Allaha u Naxariistee marxuum EX Dr Xuseen Xaaji Maxamed Bood oo maanta ku geriyooday magaalada Nairobi

0
Sunday December 21, 2008 - 11:11:31 in Tacsi by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Allaha u Naxariistee marxuum EX Dr Xuseen Xaaji Maxamed Bood oo maanta ku geriyooday magaalada Nairobi

    Allaha u Naxariistee waa saaka Waaberigii ku geeriyooday Magaalada Nairobi Siyaasiga Soomaaliyed Dr Xuseen Xaaji Maxamed Bood oo ka mid ahaa Siyaasiyii ku caan baxay dhinaca Nabadda Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u Naxariistee waa saaka Waaberigii ku geeriyooday Magaalada Nairobi Siyaasiga Soomaaliyed Dr Xuseen Xaaji Maxamed Bood oo ka mid ahaa Siyaasiyii ku caan baxay dhinaca Nabadda Soomaaliya

Dr Xuseen Xaaji Bood oo ah Siyaasiga Soomaaliyed  oo in badan ka mid ahaa Siyaasiyiinta ka dhex muuqday Bulshada Soomaaliyed laguna xasuusto Kacdoonkii Shacabka ee looga soo horjeeday Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre ayaa waabarigii saaka ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, isagoona maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay.

Geerida marxuumka ayaa xaqiijisay Marwadii uu ka dhintay Marxuumka Xabiibo Xaaji Jimcaale iyadoo sheegtay in Bood uu geeriyooday saaka Abaaro 4:50 xiligaasi oo ay sheegtay in uu ku laba lixaadsaday xanuun in mudo ah haayay.

Siyaasigii caanka ahaa Alla ha u naxariistee Dr. Xaaji Xuseen Bood ayaa xanuunka uu u geeriyooday waxaa u qabtay 23-kii bishii la soo dhaafay iyadoo 5-ta bishan loo qaaday Cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo uu saaka ku geeriyooday

 

Marxuumka oo ahaa nin aqoonyahan ah, waxaa uu siyaasadda ku soo dhex jiray muddo ka badan 30 sano isagoo ku caan baxay geesinimo, waxaana dad badan ku xusuustaan markii Maxamed Siyaad Barre la kulmay odayaashii Bayaankii Maanofesto oo uu Siyaad yiri YAAN KALA HADLAYAA KOOXAHA DAGAALKA WADA,uu Dr Bood kaligiisa yiri aniga ayaa la igala hadlayaa, ma jirin qof kale oo hadalka Siyaad ka jawaabay.

Allaha u naxariisto Dr. Xuseen Xaaji Bood

Dr. Xuseen Xaaji Bood ayaa ku dhashay Deegaanka Mareeg ee Gobolka G/gaduud sanadkii 1935, waxaa uu waxbarashadiisii Quraanka, Dugsiga Hoose iyo Dhexe ku soo kala qaatay Mareeg iyo Ceeldheer, isagoona waxbarashadiisii Dugsiga Sare ku soo qaatay Dalka Ethiopia, waxaa uu kaloo Jaamacada culuunta Siyaasada kaga baxay Dalka Talyaaniga.

Marxuumka oo ahaa siyaasi fir fircoon ayaa shaqooyin kala duwan ka soo qabtay Dowladihii hore waxaana uu usoo shaqeeyay Wasaaradii Horumarinta, Wasaaradii Qorsheynta iyo howlo qaran oo uu soo qabtay Dalka.

Marxuumka allaha u Naxariistee Dowladdii Carte lagu soo dhisay waxaa uu ka noqday Ra’iisul Wasaare kuxigeen, waxaa u mar noqday Guddoomiyihii Golihii Wadatashiga Soomaaliyed, ka hor waxaa uu ahaa Xuseen Bood kuxigeenadii Cali Mahdi Maxamed Guddoomiyihii USC/SSA.

Xuseen Bood Wax caruur ah ugama tagin ifka, hase yeeshe waxaa uu lahaa hal Xaas taas oo ay ahayd Drs Xabiibo Xaji Jimcaale, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah Qoyskiisa waxaa la filayaa Dr Bood in lagu aaso dalka oo meydkiisa laga soo qaado Magaalada Nairobi.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip