Madaxweyne kasta ee Soomaaliyeed waxaa weelka ka ciideysa beeshiisa

0
Monday December 29, 2008 - 13:03:38 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne kasta ee Soomaaliyeed waxaa weelka ka ciideysa beeshiisa

    Marka hore waxaan hordhac ka dhigahaayaa in qoraalkaan ow ku qotomo fikirkeyga oo keliya iyo sidaan u arkaayo marxaladda siyaasadeed ow dalka maraayo maanta, lagana yaabee in ey jiraan dad dhowrah ee ila wadaagaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore waxaan hordhac ka dhigahaayaa in qoraalkaan ow ku qotomo fikirkeyga oo keliya iyo sidaan u arkaayo marxaladda siyaasadeed ow dalka maraayo maanta, lagana yaabee in ey jiraan dad dhowrah ee ila wadaagaan.

Markii la riday xukunkii Siyaad Barre kaddib, waatii ey ka dhacday tii ugu ba’need, iidoo la sugi waayay lammo sano oo keliya ow Mudane Cali Mahdi soo dhammeesto. Anigu markaas waxaan raacsanaay Cali Mahdi, maxaa jira nidaamaa lagu soo go’ammiyay in ow 2 sano interim ahaan ku sii ahaado madaxweyne; kaddibna doorasho la galo lagu soo doorto madaxweyne.


Nasiibxumo watii noqo weysay ee hoobiye iyo madaafiic shacabka lagu dhammeeyay. Natiijadii ka soo baxdayna eey noqotay in Gen Caydiid reerihiisa dilaan. Ussuga weel ka ciideen lalama sugine, naftiisaaba loo qoonsady. 


Waxaa ku xigay Mudane Cabdiqaasim Salaad, oo Jabuuti lagu soo doortay, waatii haddaan Mudullood nahay aan garab istaagnay oow hoggaamiye Cali Mahdi ugu qudbadeeyay taageerayaashiisa in doorashada ey caddaalad ku dhacday iyo in lala shaqeeyo madaxweynaha cussub.


Anigu shaqsi ahaan, anigoo addeecsan codsigii Mudane Cali Mahdi, waxaan ka mid ahaay jaaliyadihii mudane Cabdiqaasin ku soo boqdeen New York, markow ka qeebgalaayay fadhigii sanadlaha ahaay ee UNka, waxaanna ku soo dhaweeyay shirib , duco iyo dardaaran.


Ha ahaatee waxaa la marsii waayay niman beeshiisa eh oo ila iyo hadda ey ku kala maqan yihiin, oo isbaarro xun u dhigteen xukunkiisi.

Wixii la soo jiitamaba, haddana adduunkii oo naga sabriwaayay, oo shacbiga Soomaaliyeed ee la saxariiriyay u damqaday, aa shir nabadeed ka abaabulay dalka Kenya.


Wanaag iyo xumaanba, sharaf iyo sharafdarraba, waxaa la soo dhoodhoobay Baarlamaan, oo xubnihiisa intooda badan aqoon haba yaraate ama waaya-aragnimo u leheen xilka  xidhibaannimo oo eh mid aad u ween una karaamo badan oo ummad dhan lagu matalaayo.


Waxaan soo joognay istunki ka dhax dhacay ; soo marnay wakhtigeey kala dagganaayeen Xamar iyo Jowhar ; markii Baydhaba loo guuray  ow billawday xirig jiid u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihii markaas xukumadda hoggaanka u haayay Mudane Cali Maxamed Geeddi.

Muggii la doortay in ow Soomaaliya Madxweyne u noqdo Mudane Cabdullaahi Yuusuf, beeshha ow ka dhashay odayga ee Majeerteen, isla muggiiba xarrakaat xoog leheey billaabeen ineey muujiyaan. Waxaan xasuustaa in suuqyada leesla maraayay ineey aarsa doonaan, in dad eey badda ku shubi doonaaan, qolo loo ciil qabayna ( Hawiye ) eey qaxootinnimo ku idlaa doonaan. Intaas waxaa noo sii dheereed aflagaaddo aan tiro iyo xadba leheen, ooy dadkii madaxweynaha ey noqdeen dad dhaxdooda is cesha waayay.

Markii ow Madaxweyne Yuusuf magacaabay Ra’iiska Xukuumadda, Mudane Cali Maxamed Geeddi, erayadii beesha Madaxweynaha ka soo yeeraayay waxaa ka mid ahaayeen :“weligeen aan wax xukumi jirnay


( goorma ? ), Xamaraan ku degeynaa maskax Daarood iyo Muruq Abgaal”. Macnaha hadalkaas qaabka aan leheen cid walba waa gara kartaa ee Abgaalki dowladda dajiyay lagu aflagaaddeyhaayay.


Haba ahaatee dheg looma dhigin, Madaxweynihii waa soo dhaweynay, haddana waxaan ku soo booqannay New York oon ugu hambalyeynay.


Waxaa wax walba nooga muhiimsanaay in dowlad eey dhalatay, sharaftii calankana soo noqoheyso. Waxaan abaabulnay shirar isu soo dhawaansho eh, inaan goglo nabadeed fidinno aan isu ballan qaadnay, Soomalidii kala tagtay inaan isla raadinno, inkastoo haddana aan ogeyn in eey jireen rag eey lugaha u laabnaayeen oon daacad eheen.

Waxaa dhacday in rag eey dibadaha ka soo wada guureen soona dhoobteen aqalka Madaxtooyada, loo mariwaayo odayga, waliba in rag xilal haayay lagu xujeeyay araggiisa, qaarkood la aflagaaddeeyay.


In wax allaale wixii magacaabis eh eey isu wada qeybiyeen, khaasatan safaaradaha iyo ciidammada oo axdigii awalba qaabka darnaay ee 4.5 mahaas lagu afgambiyay.
Nin si bareer eh websayt oow suubsaday ku aflagaaddeeyay dad howlwadeenno ahaayeen iyo beelo Soomaaliyeed, waxaa loogu abaal guday in ow noqdo afhayeenka Madaxweynaha, jagadaasoo aan wada ognahay qiimaha iyo qaayaha eey dowladaha adduunka ka wada leedahay, qofow qof matahayna aan loo dhiibi karin.


Waxaa dhacday in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihii ( Geeddi ) oo is afgarad iyo wada shaqeen fiican u dhaxeysay ey isku waayeen arrimo eey Puntland ugu horreyso, oo ku adkeysatay in eey dastuurkii lagu heshiiyay eey ka tillaabsato ooy ku dhaqaaqdo shidaal qodis iney shirkado shisheeye ku la heshiiso, kaasoo khayraad dabiici ahaan ahaay howl u taallay dowladda dhexe in eey ka taliso. Waa tii leesku mari waayay ugu dambeestiina ow Madaxweynaha u hiilliyay Puntland oo  eh gobol ow ka soo jeedo dhalasho ahaan.


Iskhilaafkaas waxaa lagu soo gunaanaday in Mudane Geeddi ow iscasilo maalin cad. Xilka woxoow dhiibay maradiisa oo ka nadiif eh luggooyo iyo kala shirin ama kala qeybin ama kala dirid.


Waxaan qabaa anigu in iscasilaaddii Prof. Geeddi eey eheed billawgii dhammaadki Madaxweyne Yuusuf.

Geeddi waxaa laga daba qaatay durbaan, inow isla gaddiyay hanti, in arooska wiilkiisa ku baxday malaayiin dollar. Dacaayado raaqiis eh oo meel mari waayeen. Waxaa la hilmaamay in Mudane Geeddi ow shaqo muhiim eh u haayay intaanow siyaasadda soo gelin OAUda qayb ka mid eh iyo in, Jowhar muggii la joogay,  mar eey xildhibaannadii ku dhacday mushahar la’aanna ow u qeybiyay xaqiisii.
Ii sheega qof tillabadaasoo qale qaaday taariikhda siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Yaanan mowduuca ka bixine, Mudane Yuusuf woxoow soo magacaabay Mudane Nuur Xassan Xussein, Nuur Cadde, oo eh nin magac iyo sumcadba Ilaah ku hibeeyay, aqoon yahan sharci iyo waaya aragba eh.


Ra’iisul Wasaaraha cussub woxow isla dhaqsiba ku dhaqaaqay dibuhishiisiin, guulo badanna waa ka soo hooyay. Ka sheekeyn uma baahna.


Dadka siyaasadda xog ogaalka u eh, waxey tilmaamaayaan in taas ow Madaxweynaha ka biyo diiday, ussugoo masawir kale u muuqday ama la tusiyay, maadaama ow afkiisa ka yiri in dibuhishiisiinta eey eheed mid qabiili eh, taasna oow ka daba yiri ninka Puntland madaxa ka eh Cadde Muusse, ussugoon war iyo waayaba u heeyn wixii maha laga waday.

Beesha Madaxweynaha waa leedahay waxgarad, aqoonyahan, oday dhaqameed, nabaddoono, waxaase laga waayay wadar ka soo baxda kana talisa in yac lees yiraah oon la kala tagin. Badankood odayaashooda waxay u sacabba tumeen iskhilaafka dhacay wexeyna sii huriyeen dabkii holcaayay.


Waa laga waayay nin ka dooda oo sidoow Cumar Xaaji Massalle ka yiri dhaqankii oda Siyaad ussuna dhaho : “war sidaan ha laga joogo oo beesha yaan Soomalida kale la nacsiinnin”.


Mareexaan haba u bixiyeen Cumar Hawiye, laakin laga dhex waayay duqowda ku beel eh madaxweyne Yuusuf nin xigmadaasoo kale qaba.


Wax ka xun ma leh odayaal beel dhan madax u wada eh ineey isu  horkacaan dulmi, eex, aflagaaddo, beela kale neceebkood, kicinta shacabkooda eey ku diraayaan dad walaalahood eh ugana been sheegaayaan.

Haddaba, durbaankii dulmiga loo tumaayay, wexeey natiijadiisi noqotay in madaxweynaha ku waayo xilkiisii ( ilaa iyo hadda weli lama hubo, laakin sasaanta sidaaseey u eg tahay ) oo iscasilaad lagu qasbo.

Waxaan is leheen waa wax iska caadiyah in oday iscasilo, laakiin waxaa billaawdeen dhibaatooyin hor leh abuuristood, in Baydhabo eey xildhibaannada qaarkood isaga dhaqaaqaan, sidoow Barlamaanka yahay maqaayad soco weysay ee leeska xiray.

Lama kala yaacin markii Cabdalla Deerow la dilay, lama kala yaacin markii Maxamed C. Maye la dilay, mexeey tahay halista hadda uun dhalatay ee hore u jirin oo cabsi xilalkii looga kala dhuunto keentay? Waa iska caddahay ujeeddada, laakin Soomaliya horeey u soco doontaa, dib u soo laabameyso waana la kala bixi doonaa, ninkii sharaf muteystay iyo kii kalaba.

Gabagabadii, markaan fassiro fikirkeyga, Mudane Cabdullaahi Yuusuf waxaa ka badbadiyeen dad beeshiisa ah, ow yac iska dhihi waayay, ilaa iyo haddana weli khalad ku sii saxaayaan khalad kale.


MADAXWEYNAHA XIGOW, CIDDAADA YEY KU SALFAN EE YAC ISKA DHEX.


MADINA AXMED MAXAMUUD
( QOORWEYNE )

 

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip