Anigoo mar kasta jecel ama qiimeeya siyaasiga ummadda waxtarkeera ka seexan, ama eh “u adeegaha ummadda”, sidoow adeer Nuur isku tilmaamay maalmihii horaba, eey haddana ii tahay farax si gaar eh ii taabahaaya.
Waxey ii tahay qob weynin iyo sharaf ii saa’iddaan markow ruux igu tol eh ow sida adeer Nuur uga soo dhalaalo masraxa siyaasadeed iyo hagartiisa wijiyaha badan.
WAA LA LAGDI WAAYAY ADEER NUUR!!
Dhaaxaa wax la soo abaabulay, xirko la soo maleegay,
daah gadaashiis lagu abaabulay qayaano iyo hagar loo wado shacbiga soomaaliyeed, weliba qeebtiisa koofurta dagta, oo loola dan lahaay inow weligiis xassilin.
QAYAANADOORI QAAWANEED
QAREENKIYAA KA YEELAY QUUS
QUUSLAAWAHAAN QOOL MA QABEE
QEYLADHAANTOW QIIL MUDAA
Waxaa mar walba wax cussub igu naqda, kuwa sidii xasharaadka godadka ka soo baxa, oo iney hoos wax ka qaniinaan maahane aan awood kale leheen.Nimaan aqoon haba yaraatee leheen ee darajo ku gaaray shabakad ow ka soo caytami jiray, aa odaga Baarlamaanka Afhaayaha u eh, waa Sh Aadan Madoobee, ku tilmaamaaya qayaano qaran. Woxow ka hadlaa dastuur ow cilmi u leheen haba yaraadee, haddii ninkaas dood loo furi lahaay, waxaan hubaa in doc ka soo yeernimadiisa laga daba tagi lahaay.
Ma ahan taada haddaad weyso inaad dadka aflagaaddeyso,
Usha waa leyska dhiibaa si sharaf lahaana loo dhiiba, haddaad hoggaan aqoon.
Bal fiiri, adduunka oo dan naga leheen amaba aan u wada siman nahay, aa raacsan Mudane Nuur Cadde. Meesha maahan guri cideed oo leeska maamusho ee waa qaran malaayin ku nooshahay oo u baahan in caddaalad iyo hagar la’aan lagu dhaqo.
Xukun jacaylku waa la wada qabaa, oo aadanahaa taas ka siman, laakin waxaa muhiimah in loo lahaado cilmi iyo xirfad, haddii kale waa lugu ceeboobaa.
Ninaa hadda ka hor meel lagu imtixaamaayay, su’aalihi la weydiiyay uga baxay “war waan daadshay”, assaa nin ka dambeeyay tooggiisi muggii la gaaray, ow intaan wax la weydiin yiri : “iska la her xabbad hey weydiin, ninki iga horreeyay waxow daadshaan anna gurbaayee”.
Mugga, hoggaamin qaran lagu ma wadi karo “war waan daadshay„. Haddey dhacdana, waxaa halis loo yahay niman ku soo riiriiqmay cimiga oo “wax walba soo gurbaayay„ leeskana hor leexi karin.
ADDUNYADAA KU AYIDDEE
ALLOW KAA AAL ADEERKIYOW
P.S. : Akhristeyaasha xushmada lohow, waxaan Mudane Nuur Cadde u leeyahay “adeer„ waa wax jira, oo adeer waa ii yahay, laakiin taas yey idiin qaldin oo ha u maleynina inow qaraabeysi I wado.
Ka fiiriya shabakadaha qoraalkeygi aan isku saxiixay ( ma qariyo magaceyga marnaba ) oo ku saabsanaay maamul u suubiska Gobolka Banaadir, oon uga soo horjeeday sida ow adeer Nuur u qorsheeyay.
Gardarrada heeb kuma noqonnee
gartaan isugu hiillinaa!
ASSALAAMA CALAYKUM WA RAXMATULLAAH
MADINA AXMAD MAXAMUUD CADDE (QOORWEYNE )
Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir
NAGAAW HA NOOGIN NUUR CADDOW, NABADDA NAADIYAAD TEHEE (FAALO AQRISTE)
Qofka bani’aadamkaa ceeb ma keeno marba haddoow aqoon leeyahay. Ra’iisul Wasaare Xeeryaqaan Mudane Nuur Cadde waa ka soo dhalaalay kaalintiisii, woxowna adeegsaday aqoonta sare ee ow Ilaah ku manneystay.