Sheekhii ayaa loo geeyey wiilkii, dabadeed sheekadan ayaa dhex-martey wiilkii yaraa iyo sheekhii caalimka ahaa.
Wiilkii: kumaad tahay, mase ka jawaabi kartaa su’aalaheyga?
Sheekhii: waxaan kamid ahay adoomaha Illaahey(subxaanahu wata’caalaa), haduu Illaahey yiraahdo waxaan awoodii doonaa in aan ka jawaabo su’aalahaada.
Wiilkii ma hubtaa in aad ka jawaabi doonto, sababtoo ah borofoseero iyo khubaro aad u badan wey awoodi waayeen in ay ka jawaa-baan su’aalaheyga.
Sheekhii: waxaan isku deyayaa inta karaan keyga ah, anigoo kaal-meysanaya Ilaahey.
Wiilkii: Seddex su’aalood ayaan ku weydiinayaa:
1) Illaahey miyuu jiraa, haddii uu jro ma itusin kartaa muu-qaalkiisa ama isaga laftiisa? 2) waa maxay qadarka ama calafka?
3) hadii sheydaanka laga abuurey dab(holac), waa maxay sababta hadhowdii loo gelin doono naarta?
Sababtoo ah naartaba waxaa iyadaba laga abuurey dab. Dabna dab waxba kama tarayo, sidaas darted sheydaan maadaama laga abuurey dab, kuma gubanayo dabka naarta, taasi soo Illaahey ka ma fikirin.
Durbadiiba sheekhii ayaa dhar-baaxo weyn wejiga oga dhuftey wiilkii, wiilkii oo indhaha wax ka arki waayey xanuuna la hadli kari waayey ayaa ku yiri sheekhii, maxaad u xanaaqdey su’aal umbaan ku weydiiyey.
Sheekhii: aniga ma xanaaqin, ee dhar-baaxada aan kugu dhuftey waxey jawaab u tahay seddexdii su’aal aad i weydiisey.
Wiilkii: wiilkii oo jahawareersan ayaa yiri, aniga kuma fahmin waxaad ka wado.
SHeekhii: ka dib markaan ku dhar-baaxey sideed dareentey?
Wiilkii: dabcan waxaan dareemey xanuun daran.
Sheekhii: miyaad aaminsantahay in uu xanuunka jiro?
ma I tusin kartaa, mase I taabsiin kartaa muuqaalka xanuunka?
Wiilkii: ma awoodi inaan ku tusiyo xanuunka muuqaalkiisa, laakin wuu jiraa.
Sheekhii: Taasi waa jawabteyda su’aashaadii ugu horeysay, dhamaanteen waan dareensana-hay waana aaminsanahay jiri-taanka Illaahey inagoo weli arag muuqaalkiisa…..xaley miyaad ku riyootey in aan aniga ku dharbaaxi doono?
Wiilkii: maya.
Sheekhii: weligaa maku fikirtey inaan aniga ku dharbaaxi doono?
Wiilkii: maya.
Sheekhii: Taasi waxaa la yiraahdaa qadar…..ee gacanta aan kugu dharbaaxey maxey ka samey-santahay?
Wiilkii: hilib ayay ka samaysan tahay
Sheekhii: sideed dareentey ka dib markaan ku dharbaxey?
Wiilkii: isagoo yaaban ayaa la yiri xanuun.
Sheekhii: maadaama xitaa sheydaan laga abuurey dab, haduu illaa-hey doono naarta xanuun ayaa looga dhigaya isaga, sida hilibka gacantaada xanuun looga dhigey wejigaaga oo isagaba ka samey-san hilib.
wiilkii oo la dhacay xigmada ku jirtay sheekha iyo meesha dhow uu ka tusiyey su’aalihii, kuna qanacsan jawaabta Sheekha ayaa intuu muusoodey aayar iska sii xaluushey isaga oo wejiga ka bararsan dhar-baaxada ku dhacdey darteed. Meeshaasina wuxuu ka kororsaday aqoon weyn oo ka maqnayd.
Maxamed Deeq Muuse Nuur (deeqdarajo)
Deeqdarajo100@hotmail.com
Cape Town
sheeydaanka holac ayaa laga sameeyey, sidee holac loogu ciqaabayaa? Qiso dhex martay arday iyo Sheekh Caalim ah
Beri baa waxaa jirey wiil dhalin-yaro ah kaasoo u aadey dibeda si uu wax u soo barto, wiilkii markuu soo dhameystey wax barashadiisii dibeda ayaa wuxuu ku soo laabtey wa-dankiisii. Dabadeed wiilkii wuxuu ku yiri waalidiintiisa “ waxaa doonayaa