Qisooyinka naxtinta badan oo laga soo gudbinaa dhalinyarta soomaaliyeed ee da'adoodu u dhaxeeyso 13-25 jirka maahan kuwa la dhageysan karo, khaas ahaan Galbeedka oo ugu horeeyaan dalka Mareykan iyo caasimada Ingariiska, London.
Cunuga yar markii uu barto maandoriyayasha waxuu joojiyaa iskuulka, waxuu noqdaana qof madluunsan, oo aan farxad iyo sheeko midna ku jirin, gooni u goosad aan salaanta qaadin ayuu isku bedelaa shalay haduu ahaa bulshayahan, furfuran oo qofkasta si fudud ku barto, bashaashna u ah.
Isbedelkaas horay lagama fahmo, oo waalidka aqoonyarada heeyso, is araga iyo is wareysiga oo yar darteed waxeey ku qaadataa in ay ogaadaan in cunugooda darogoyahan noqday ugu yaraan sanad, waa hadii aan la qabanin oo aan xabsiga lagu tuurin, sidaas darteedna booliiska ku soo wargelinin mucjisada cunugooda ku dhacday waalidka.
Baaritaankii ugu danbeeyay ee laga sameeyay dalka Ingariiska waxuu sheegaayay in dhalinyarta lagu soo qabto isticmaalka daroogada iyo ka ganacsigeeda in ay u badanyihiin dhalinyarta soomaaliyeed.
Waalidiinta soomaaliyeed ee dalka ingariiska degen waxey qabaan cabsi weeyn, iyo shaki joogta ah, waxeeyna ka cabsadaan markasta in cunugooda ku jiro kooxahaas kadibna la dilo.
Kadib markii dilal badan oo isku xigxiga oo u dhaxeeyo dhalinyarta daroogiistayaasha ah ee soomaalida ah ay ka dhaceen dalka Ingariiska.
Sidoo kale waxaan Norwey ka warheeynaa in ay jiraan dhalinyaro badan oo beerta galay, nacasta iyo waxa la midka ah nolol ka dhigtay. Kuna jiraan xabsiyada kala duwan ee dalkaan, qaarkoodana shaqaale u yihiin niman gaangiistara ah oo ka soo jeedo dalalka Pakistan, Jamayka iyo Polan iwm.
Dhalinyartaan soomaaliyeed waa kuwii la sugaayay in ay dalkooda wax u qabtaan, loona keenay Galbeedka in ay waxbartaan, waxaa laga yaabaa in qaarkooda waalidkood soomaaliya degenyihiin oo sugaayaan in ay biil u soo diraan, kana baafiyaan maalinkasta BBCda iwm.
Nasiib darro ma jiraan ilaa iyo hada bulsho soomaaliyeed oo si wada jir ah xataa kaga wada hadashay dhibaatada dhalinyarta heeysta guud ahaan iyo daroogoyinkaan oo ah musibada ugu weeyn oo asiibtay dhalinyarta soomaaliyeed ee degen Galbeedka, iska dhaaf in ay wax u qabtaan, oo isku dayaan in ay u sameeyaan dhalinyartaas dib u habeeyn nololeed iyo ka hortag.
Waxaan ognahay in ururo badan oo kala duwan ay lacag ku qaataan badbaadinta iyo dib u habeeynta nolosha qaribantay ee dhalinyartaas, maadaama daroogooyinka yihiin dhibaato dunida u dhan aqoonsantahay. Balsa nasiib darro caawimaadka dunida u fidisay dhalinyartaas dhiban kama faaiideystaan ee ragg iyo dumar soomaaliyeed oo caloolahooda u shaqeeya ayaa cuno dhaqaalaha ay ku keenaan in ay wax u qabtaan dhalinyartaas, waxeeysa ila tahay in qiyaano iyo been waligeed soconeeynin, dadkaas damiirlaawayaasha ahna laga daba tagi doono.
