Sidee Bey Udhacday Aaska Caaqil Maxamud Cali Jimcaale (Koogaar) *Sawiro*

0
Tuesday December 16, 2008 - 22:21:41 in Left-side by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Bey Udhacday Aaska Caaqil Maxamud Cali Jimcaale (Koogaar) *Sawiro*

    Boqolaal dad ah Oo wata Gawaari uu Ku Dhaganyahay sawirka Nabadoon Maxamuud Cali Jimcaali Caaqil (Koogaar) ayaa Isagu soo baxay Gadida Dayuuradaha Magaalada Muqdisho Ee aadan cade Airport Halkaa oo ay Ka Soo dagaysay Diyaarada Waday Maydka Marx

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal dad ah Oo wata Gawaari uu Ku Dhaganyahay sawirka Nabadoon Maxamuud Cali Jimcaali Caaqil (Koogaar) ayaa Isagu soo baxay Gadida Dayuuradaha Magaalada Muqdisho Ee aadan cade Airport Halkaa oo ay Ka Soo dagaysay Diyaarada Waday Maydka Marxuun Koogaar oo 9 Bishan Ku Geeriyooday waqooyiga Mareykanaka.

 

 


Meydka Caaqil Koogaar oo daadihinaya Howl Wadeenada Garoonka

Qaar ka mid ah Culimada Ahlusunna Waljamaac oo Galbineesa Meydka

Gudaha garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa iyagu khudbado kala duwan ka jeediyay maamulka G/Banaadir, iyadoona sidoo kale halkaasi ay tageen Culumaa’udiin iyo guddi loo xilsaaray aaska Allaha u naxariistee Marxuum Koogaar, iyagoona dadweynihii halkaasi isugu soo baxay ay u jeediyeen khudbado kala duwan, waxayna dadweynaha qaarkood marka ay culumadu ka hadlayeen nolosha qofka bani’aadamka ah iyo waxa loo abuuray inay raacdo wadada wanaagsan ee uu Alle SWT raalliga ka yahay isla markaasina ay waajib saran qof kasta tahay inuu la yimaado camal wanaagsan iyo cibaado suuban.


Xaaji Caraale oo ku guda jira Soo Dhaweynta Meydka Xaajiga

Axmed Ingineere iyo Maxamed Sheekh Max'ud Sabriye

Gud. G. Banaadir Mudane Dhagaxtuur oo utaagan Galbinta Meydka Caaqilka

Waxaa soo dhaweynta marxuumka ka qeyb qaatay Dhamaan Qeybaha Kala duwan  Ee Bulshada Ku Dhaqan Gobolka Banaadir iyaga oo muujiyey  muraga heysa Si wad Jir ahna kaga Qeyb qaadanayay soo Dajinta  Meydka Marxuumka Iyadoo Gudaha Garoonka adan Cadana Lagu arkayay qaar kamid ah Culi Maa’udiinka Gobolka Banaadir  Iyo Waliba Masuuliyiin Sar Sare oo ka Tirsan DFKMGS Oo Iyagu Mudo Saacada ah Sugayay Diyaarada Waday Meydka Isalamarkaana Aad Isgu tacsiyayanayay, Si Gooni Gooni ahana Ruux Walbaahi uga Faalayanayay Waxa Uu Ka Yaqaanay Nabadoon Maxamuud Cali Jimcaale.


Muuqaalki Hore ee Caaqil Maxamud Cali Jimcaale Koogaar

Sheekh Qaasim, Sheekh Da'ud , Dr Axmed Xaaji koogaar iyo C/jabaar

Muuqaalka Guud ee Sanduuqa Meydka Caaqil Xaaji maxamud Koogaar
 
Dhamaan dadkii Isgu Yimid Garoonkan aadan Cade Oo uu Ruux waliba Uu  Aad u Jeclaa In uu ka Hadalo  Inta Uu Ka Yaqaan Nabadoonkan Geeriyooday ayaa Hadana waxaa ka Waramaya qaar kamid ah Eheladiisa Iyo Waliba asxaabtii ay Sida Aadka Ah Isgu Dhawaayeen  waxaana Ugu horeyn ka warbixinaya Taariikhdada Marxuumka  Cumar Cali Jimcaal Oo Marxuumka Geeriyooday  walaalkii ah.
 
 Waxaa Sidaasoo Kale ka Mid ahaa Dadka Sida aadka ah Uga qeyb Qaadanayay soo Dejinta Meydka Nabadoonka Saraakiil sar Sare oo Ka Tirsan DFGKMG Iyo Waliba Masuuliyiin Ka Socatay Maamulka Gobolka Banaadir.


Ehelka Xaaji Koogaar oo uduceynaayo Sheekh Qaasim Sheekh Cabdi

Ehelka Caaqil Koogaar oo Udaceynaayo Sheekh Qaasim Sheekh Cabdi

Qoyska Xaaji Koogaar oo ay horkaaceeso maamada Sahra, Aamino Xaaji Koogaar, Saynab Xaaji Koogaar, Safiyo Xaaji Koogaar.

 
Madaxda Dowladda federaalka, maamulka gobolka, culumaa’udiinka iyo dadweynaha halkaasi isugu yimid ayaa markii la soo dejiyay meydka Caaqilka waxay u soo galbiyeen garoonka K/Cagta Stadium Konis, halkaasi oo lagu tukaday meydka salaadda Janaasada, iyagoona halkaasi culumaa’udiinka iyo dhammaanba intii ka soo qeyb gashay ay Alle uga baryeen inuu Alle u fidiyo naxariis iyo dembi dhaaf.


Hantooshi Meydka Caaqil Koogaar oo Tartiibti loo dhameeyay

Salaadi Janaasada ee Caaqil Maxamud Cali Jimcaale Koogaar

Salaadi Janaasada ee Caaqil Maxamud Cali Jimcaale Koogaar

Caaqil koogaar ayaa waxaa uu caanku ahaa howlaha samafalka sida dhisida goobaha waxbarashada ,maasajido  uu ka dhisay magaalooyin ka tirsan gobolka sh/dhexe iyo in ay si lacag la.aan ah wax uga cuni jireen dhalinyaro aan waxba heysan Maqaayad uu lahaa oo ku taalay meel aan sidaa uga fogeyn taalada daljirka dahsoon ee baarlamaankii hore agtiisa ku taal
 
 Kadib Markii lagu Tukaday Salaadi Janaasada ayaa Meydka Caaqilka waxaa Lagu Soo Qaaday gaari Ambalance ah Oo Horay Loogu Diyaariyay Gudaha  garoonka Iydoona La Sheegay In Meydka Caaqilka loo Galbin Doono Degmada Warsheekh oo ah halka lagu balan san yahay in lagu aaso Halakaa oo Gabi ahaan gadiidkii Siday Meydka Iyo dadkii Galbimnayaba ay mar Qura u Wada Dhaqaaqeen.


Salaadi Janaasada ee Caaqil Maxamud Cali Jimcaale Koogaar

Salaadi Janaasada ee Caaqil Maxamud Cali Jimcaale Koogaar

Salaadi Janaasada ee Caaqil Maxamud Cali Jimcaale Koogaar

Munaasabada Aaska Caaqil Koogaar oo loo taagan Yahay

Dhamaan Mas’uuliyiinti hor kaceesay meydka Caaqil Koogaar ayaa goorti ay gaareen Degmada Warsheekh Waxa si diran banaanka hore ee Baladka ugu soo dhaweeyay Masha’iqda Reer Warsheekh oo horkacayo Sheekha Baladka Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman Ow Cumar, Sheekh C/raxman Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman, iyo Dhamaan Xirta Reer Sheekh Cabdi kuwaasi oo si habsamileh ula wareegeen Tartiibti Meydka .


Sheekh Qaasim Sheekh Cabdi oo ufadhiyo Talqiinta Meydka Caaqilka


Muuqaalka Mas'uuliyiinti Kasoo Qeybgashay Aaska Xaaji Koogaar

Meydka Caaqilka ayaa waxa la dhigay Saawiyadi Sheekheena Weyn ee Sheekh C/raxman Ow Cumar halkaasi oo ah Meeshi lagu dhaqay Meydka Sheekha Sanadii 1981 intaa kadib duco gaaban oo sheikh Qaasim Sheekh C/raxman halkaa ugu duceeyay ehelada Xaaji Koogaar oo soo galbiyay Min USA ilaa Muqdisho iyadoo Horkacaayay

DR. Axmed Xaaji Koogaar
Abdijabaar Xaaji Koogaar
Maamo Sahro
Seynab Xaaji Koogaar
Aamino Xaaji Koogaar
Safiyo Xaaji Koogaar.


Sheekh Qaasim Sheekh Cabdi oo ufadhiyo Talqiinta Meydka Caaqilka

Ehelka Xaaji Koogaar oo uduceynaayo Xaajiga kadib Aaskiisa

Muuqaalka Kasoo Qeybgalayaasha Aaska ee Degmada Warsheekh

Meydka Caaqil Koogaar ayaa waxa loo sii galbiyay Masjidka weyn ee Jaamacda Warsheekh halkaasi oo markale Salaada Janaada Lagula dukaday kadibna waxa la geeyay halka uu ka qodnaa Iilkiisa ama Godkiisa .

Aaska Aabihi Nabada Soomaaliyeed ee marxuum Caaqil Maxamud Cali Jimcaale Koogaar kazoo qeyb galka aaskiisa kuma ekeen Mas’uuliyiinti kazoo galbisay Magaalada Muqdisho iyo Cariga mareekanka ee sidoo kale waxa jiray Ehelada iyo Asxaabta Xaajiga oo indhawaalaba kadib dhimashadi xaajiga kusoo qul qulaayay Degmada Warsheekh kana imaanaya Deegaanada ay degan yihiin ehelka iyo Qaraabada oo dhan sida Degmada Cadale,  Burdheere, Ilig Madoobe, Bakaaroole, Ruunshiikhow, Gumarow, Raage Ceele, Caloolweyn, Cadow uul, Xaaji Cali, Geelgub, Burdacaare, Masaajid Cali Gaduud, Maxaa Saciid, nuur Dugle, Cad cadow, Ruun Nirgood,  Ceel Bacad, Hilowle Gaab, Ceel Maxaad Cali, Naawir, Masagaway, Galcad , Ceel dheer., Balcad, Xawaadley, Qalimow, Jowhar, Aadan yabaal iyo Beerweyn Celi iyo Goobo kale oo Fara badan .


uqaalka Kasoo Qeybgalayaasha Aaska ee Degmada Warsheekh

Sheekh Qaasim oo Wacdi iyo Waano kasoo jeediyay Madasha Aaska

DR. Axmed Xaaji Koogaar oo sidoo kale Hadal Gaaban Soo jeediyay

Munaasadaba Aaska Caaqil koogaar ayaa waxa ay ka dhigneed Aas qaran oo loo sameeyo Mas’uul Sare oo soomaaliyeed isla markaana aan loo kala harin Culimo, iyo Caamo intaba .

Xaaji Axmed Caroone oo ka mid ah indheer garadka kazoo jeedo Degmada Warsheekh Wax badana ka yaqaano Taariikhda Xaajiga ayaa isagoo qashuucsan waxa uu tilmaam gaaban ka bixiyay xili uu ku sugnaa madasha aaska Caaqilka ee Degmada Warsheekh waxa uu yiri “Waxa lagu xasuusto Caaqilka Geesinimo, Deeqsinimo, Qadiyad Wanaag iyo in uu yahay Foolku Guule” sidaana waxa yiri Xaaji Axmed Caroone.


Axmed Injineere iyo DR Axmed Xaaji Koogaar iyo Dad Kale

Muuqaalka Xaaji Caraale walaalka Xaaji Koogaar iyo C/jabaar X. kogar

Sheekh Axmed C/lle Suufi Hogaamiyaha Maxkamadaha Warsheekh

Sheekh Qaasim sheekh C/raxman oo Gunaanaday Munaasabada Aaska

Kadib marka uu dhamaaday Aaska xaajiga ayaa waxa duco iyo baraarujin Nafta la baraarujinayo halkaa kazoo jeediyay Sheekheena Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman iyadoo sidoo kalena madasha ka hadleen Munaasabada Aaska Mas’uuliyin dhowr ah oo ka mid yahay Xaaji Caraale Cali Jimcaale .


Duco iyo Qur'aan Aqriska Qaraabadi kasoo qeybgashay Aaska Xaajiga

Ehelka Xaaji Koogaar oo taagan Aaska Caaqil Koogaar

Qabriga Caaqil koogaar oo ay Dul Taagan Yihiin Caruurtiisa

muuqaalka Guud ee Halka Lagu Aasay Caaqil maxamud Cali Jimcaale Kogar

Ma dhinta waa Ilaah Samir iyo Iimaan alaah Inaga Wada siiyo Waa Bahda Shabakada Warsheekh oo Markale idin Leh Inaa Lilaah Wa Inaa Ileehi Raajicuun

W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail:
farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip