Waa December, waa xiligani oo kale sanad kasta marka ay waxkasta is badalayaan, waa xilli kala guur ah, ka sokow in aad macsalaamaynayso sanad duug ah, aadna soo dhaweyneyso sanad jadiid ah, waxaad filataa waa in wax baddan ay noloshaada iska badali doonaan, wanaag iyo xumaanba.
Kirada guryaha, qiimaha shidaalka, korontada, cuntada, nooliga gaadiidka, illaa qiimaha doolarkaba waxay u baddantahay qof kastana uu filayaa in uu isbadal xoogan ku yimaado, taasi waa mid ay dadka oo dhan wadaagaan.
Hasse yeeshee bishani Soomaalida waxay ola gaartahay labbo sheey, waa “murugo iyo macaash”, 85% soomaalida dalka ku dhaqan amaba ka baddan waa kuwa ganacsada, tirro baddan oo iyaga ka mid ah waxay ka ganacsadaan badeecooyinka dharka la xariira, qalabyada guryaha qaarkood, uduga, kabaha, qalabka caruurta, iyo qalabka korontada ku shaqeeya , dhamaan badeecooyinkani oo dhan waa kuwa loo yaqaano “badeecatul caajis” ama badeecooyinka aan suuqa baddan lahayn, balse marka lasoo gaaro bishani sanad kasta dadka ka ganacsada badeecadani waxay helaan suuqa ugu baddan ee markaliya soo mara.
Waxay helaan macaash farabaddan oo ka kaafiya sanadka oo dhan wixii ay seegeen, sababta suuqa kordhineysa waa dadka dalka u dhashay oo iyagu dhamaantood iibsada badeecooyinkani maadaa ay intooda baddan aadayaan u dabaal dega ciida masiixiyada ee Chrismas-ka oo waajib ka dhigeysa in qofkasta meeshii uu ku dhashay uu ku dabaal dego ciida, qofka sanadka oo dhan ayuu lacag keeydinayaa si uu wax ugu iibsado bishani oo uu si wanaagsan ugu dabaal dego.
Hadal heynta ugu baddan ee Soomaalida isweeydiiso waa “ka waran December?” oo loola jeedo “macaash intee la’eg ayaad heshay?”, kuwa aan qeer sheega ahayn waxay kuugu jawaabayaan “niyoow waa beerta sanadkan” oo ay ola jeedaan macaashku ma ahayn sidii hore.
Laakiin si ka duwan taasi Soomaalida waxay aad oga walwalaan dambiyada loo geysto iyo dilka, waxaa wax caadi ah in ragga burcada ah ee dalka u dhashay ay sanadka bishani oo kale ka qaraabtaan ganacsiyada shisheeyaha si ay oga xasiliyaan qarashkii ay ku tamashleyn lahaayeen bisha December oo ay ku xagaa bixi lahaayeen, sidaasi darteed iyagoo hubeysan ayay weeraro ku qaadaan dukaamada tuulooyinka ku yaala oo ay dil iyo dhac geeystaan.
Sidaasi darteed ayaa dhacda in dadka dukaamada leh iyo shaqaalaha ka shaqeeyabaya ay inbaddan oga warwareegtaan dhextagista ganacsiyada tuulada ku yaala.
XogMaal
Xeer illaaliyihii guud ee hey’ada garsoorka dalka NPA (National Prosecuting Authority) Vusi Pikoli ee uu shaqada si kumeel gaar ah oga direy madaxweynihii hore Thabo Mbeki, kadibna loo saaray guddi soo baara in uu xafiiska u qalmo iyo kale, ayaa kadib markii gudigii ay sheegeen in uu xafiiska u qalmo, waxaa mar kale shaqada ka qafiifiyey madaxweynaha Cusub Kgalema Motlanthe.
Pikoli oo malaha ahaa duufaantii ugu weyneyd ee siyaasadeed ee dhulka la gashay madaxweynihii hore Mbeki, ayaa eryidiisa waxa ay dalka ka dhalisey xiisadii ugu xumeyd ee ebed dalkani soo marta.
Pikoli waxaa shaqada laga direy bishii sebtembar ee 2007 markii la sheegey in uu jaray waaran xarig oo uu kusoo xiri lahaa taliyihii police qaranka Jackie Selebi isla markaana ahaa madaxweynaha police-ka aduunka Interpol, isagoo lala xariirinayay maafiyoos caalami ah oo ka ganacsata maandooriyaha iyo hubka, waarankaasi oo uusan Pikoli ogeysiin Mbeki ayaa keentey in in shaqada laga fariisiiyo.
Balse waxaa markiiba soo baxay in Mbeki iyo Salebi ay saaxiibo dhow ahaayeen, Mbekina uu go’aankani u qaatay si uu u difaaco Salebi, markii xaaladu ay qaraaraatey ayaa Mbeki wuxuu saaray gudi uu madax oga dhigey Frene Ginwala oo ah haweeney ahaan jirtey gudoomiyihii barlamaanka, si gudigaasi usoo baaro in Pikoli xafiiska u qalmo iyo inkale.
Waa tii Mbeki xilka uu iska casiley bishii Oguast ee sanadkani, xilkiina la wareegey Kgalema Mothlante, kadib warbixintii gudiga ayaa madaxweynaha loo gudbiyey, waxaana lagu sheegey warbixinta Ginwala in Pikoli uu xafiiska u qalmo, balse Mothlante ayaa go’aansaday in uu Pikoli xilka ka qafiifiyo isagoo cuskanaya qodobo warbixinta Ginwala ku jirrey oo Pikoli farta ku fiiqayay in uu daba maryeeye Mbeki.
Mar kale arrintani waxaa si weyn oga caroodey xisbiyada siyaasada oo si weyn oga soo horjeedsaday, go’aanka madaxweynaha waxay tahay in la hor geeyo baarlamaanka oo uu u codeyn doona in go’aankani uu diido ama aqbalo.
Arrintani waxay sidoo kale kusoo aadaysaa xilli baarlamaanka uu ka fadhiyo sidii lagu kala dirro lahaa hey’ada howlgalada gaarka ah ee Scopion (FBI-da oo kale) oo iyadu hoos timaada NPA.
Scorpion iyo NPA waxay udub dhexaad u yihiin muran siyaasadeed ee xisbiga talada haya dhexdiisa uu ku kala jabay, Mbekina xilka looga direy, kadib markii labbadani hey’adood ee is hoos yimaada lagu eedeeyey in ay wax ka maleegeen shirqool la sheegey in dacwado loogu oogey Jacob Zuma iyo rag kale oo xilal sarsare hayay si markaasi Zuma looga hor istaago in uu dalka madaxweyne ka noqdo, waa sida ANC ay ku doodo.
Xog-Maal
Wasiirka amniga ee dowlada K/Africa oo la kulamay jaaliyada soomalida
Wasiirka amniga ee dowlada K/Africa Mr.Natimtetwa ayaa booqasho gaaban ku tagay Degmada Queens Town ee magaalaa Port Elizabeth taasoo laba bil ka hor lagu xasuuqay hooyo soomaliyeed iyo sedex caruur ay dhashay kaas oo ahaa dil aad u fool xun oo lama ilaawaan ah.
Wasiirka ayaa la kulmay jaaliyada somalida ku dhaqan halkaasi ayagoo ka warbixiyay dhibaatooyinka lagu haayo soomalida iyo dilalka joogtada ah waxayna soo hor dhigeen sawiro iyo cadayman muujinayay godobfalada loo gaysto muwaadiniinta soomaliyeed iyo barakaca joogtada ah ee loo gaysto ganacsatada soomaliyeed.
Wasiirka wuxuu canbareyn usoo jediyay dadkii falkaas sameyay isagoo sheegay in la horkeenayo cadaalada wuxuuna Raligalin kabixinayay falkaas asaga oo sheegay in tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadkii falkaas geystay,
Wuxuu kale oo u sheegay wasiirka in dadka falalka xun geystay ay ku dhex noolyihiin Bulshada sidaa owgeed u kacodsaday in ay iska soo saran bulshada dadkaas ayna ladagalamaan Burcada falka xun geysaneysa, lana shaqeyaan Police-ka
Gudoomiyaha Jaliyada soomaaliyeed ee maagaladaasi Osmaan siraad Geedi oo u waramayay wargayska Xog-maal ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arimaha ku saabsan nabad galyada,sharciga iyo arimaha midab takoorka
Xogmaal
Maqal iyo Map-ka oon ka arkay mooyee si kale uma aqoon, marka laga reebo meel nolol saraysa, maciishad macaan, maal laga tabco, magac iyo maamuusna laga helo.
Magac waxaad ku leedahay meel lagaa yaqaan, maalna Mawlaa baxsha, mawdkuse waa halkiisa oo marnaba la huri mayo. Midse waa madaxaaga wax ku jiro ood mustaqbalka hiigsanayso maalinna aad gaari doonto hadii aad mutaysato.
Qosfkastana wuxuu haminayuu hiigsadaa helyaa ama wali haybteeda hayaa, Hadaadse magac, maqaam iyo maalba rabto meeshee loo maraa?
Ma Mayfair imaashaheeda?, ma Maka u baqoolideeda?, ma Maraykan u duulistiisa? Mise Muqdisho joogisteeda?. Waa su’aal wali jawaabteedu maskaxdayda meerayso.
Markii hore waxaan lahaa muddo intee le’eg ayaad ku taajiraysaa, ma bil mise labo, markaad tagto Koofur Afrika? Laakiinse marka loo eego wadada loo soo maraa ayaan jirin wax loo dhigaa dhibteeda, waxaase ku hilmaamsiin meesha aad ku socoto dheefta lagu sheegay.
Maah-maah ayaa ahayd NIN ADUUNKA JOOGOOW MAXAA ARAGTI KUU LAABAN? Ma filayo inuu jiro ruux wadankiisii kasoo dhoofay hadana aan arag waxyaabo uu la yaabo, filan-waa iyo fajacna ku noqda.
Hadaba akhristoow adiga maxaa kaa yaabiyay? Maxaa filanaysa markaad imaanaysay, maxaadse la kulanta? Waxaan filayaa dhamaan jawaabuhu inay yihiin umuur iyo amakaag.
Waxaad dhib u soo amrtaba markaad cagta soo dhigto adigoo hamuun lacag qaba wadankaad u soo haraaday waxaad horay ka bilaabaysaa shaqo Magaalo mise Mii miday ahaataba!.
Ma Magaalo?:- Shaqo kooban, saacado ah, dhib badnayn kayd iyo koror dhaqaale oo fiicanna aan sii lahayn, cabsi iyo cariirigana uusan ka marnayn waloow aad la wadaagto dadka Miiga ku nool aadse xoogaa dhaanto.
Miigase, hadaa tahay mid joogo wadanku kala mudan kalana Mii fiican, midase dhammaan la wada qabaa ayaa ah:- kaydsi fiican, korriimo wanaagsan, kor-gayn dhaw iyo kor-madaw!.
Hadiise aad soo dhex gasho dad aadan Dhaqan, Diin, Akhbaar iyo Afba wadaagin waxay qaadanaysaa mudo inaad fahanto, laqatsato si aad macmiil fiican u yeelato dhaqaalahaaguna u kordho maskaxdase waxaad ka leedahay Meeshu Meeshii Lamooday Maahan!.
Dhanka kale qof kasta oo wadanka Koofur Afrika jooga waxaa ka danbeeya oo uu dalkii uga soo tagay dad tabaalaysan, garab iyo gar-gaar Alle ka sokoow isaga ka sugaya, fikirka ay wadankan ka qabaana uu yahay kii aad ka haysatay intii aadan imaan iyo iyaga oo moodo inaad ganacsi ku haysato kuna nooshahay daaraha dhaadheer ee magaalooyinka waa wayn sida:- Cape Town, Port Elizabeth, Durban, Pretoria, iyo xarunta ganacsiga Afrika ee Johannesburg oo ay inta badan ka arkaan shaa-shadaha Tv-yada, moodana inay lacagtu meelkasta kuu taal!.
Waa gar inay sidaas u fikiraan waayo adiguba waxaad filanaysa intii aadan imaan sidas iyo si ka sii wacan. Iyo iyagoo ku nool wadan xaaladiisa Amaan, Dhaqaale iyo Nololeedba aad u liidato. Laakiinse kaa rajo iyo niyad wanaagsan marka loo eego xaalada labada dhinac ee aad ku kala nooshihiin.
Maalin aan tuulo miiga ah booqday ayaa nin dhalin yaro ah I yiri saaxiib wadankaan labo mid ayaa noogu daran oo ah:- DAD LA’AAN IYO DIIN LA’AAN!.
Ujeedada oraahdiisa ayaa waxa ay tahay Dad la’aan oo ah kuwa aadan af iyo aqoon kaleba wadaagin oo aad ku dhex nooshahay calool adayg iyo ciil-kaambisna ku jooga. Diin la’aanituse waa mid iinan sinaba u wadaagin farqi wayna uu idiin dhexeeyo oo waysadaada, qubayskaaga, biyo suuli u qaadashadaada, soonkaaga iyo salaadaaduba la yaab ku tahay, Amakaag iska dheh!!
Adiguse layaabyo yaab ka badam ayaad ku arkaysaa, yaab iska dheh! Balse QOFKASTAA QUMANIHIISA QOORTA U SURAN oo in la isla yaabaa yaab maahan hadiiba aan dhaqan, diin iyo dadnimaba la wadaagin.
Horaa loo yiri DAL AADAN LAHAYN WAA DAREEN KU JOOG. Maah-maah mooyee urtideeda ma Dhuuxsanayn aniga iyo inta ila maalka ah, haduuse macnaheedu iga daa-dagay.
Hebelo badan oo aad taqaanay misna is lahayd toloow halkee cirib iyo jaan dhigeen, ma ku aragta wadanka? Imisaa iyagoon maalma joogin mawdku haleelay? Imisaa inta maalma joogay dar-xumo iyo duruuf darteed dib uga baqoolay? Hadii aad is tiri dib uga noqo su’aalo maku hor yimaadeen , dadkii waxay ku dhihi doonaan ma baqday oo ma tiri maxay noqon karaan waydiimahaas? Assaagaa daarahaas ayuu dhista darajadaasna waa gaara Doolarna waa tacba ee adigu maxaa haysa intuu hebel heerkaas gaarayay? Ragna su’aal waxaa ugu daran markii la waydiiyo Maxaa haysataa iyo Maxaa la timid Maxaase kaa soo horeeyay?! Hadaysan jirin yadiimahaas mar hore ayay dad badan dalkii dib ugu hayaami lahaayeen duruufba haka jirtee.
Qofkasta ee Soomaali ah ee yimid Koofur Afrika arkay waxa ka jira wuxuu leeyahay MUUQAAL LAGU GARTIYO TUUGAAN MAGAC LAHAYN AYAA DADKII KU MIRTEE MA MOODAYN SIDA BAL MALEEYA OO MAXAA LAGU METELAA?!
Wargayska xogmaal kala soo xariir Xogmaal@hotmail,com
Muxuu Qoray Wargeyska Todobaadlaha Ah Ee Xog-Maal (Aqri Maqaalo Xiiso leh)
Waa Markale iyo Wargeyskii Todobaadlaha ahaa ee Xog-Maal oo aan maanta kasoo qaadan doono Maqaalo Muhiim ah kuwaasi oo aan is leenaha haka bogtaan kuwa aan jaanis u helin in ay gacanta ku dhigaan nuqulo ka mid ah Wargeyska