iga soo go’day anoon fileyn, ee wiil ka socoto una socoto qof waalidah ee qaaliyah.

DEG-DEGEEY EHEED
DUUBANOW GEERIDA,
DUULKOO KUU BAAHAN WELIYAA
DAA’IM KUU YEERAYE,
DAMIIRKEEY DHIBEE
DIIDISE KARIMAA.
DIIRRIYOOW DHAXANTA
DUGGAALKEEDAAD EHEED,
DUGSIGA LOO HIRTIYO
DAACADDAAD EHEED,
DARIIQA TOOSANIYO
DAAHIRAAD EHEED,
DAADDIHIYE NABAD
DULQAAD BADANAAD EHEED,
DUQAAN KU FAANOO
DUUL KALE QABINAAD EHEED,
DOOR LA FIIRSADIYO
DOWLADAAD EHEED,
DUCA QABE DAREEN LA’
DARBAN AAD EHEED,
DAAL NIMOW KARIN
DULMIGA DIIDAAD EHEED,
DIB U FIIRINOO
DEEQDA BIXIYAAD EHEED,
DADAAL BADANOO
DAMQAHEYNAAD EHEED,
DARAJO AADANE
DUUBKEEDAAD EHEED,
DANTA SOOMAALI
DOONDOONAYAAD EHEED,
DACAL WALBA DUNIDA
DOOD U GALAYAAD EHEED,
DURUUSAHA DIINTA
DALIILSHAAD EHEED.

DAMBI LI’I KU HOYO
DAA’IMKAAN TUUGAY,
DUGSIGAA JANNADI
DAA’IMKAAN TUUGAY,
DERISKAA MUXMAAD(SCWS)
DAA’IMKAAN TUUGAY.

ALLAA WEYN.

MADINA AXMAD MAXAMUUD CADDE (QOORWEYNE)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip