axad,cabdikariim, dee iyo abaalmarinta.jpg
Shirweynihii labbaad ee ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee K/Afrika ayaa maanta lagu soo gunaanaday magaalada Cape Town, kullanka oo ay kazoo qeybgaleen toboneeyo saxafiyiin ah ayaa looga doodey arrimo baddan oo quseeya saxaafada iyo Soomaalida dalkaasi ku dhaqan.
baakaay, saxansoxo iyo fantastic.jpg
dee iyo cabdikariim.jpg
Kullanka kadib ayaa abaalmarino shahaadi sharaf ah la gudoonsiiyey saxafi Cabdikariim Mursal faarax oo abaalmarintaasi ku muteystey farsamadiisa gacanta ee heerka saraysa, wwaxaa kale oo SOJASA uu abaalmarin shahaado sharaf ah gudoonsiiyey Saxafi Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (saxansoxo) oo abaalmarinta ku muteystey xirfadiisa saxafinimo.
faarax, axad iyo cabdikariim.jpg
fantastic iyo saxansoxo.jpg
Labbadani saxafi waxaa shahaadooyinka gudoonsiiyey Gudoomiyaha ururka Maxamed Muuse Nuur (Deeqdarajo) iyo kuxigeenkiisa Cabdiqaadir Axad Dhaqane.
Waxay noqoneysaa markii ugu horeysey ee SOJASA ay abaalmarino bixiso tan iyo intii la dhisey.
Dhanka kale shirweynaha SOJASA oo ah kii labaad oo la qabto tan iyo intii la asaasay ururka oo ay ku mideysanyihiin inta baddan saxafiyiinta Soomaaliya kasoo qaxday dhawaan.
saxansoxo iyo abaalmarinta.jpg
abaalmarinta saxansoxo iyo deeq.jpg
zaki, keyf, iyo cabdulaahi xaaji.jpg
Shirweynaha waxaa lagu falanqeeyey amuuraha saxafiyiinta iyo ururka, warbixino iyo khudbado ay jeediyiin mas'uuliyiinta ururka, waxyaalihii ururka u qabsoomey waxaa ugu waaweynaa hergalinta labbo wargeys oo lagu kala magacaabo Xog-Maal iyo Qurba-Joog, waxaana la'isla meel dhigey in dhawaan website hawada lasoo galiyo.
SOJASA, Email: Sojasa@live.com
Ururka saxafiyiinta SOJASA oo abaalmarino gudoon-siiyey saxafiyiin Somaliyed-Sawiro-
Ururka saxafiyiinta SOJASA ayaa abaalmarino gudoonsiiyey labbo saxafi oo howlhkarnimo iyo shaqo wanaag ku muteystey xirfadooda saxaafadeed, xaflad ka dhacday Cape Town ayaa waxaa kasoo xaadirey toboneeyo saxafi oo shir weyne halkaasi ugu soo xirmey.