Kooxda Alshabaab ayaa tan iyo qabsashada Gobolo badan oo Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka bilaawday talaabooyin guracan kuwaasi oo meesha ka saarayo in aysan jirin hadafki ahaa Ciidamo Cadow ayaa dalka ka saareena ee uu yahay Hadaf lagu cirib tiraayo Taariikhda iyo Xadaarada DIinteena Islaamka.
Kooxda Alshabaab ayaa waxa ay bur bur Qabuuro ka geestay qaar badan oo ka mid ah gobolada ay gacanta ku hayaan halkaasi oo ay ku duugnaayeen Masha’iq lagu Ciseeyo Diinta islaamka.
Bur Burinta Qabuuraha Masha’iqda sida weyn loogu Ciseeyo Diinta Islaamka ayaa waxa ay salka ku heesaa Qandaraaska Balaaran ee Kooxda Alshabaab ay kazoo qaateen Kooxaha Reer Galbeedka ee Dagaalka ugu jiro Tir tirida Diinta islaamka iyo Nacbeesiinta Umadaha Caalamka taa oo sawir xun kaga tusayaan ficilada sida kooxda alshabaab iyagoo ku muujiyay in ay tusaale utahay Fikirka Islaamiga .
Hadaba Malaayiin Muslimiin ah oo dunida ku nool ayaa waxa ay la yaab iyo fajac ku noqotay in koox sheegatay Xukun Islaam in ay ku kacdo dagaal Muslimiinta Dhaxdooda ah iyo Bur Burin Culimada looga heebeesanaayay Diinta Islaamka taa oo markaati madoonto utahay in Magac Islaam Dusha Laga Wato gudahana Laga yahay Afkaar Reer galbeed.
Hadaba waxa maalinba maalinta ka dambeesay Sii yaraanayo niyada Shacabka Soomaaliyeed ee u hayeen Kooxahaan Sheegtay magaca Islaamka taa oo mar horeba ay ka digeen Culimada Ahlusuna Waljamaac balse dadka qaarkii ay is lahaayeen hadii nabad ay keenayaan bal halagga dhur sugo balse xaalka iminka faraha ka baxay kana dhigay Su’aasha Alshabaabe Ithiopia maalinta ay wadanka Soo gashay waxa ay fariisin ka dhigatay Xarumo ay ka mid yihiin Warshada Baastada iyo W/Gaashaandhiga Wilina waa degan yihiin ee Dagaalka Ithiopia ma waxa uu ahaa Bur Burinta Qabuuraha Saalixiinta.
Hadab waxa Umada Soomaaliyeed meel Kasta oo ay joogaan ugu Baaqaanee in ay gacan bir ah isaga qabtaan Kooxdaan guracan iyo Talaabooyinka ay qaadayaan dhanka kalena waxa digniin udireena Kooxda Alshabaab ugana digeena in ay ka waantoobaan Talaabooyinka Caynkaan eh oo sababi kara in gacmaha la isula tago dhiig sukeeyana ku daato .
Ustaad Fu’aad Omar
Afhayeenka Ahlusunah Waljamaac
maxabba@gmail.com
Zurich Swiserland
Ficilada Alshabaab Ma Dano Mareykan ? Mise Dano Islaami ? (Faalo)
Kooxda Alshabaab oo ka mid ah Kooxaha Dagaalada Ba’an ka wada Gayiga Soomaaliya ayaa indhawaalaba waxa ay waday falal isugu jira Dil iyo Barakac kuwaasi oo ay ka geesaneeso qaar badan oo ka mid ah gobolada Dalka.