Wargayska Xog-Maal: Dadku Maxay Ka Yiraahdeen?. Qormo Aad Uxiiso Badan (Dawo Sawiro)

0
Thursday December 18, 2008 - 13:20:40 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargayska Xog-Maal: Dadku Maxay Ka Yiraahdeen?. Qormo Aad Uxiiso Badan (Dawo Sawiro)

    Waa illaahay mahadiis, waa cadadkii labaad oo si guul ah usoo baxa, markastana haddii aad u fiirsatid isbadal ayaa kusoo kordhaya wargeyska,.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa illaahay mahadiis, waa cadadkii labaad oo si guul ah usoo baxa, markastana haddii aad u fiirsatid isbadal ayaa kusoo kordhaya wargeyska,.

 

 Wuxuu sumcad ku yeeshey ahaanshaha wargeyskii ugu horeeyey ee madax banaan ee afka Soomaaliga ku hadla ee K/Afrika kasoo baxa, wargeyska wuxuu gaaray gacanta inka baddan 1500 qof oo Soomaaliyeed, Waxaa soo daabacnay 1500 oo xabo waxa uu gaaray dhamaan gobolada dalkani halkii nuqul waxaa aqristay in ka badan laba ruux

waxaanan ku joognaa wadadii aan ku gaarsiin lahayn gacanta qof kasta oo dalka ku nool inta suuragalka ah.

 Haddaba maxay ka yiraahdeen dadka?, waxa ugu horeeya ee qof afkiisa aad ka maqashid waa mahadnaq, wuxuu kuu raacinayaa tallo, wuxuu ku weeydiinayaa inta jeer ee uu bishiiba soo baxayo, wuxuu kuu muujinayaa baahida uu u qabbo in uu xog helo.

 Wargeyska waxaa si isku mid ah usoo dhaweeyey ganacsatada, culumada, aqoonyahanada, dhalinyarada, haweenka, madaxda jaaliyada meel kasta oo ay joogaanba, iyo waliba dadka caadiga ah.

 Ciwaanka  email-ka ee wargeyska Xogmaal@hotmail.com waxaa karkaar dhaafiyey fariimo ay soo direen akhristayaal dalka ku kala baahsan, dhamaantood waxay iska waafaqsanyihiin hambalyada ay wargeyska u dirayaan iyo bahda soo saarta, waxay ku kala duwanyihiin tallooyinka ay bixinayaan, waxayna ka mideysanyihiin taageerada hiil iyo hooba leh ee ay la garab taaganyihiin, qaarkood ayaa ku nuuxnuuxsanaya in uu wargeyska waxtar u yeelan doono hadba sida waxa lagu qorayo ay u ahaadaan kuwa xiiso leh oo tifaftir haboon soo maray.

 Xog-Maal editorial team
xogmaal@hotmail.com



Daawo Sawiro ka turjumaayo Soo Dhaweyntii Jara'idka Iyo Aqristayaashiisa





Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip