Dadka Munaasabaddan ducada ah kasoo qeybgalay oo wejiyadooda laga arkayay murugo aad u weyn isla markaana ay ka muuqatay sida ay uga naxeen Allaha u naxariistee geeridii marxuum Dr Bood oo badankood ay ku tilmaameen inuu ahaa Daacad geesi ah oo aan la gaban ama qarsan waxa calooshiisa ku jira, isla markaana nabaddoon ahaa.
Qaar ka mid ah ka qeybgalayaashii ducada marxuum Bood
Ugu horeyn waxaa halkaasi aayado quraan ah & wacdiba kasoo jeediyay Sh Maxamed Axmed oo sidoo kalena ka sheekeeyay taariikhdii marxuum Xuseen Xaaji Bood isagoo tilmaamay in “Xuseen Bood uusan waddankiisii kasoo cararin sida anagoo kale, hadana foolxumo uusan ku kicin isagoo weliba taliskii Siyad Barre-na ku yiri,” ninyahow ummaddan talo uma heyside isaga dhex bax, ” ayuu yiri Sh maxamed Axmed oo intaa ku daray in marxuumku ka qeyb gelin dadka hubka wax ku boobi jiray ama ku dooni jiray, waxa uuna ugu dambeyntii ugu duceeyay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.
Sawirka Sh Maxamed Axmed
Waxaa isna hadal kooban oo ku saabsan u mahadcelin dadkii halkaas yimid & duco halkaasi kasoo jeediyay Axmed-nur Sh Yusuf Guulleed oo ku hadlayay magaca qabanqabiyaasha munaasabaddaas ducada aheyd isagoo xusay in ujeedadda munaasabaddan ay aheyd in marxuumka loogu duceeyo isla markaana quraan loogu aqriyo.
C/siis Cali Ibraahim (Xildhibaan) oo munaasabaddaas xiriirinayay ayaa waxa uu halkaasi kasoo jeediyay taariikheed nololeedkii marxuum Xuseen Bood
Inta ka aqriso taariikhdii Dr Boodwaxa uuna xusay in marxuumku ahaa siyaasi waddani geesi ahaa oo aan ka gabanin runta qiimo kasta haku kacdee, waxa uuna tilmaamay in si geesinimo ah u wajahay taliskii Siyaad Barre, C/siis Xildhibaan ayaa waxaa indhiisa soo dhaafay ilmo kadib markii uu ka sheekeeya sidii ay isaga laf ahaantiisa iskula soo shaqeeyeen oo ay u ahaayeen dad aad isugu dhow,” waxaan ku samiyay wiil aan anigu dhalay, sidaas darteed magacii Dr Bood weli waa jiri doono haddii alle idmo” ayuu yiri Xildhibaan oo dadkii goobta yimid ay la calool gaddoomeen sida uu u tebayo geerida marxuum Bood, ugu dambeyntii Xildhibaan waxa uu sheegay in Dr Bood uu ahaa aqoonyahan la tebi doono,waxa uuna sidoo kale xusay inuu ku hadli jiray afaf ay ka mid ahaayeen English, Talyaani, Carabi, & Amxaari.Sawirka Xildhibaan
Dr C/dir Cali Boolaay oo halkaasi ka hadlay ayaa ayaa sheegay inay marxuumka is yaqaaneen sanadihii 50-yadii isagoo tilmaamay inay isla soo shaqeeyeen Dr Bood, “waxa xiligaasi uu nasiib u yeeshay deeq waxbarasho oo laga helay xisbigii Libarale ee uu hogaaminayay Xaaji Baraako oo aad u daneynaayay dhalinyaradii waagaas inay helaan waxbarasho, waxa uuna tegay dalka Itoobiya si uu wax usoo barto, “Waxaan markii ugu dambeysay ku kulanaya shirkii Jabuuti sanadkii 2000, wuxuuna ii sheegay inuu ka xunyahay in dalkii ay usoo halgameen uu sidan macno darada ah u burburay, uuna isku taagayo inuu qabto talada dalka si uu u badbaadiyo ummadda & dalka Soomaaliyeed ee qaxootiga meel walbaba ku ah” ayuu yiri Dr Boolaay.
Shariif Axmadey oo ka mid ahaa dadkii ay wax iskala soo barteen dalka itoobiya oo isna halkaasi ereyo kasoo jeediyay ayaa ku nuuxnuuxsaday in Dr Bood uu ka mid ahaa dadkii soo dhameeyay inay helaan deeqdaas waxbarasho isaga & Salaad Maxamed Afrax, waxa uuna tilmaamay in isaga uu uga murug badanyahay dadka intiisa kale maadaama ayuu yiri ay sariirihii koleejada ee is korsaarnaa isla seexan jireen, waxa uuna ugu duceeyay inuu naxaristii janno ka waraabiyo.
Sawirka Dr Max’ed Abuukar.
Shariif Axmadey oo ka mid ahaa dadkii ay wax iskala soo barteen dalka itoobiya oo isna halkaasi ereyo kasoo jeediyay ayaa ku nuuxnuuxsaday in Dr Bood uu ka mid ahaa dadkii soo dhameeyay inay helaan deeqdaas waxbarasho isaga & Salaad Maxamed Afrax, waxa uuna tilmaamay in isaga uu uga murug badanyahay dadka intiisa kale maadaama ayuu yiri ay sariirihii koleejada ee is korsaarnaa isla seexan jireen, waxa uuna ugu duceeyay inuu naxaristii janno ka waraabiyo.
Sawirka Shariif Axmadey
Xaaji Cumar Indho guduud oo isna hadalkiisa ku bilaabay in Dr Bood su’aasha qayaamo ilaahey dhaafiyo, ayaa tibaaxay in dadka muslimka ah qofkii ay u duceeyaan ee ay taariikhdiisana ka sheekeeyaan inuu ahlu janno yahay, loona baahanyahay in dariiqa saxda ah la raaco maadaama qof walba dhiman doono, waxa uuna ummada Soomaaliyeed ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan ayna taageeraan nabadeynta.
Sawirka Xaaji Cumar Indhaguduud.
Sh Cali Maxamuud Xasan (Sh Cali Tuure) oo sidoo kale halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay marxuum isla ahaayeen Guardia di Finanza, waxa uuna xusay inuu ahaa geesi aan cabsan, “1958 shaqadii Guardia di Finanza ayaa nalaka bixiyay qabiilkeena dartiis anagoo ilaa (lix) 6 qofood oo uu ku jiray Dr Bood waxa uuna si geesinimo leh u yiri Dr bood “aniga dharkooda ayaan wejiga uga soo tuurayaa gaalkii xukumaayay meesha, waxaan dhahnay waa nala xiraa naga dhaaf Xuseenow, wuxuuse ku adkeysaty go’aankiisi, dharkii ayuu wejiga uga soo tuuray gaalkii askariga ahaa, laakiin nasiib wanaag lama xirin” ayuu yir Sh Cali Tuure, waxa uu sidoo kale xusay inay ku wada jireen gudigii Maanafeesto, wuxuuna alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.
Sawirka Sh
G/sare Ismaaciil Cilmi Xareed oo isna ka hadlay taariikhda Marxuum Dr Bood ayaa sheegay inuusan isagu shaqsi ahaan la kulim, balse uu shaqaalihii ay isla shaqeynayeen uu ka maqlayay inuu ahaa nin maamulkiisa aan ka baqin intuu qalinkiisu gaaraayay, wixii ka baxsan maamuulkiisan cidii soo dirsatay u gudbiyo ayaa lagu tilmaamayay ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in manta ay la mid tahay anagoo sidno hantooshiisii isagoo ku tilmaamay inuu ahaa ahlul-kheyr maadaama intaan ay maanta u fadhido tacsidiisii, “asagoo kale Mareeg waa ku dhalan doonaa ama waa ku dhashayba, Muqdisho waa ku dhalan doonaa ama waa ku dhashayba, ama adinka ayuu idin ku jiraa, ninka noocaas ah wuxuu u baahanay in la taageeroo” ayuu yiri G/sare Ismaaciil Xareed, waxa uu soo qaatay taariikh dheer oo ku saabsan taariikhihii islaamka isagoo is barbardhigayay waqtiga lagu jiro inay muujineyso in wax hore asxaabtii u sameeyay aan dugsaneyno, waxa uuna ugu dambeyntii kuso gabagabeeyay in faataxo loo aqriyo marxuumka loona duceeyo taasoo dadkii halkaasi isugu yimid ay sameeyeen.
Sawirka G/sare Ismaacil Cilmi Xareed
Dr Xasan Maxamuud Cali (Basey) ayaa isna hadalkiisa ku bilaabay duco uu u duceeeyay Marxuum Dr Bood, waxaa uuna shegay in marxuumku uu ka baxay ummadda Soomaaliyeed ee uusan qoys ka bixin, waxa uuna alle uga baryay inuu janatul fardowza ka waraabiyo, anagana samir & iimaan alle naga siiyo.
Ibraahim Sh Muxidiin oo ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa isna tilmaamay inuu Marxuum Dr Bood ahaa nin uu talo ugu tagey xili hadda aan dheereyn isagoo kala tashanayay maamuulkii gobolka Banaadir oo ra’iisulwasaare Nuurcadde ugu magacaabay si ku meel gaar ah, isagoo tilmaamay inuu kula kulmay garoonka diyaaradaha xiligii hadda loo qaadayay Kenya ee uu xanuunsanaa, isagoo xusay inay xataa isla soo shaqeeyeen wixii ka dambeeyay 1990-kii, waxa uuna ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay uga daydaan mabda’a uu ka qaatay xaalka Soomaaliya ee ahaa nabaddeynta, isagoo tibaaxay in loo baahanyahay in halkaas laga sii wado howshii uu waday marxuum Dr Bood ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Ibraahim Sh Muxudiin.
Sawirka Ibraahim Sh Muxidiin
Suldaan Khaliif Muumin oo isna halkaasi ereyo kooban ka yiri ayaa tilmaamay in marxuum Xuseen Bood uu ahaa aqoonyahan hadana waayo arag ah, waxa uuna hoosta ka xariiqay inuu ahaa qof jecel in wax la barto, waxaa uuna tusaale usoo qaatay in xili ay isla joogeen shirkii Soodare uu soo tusiyay goobtii ay 50-yadii wax ku barteen taasoo uu ula jeeday in dhalinyaradu wax bartaan.
Sawirka Suldaan Khaliif Muumin
Cumar Axmed Guhaad oo ka mid ahaa dadka xaafadda Streatham oo bulshada Soomaaliyeed ee London degan ay ku badan yihiin ayaa isna halkaasi ka sheegay in loo baahanyahay in lagu daydo marxuumka oo lagu dadaalo nabadraadinta, Cumar Axmed Guhaad waxa uu ku dheeraaday ka hadlida sida Soomaalida looga baahanyahay inay is waafajiyaan hadalkooda & quluubtooda oo ay ka dheeraadaan inay caloosha wax ku reebtaan.
Sawirka Cumar Axmed Guhaad
Munaasabaddan ducada ah oo ay kasoo qeybgaleen qeybhaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa sidoo kale ka hadlay dad kale oo ay ka mid ahaayeen Xaaji Cali Caddo (Cali Jarmal, Aadan Wardheere, C/qaadir Yalaxow, Yaasin Bulsho,Yuusuf Garaad & Col- Xasan Salaad Dhoore, waxayna dhamaantood xuseen inuu marxuumku ahaa nin daacad ah, geesi ah, waddani ah & weliba Maamul wanaag.
Sawirada Dhoore, Cali Jarmal, Yuusuf garaad, Ciro.
Sawirada oo dhan meesha hoose ka fiiro
Waxaa munaasabaddan soo qabanqaabiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo muujiyay karti dheeraad ah kadib markii ay iskugu yeereen bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka
Siciido Cilmi Jalle
Maryan diirye liibaan
Caasha Aadan
Duniyo Cali Adoon
Qaali Cumar Cosoble
Daahi Geesaweyne
Abuukar cumar iligsib
Axmed e/krin gabeyre
Cali Axmed joroq
Muxume cabdi guutaale
Cumarsacuudi
Aweeys xabad geedi
Cade cumar maxamed
Maxamuud xasanley joqof
Cabaas xabad geedi
Cabdi raxman indhokoray
Abuukar tuuryare
Maxamed cabdulahi rooble
Caamir macalin
Cabdi xasan sheekh
Cumar geesay geedi
Axmed nuuf faarax
Maxamed jimcale galaanbe
Cabdulahi maxamud sheekh
Cabdulqadir muxudiin
Maxamed
Cumar
Maslax cilmi jale
Abuukar
Cabdi rashid x afrax
Daahir C Socdaal
Cabdi salan
Abdlae xusen yalaxow
Cabdulahi macalin xasan
Maxamed tooxow
Aweeys baroodo & dad kaloo fara badan
Munaasabaddaas ducada ah ee loo sameynayay Marxuum Dr Xuseen Bood ayaa waxa ay kusoo dhamaatay jawi degan, iyagoo dadkii halkaasi iskugu yimid ay ka muuqatay jawi dareen murugeed.
Munaasabad Duco ah oo loo sameeyay marxuum Dr Xuseen Bood ee Uk (Daawo Sawiro)
Munaasabaddan waxaa goob joog kahaa boqolaal Soomaali ah oo isugu jiray guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid ahaayeen dad ay wax isla soo barteen, isla soo shaqeeyeen ama isla noolaayeen.(FIIRSO SAWIRADA)