Maalinka Buunka aaqiro yeerane Rabiga weeynaha ah hortiisa la keeni doono. Waxyaabo dhacaayo ma yaro, tusaalooyin iyo qisooyin kala duwan naxtin badan ayaa dhageneeha ku soo dhacaa maalinkasta, sidaas ay tahay wax badan iskuma mashquulina, oo hilmaanka iyo aamindaada in waqtigu wax bedelaa ayaa naga xoog badan.
Waxaa dhacda in dhalinyaradaas muqaadaraadka iyo daroogooyinka kala duwan isticmaalo in markii booliska ku ogaado oo xiro, amaba aan la xirin markay sheegaan gangiistarada ay u shaqeeyaan, hal dhacda oo ka dhacday Norway baan ku soo qaadanaa halkaan, aadna kuu tuseysa xariirka wanaagsan ee u dhaxeeya boliiska iyo dadka soo dirsaday dhalinyarta adeegayaasha ah ee u gada daroogooyinka:
Gabar ayaa meel taagan oo bas sugeysa, waxeeyna indhaha ku dhufatay wiil ay taqaano, oo wiilkii dhinaceeda ayuu u soo socday, waxuuna gacanta u wataa wax aysan midibkooda arkin, laakiin qiyaastay waxa ay yihiin. Dabcan waa daroogadii oo u soo baxay gaditaankeeda saakay!!
Balsa gabadhaan maadaama ay taqaano wiilka qisadiisa iyo gaangiistarada ku shaqeystaba si fiican ayeey ugu baxsantahay shaqada foolxumada badan oo wiilkaan qabto. Gabadhaan waxeey inbadan Illaah ka baryi jirtay in maalin uun wiilkaan booliiska qabtaan si loogu ciqaabo dhibaatada oo caruurta dugsiyada dhexe dhigta u geeystay, maxaayeelay waxuu ilmahaas yaryarka ah oo aan waxba ka ogeen daroogo iyo waxa ay tahay, ku qasbaa in ay ugu gadaan iskuulka, lacag yar ayuu siiyaa, maalmo kadibna waxuu hadane ku qasbaa inuu ayaga cabsiiyo, si ay ugu xirmaan oo asiga ugu shaqeeyaan waligood.
Ilmahaas ma ku dacweeyaan wiilkaan iyo kuwa la mid ah maamulka iskuulka ama waalidkooda, oo waxeey ka cabsanaayaan in la dilo hadii ay wax uun ka sheegaan, oo waa ogyihiin in ay naftooda ku qamaaraayaan hadii ay sheegaan ama isku dayaan in ay ka baxaan qasaarada ay ku suganyihiin. Gabadhaan weey faraxday markay aragtay nin booliis ah oo daba ordaa wiilkii! Wiilkii waxuu galay musqal meesha ka dhaweed, booliiskiina waa ka daba galay, daqiiqada kadib…
La soco qaybta danbe si aad u ogaatid waxa dhici doono oo aad u leh la yaab weeynin badan iyo qiso kale oo aan u adeegsan doono tusaale ahaan, kana dhacday Norway iyo Iswiidhan.
NB! Xuquuqda qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan. kala xariir: samsam_1989@hotmail.com
WQ Ifraax Yusuf ( Ifka)
14.12.2008
Ka Aqriso Qeybihi Hore Halkaan
Qaybta 1aad ee qoraalkii: "Daroogooyinka waxeey keenaan dhibaatooyin aan laga kabsanin waligood"
Qaybta 2aad ee qoraalkii:"Daroo-gooyinka waxeey keenaan dhibaatooyin aan laga kabsanin waligood"
Weli waxaan ku jirnaa mawduucii daroogooyinka, mawducaan waxuu noqonaa mid runtii dheer, rabo waqti badan, aqoon iyo baaritaan saaid ah si looga sal gaaro dhibka jiro, inta wanaaga iyo khayrka Illaah tusayna loo tuso wadda wanaaga, loona siiyo talooy