Kooxda Manchester City ayaan wali laga badin kulan Premier League ah xilli ciyaareedkan, iyagoo qaab fiican ku bilowday, waxa ay heleen 12 guul iyo labo kulan oo barbaro ay galeen 14kii kulan ee ay ilaa iyo haatan ciyaareen.
Tababaraha kooxda Chelsea Andre Villas-Boas ayaa waxaa ka maqan
ciyaaryahanka dhaawaca mudada dheer ku maqan ee Michael Essien, kaasoo
aan la fileynin inuu soo laabto ilaa bisha Janaayo. Henrique Hilario
ayaa isna shaki ku jiraa in kooxda lagu soo dari doono madaama ay
qandho heyso, halka Josh McEachran uu la maqan yahay dhaawac canqowga
ah.
David Luiz ayaa ganaax kulankaan kaga maqnaan doona madaama uu
jaalihiisii shanaad qaatay kulankii Newcastle United. Waxaana ay taasi
keeneysaa in tababaraha reer Portugal uu isbedel ka sameeyo daafaca
dhexe, Bransilav Ivanovic ayaa ka ciyaari doona booska uu jecel yahay
ee daafac dhexe, halka Jose Bosingwa uu ka ciyaari doono daafac midig.
Tababaraha kooxda Manchester City ayay sidoo kale tahay inuu isbedel
ku sameeyo daafaciisa, ka dib markii daafaca midig Micah Richards u
dhaawac soo gaaray kulankii Bayern Munich.
Daafacaasi ayaa shaki uu ku jiraa inuu kulankaan ciyaarayo, waxaana ay u badan tahay in Pablo Zabaleta in fursad la siin doono.
Dhinaca kale Aleksandar Kolarov ayaa weli dhaawac ku maqan.
Line-upka Macquulka Ah:


Chelsea
11 gool oo Premier League ah ayaa looga dhaliyay Stamford Bridge xilli
ciyaareedkan. Kaliya kooxaha Norwich City iyo Wigan Atletic ayaa goolal
intaasi ka badan looga dhaliyay garoonkooda kooxaha ka baxsan seddexda
kooxood ee horyaalka ugu hooseysa.
- Lakiin Blues rikoor fiican ayay ku heysataa garoonkeeda, iyagoo
gool dhaliyay 14 kii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaaraan Stamford
Bridge. Goolashooda 19ka ah ee ay garoonkooda ku dhaliyeen xilli
ciyaareedkan waxaa ka badan kaliya Manchester United oo garoonkeeda ku
dhalisay 23 gool iyo Manchester City oo garoonkeeda ku dhalisay 24 gool.
- Daniel Sturridge ayaa gool dhaliyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka Premier League.
- Manchester Cityayaan weli hal kulan xitaa laga badin horyaalka
xilli ciyaareedkan, mana jirto koox ka goolal badan City iyagoo
dhaliyay ilaa iyo haatan 48 gool.
Ciyaartoyda Isha Lagu Heyn Doono:
Labada ciyaaryahan ee reer Spain Juan Mata iyo
David Silva ayaa ah labada ciyaaryahan ee isha lagu heyn doono
islamarkaana laga filan karo inay ciyaarta wax ka bedelaan.
David Silva ayaa xilli ciyaareedkan ahaa mashiin khadka dhexe oo aan
la celin karin, halka Juan Mata uu si dhaqso ah u la qabsaday kooxda
Chelsea tan iyo markii uu u soo wareegay xagaagii.
Hadaba aan isku barbardhigno labada ciyaaryahan iyo howshii ay qabteen xilli ciyaareedkan:
Caawinta Goolasha:

Isbarbardhigyada kale:

Falanqeynta Kulanka Premier League Ee Caawa Stamford Bridge Ku Dhexmaraya Chelsea vs Man City.
Kooxda Manchester City ayaan wali laga badin kulan Premier League ah xilli ciyaareedkan, iyagoo qaab fiican ku bilowday, waxa ay heleen 12 guul iyo labo kulan oo barbaro ay galeen 14kii kulan ee ay ilaa iyo haatan ciyaareen.