Mudane Cabdullaahi Yuusuf, sida aan ka wada dheregsannahay wuxuu u soo maray halgan dheer iyo dhibaaato siduu mar qur ah ugu fariisan lahaa kursiga Madaxtooyada Soomaaliya. Anigu waxaan ka mid ahaa muwaadiniintii sida heerka sare ah u soo dhowaysay macaabistiisa
Madaxwaynenaha, waxaan u dhignay xaflado, waxaanna is lahayn waa nin oday ah oo qaatumo joogo oo leh taariikh hore ee madoow oo hadda doonaayo in uu ka tawbo keeno oo inta u dhiman cimrigiisa doonayo in uu Walaalaha soomaaliyeed ee kala maqnaa muddo dheer oo qalbigooda kala fogaaday isu soo dumo saasna ku nasaqo magacii xumaa ee hore ugu hirgalay; waxaan is iri afkii yiri hoogay waa kari karaa towba, laakin oda Cabdullaahi Yuuf taasi waa gaftay waxaana maanta sida aan filaayo caloolyoow ugu filan in uu iska ciideeyay cadkiisii .
Waxaa la yiraahdaa Nasiibka waa indha la’yahay mar kaliya ayuu ku soo maraa waa in aad garataa markaas maxaayeelay haddaad garan wayso waa kaa gudbaa mana heli doontid fursad dambe, waxaana maanta dhacday in oda Yuusuf uu iskaga baqoolo meesha looga fidiyay magangalyada siyaasadeed, maxaayeelay xataa ma filayo in uu sii joogi doono deegaankii uu ku dhashay oo garanayaa sharta ka imaan karta hadduu sii joogo.
Oda Cabdullaahi Yuusuf waa nin qabiilka wax wayn la ah, dad aan dadkiisa ahaynna wax uma quuro, hadduu agteenna ku ahaa oda Daarood , deegaankiisana wuxuu hoos ugu sii daadagi doonaa in uu noqdo odaga juffada hoose ee uu ka dhashay.
Waxaan filaayaa in dadka reer Puntland oo walaalaha aan nahay la fidneeyay oo meeshii aan kala joogay oo aan rajeynaynay in aan ka soo wada noqonno uu na kala geeyay meel ka sii fog;
waligeey ma aaminin qabiil wax soomaalinimo ka wanaagsan in ay meel ii aallin ayaan aaminsanaa, laakin afartaan sano uu xukunka haayay wuxuu noqday macallin aad ugu soo takhasusay maaddada qabiilka la yiraahdo oo si fiican uu noo baray, waxaa jarta ka tuuray mudane Yuusuf dadkiisa oo u sacabbo tumay, siday ugu sacabbo tumeen dadkiisii Siyaad Barre oo dadkii uu waxyeelleeyay inta iska cafiyeen ay magacawdeen odaga daarood. Waxaa la yiraahdaa Imaan aderkiis ayaa u caqli celiya, waa laga waayay oday jufadiisa ah oo isu soo taago in uu u caqli celiyo, taasina waa nasiib darro.
Haddaan u soo noqdo nuxurka qoraalkayga iyo micnaha ku hoos jira cinwaanka qoraalkayga waxaa marag ma doonto ah in Cabdullaahi Yuusuf iyo kuwa uu ku soo daadgureyay magaalada Muqdisho ay dageen jar ah in Ay noo aasaan qumbulad ay si aad ah u filayaan in ay nagu dhex qaraxdo dadkenna jooga deegaankooda.
Waxaan akhriyay in Cabdullaahi Yusuf iyo ciidamadiisa ay ka tageen hub culus, ay ka mid yihiin madaafiicda Goobta
Iyo hoobiyeyaal, iyo aaladaha waawayn oo lagu dagaallamo waxaana maqal Igu soo gaaray in uu yiri waxaan ku wareejinayaa Janaral Cabdi Qaybdiid Oo waliba la yiri Dhaxal goronyo dhabad ayaa leh maadaama uu ka soo jeedo deegaanka Cabdullaahi Yuusuf, marna la leeyahay hubka Madaxweyne Yuusuf waxaa loogu deeqaayaa qolada gafuur duubta ah ee Al shabaab si ay ugu dagaal galaan. Waxaa kaloon akhristay in Villa Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ilaaladii hore u joogtay ina Caydiid. Waa yaabee ma yaabteen? Ma garateen suntan loo qooshay walaalaha Hawiye siiba walaalaha Hiraab. Waxaa la yiri waa oraah talyaani ah oo dhahaysa “ IL LUPO PERDE IL PELO, MA NON IL VIZIO” oo micnaheeda yahay dhurwayga dhogorta waa ka dhacdaa laakin dabeecadda kama dhacdo.
Taasi waxaan ka leeyahay in dadkani reer koorfureedka ay gaareen bisayl iyo waaya aragnimo oo aysan dhacayn mar labaad in ay iska horyimaadaan dagaal sokeeye ciddii warmaha rabto in ay isugu dhiibtana ay ku hungoobayso. Waxaa noo dhisan Dawlad ku meel gaar ah, waa soconaysaa insha Allaah, hubka la leeyahayna Cabdi qaybdiid ayaa la guddoon siiyay waa hub ay soomaali leedahay, waxaana Janaraalku maradiisu ka caddaysan doonaa markuu guddoomo, asagaa shaqo ku lehe oo uu ku wareejiyo si ku meel gaar ah ciidammada nabad ilaalinta ee AMISOM ilaa laga helayo dawlad ku taagan sal adag ee ku dhisan xornimo, caddaalad iyo sinnaan. Midda Villa Somaliyana waxaan ka leeyahay waa Madaxtooyada Soomaaliya waana in aay u hawl galaan ciidammo isku dhaf ah ee Hawiye ama dadka deegaanka.
Wax walba oo noola qooshay ama noola maleegay in laga sare maro waxaa u xil saaran Madaxda Sare ee Dawladda iyo Madaxda Ciidammada, waxaan taabacsannahay hirgelinta Heshiiskii Jabuuti iyo ka miro dhalintiisa, waxaan hiigsanaynaa Dawlad loo dhan yahay oo daawaysa dhaawacyadii gaaray Ummaddani Soomaaliyeed.
Annagu haddaan nahay dadyowga ku nool deegaannada koofureed ama dadka ku abtirsada Muqdisho cidina ma eryin; madaxwayne inta fadeexoobay is casila dunida kow ma aha, waxaa cajiib ah in marka hore qabiilkiisa ku soo qulqulaan Xarunta iyo adaxtooyada haddana markuu ka dagay xukunkii fagaareeyay, oo yaa eryay?
Maxay ka baqeen, waxay ahaayeen dad Soomaali ku ab tirsada oo leh xuquuq muwaadin kasta lahaan karo, runtii falkaasi aysan ka fekerin mar hore waa ku qaldan yihiin. Waxaa kaloo yaab iyo amakaag igu noqotay, argagaxa iyo cabsida ka muuqata wararka doc ka yeerka ah oo ah, allaha idin nabad geeyo dhulkiinni hooyo, ha la qariyo ciidanka meshuu maraayo, safarka taako, taako allaha idinkaaga dhigo. Waxaa la yiraahdaa qeyriin daaqe calooshoow ka bukaa. Cabsida waalan, iyo argagaxa wax ayaa ku dahsoon, nin waliba dambiga uu galay aayaa hortiisa yaallo, asaa og markaasuu u maleeyaa in wajigiisa laga akhrisanaayo.
Waxaan u baaqayaa Odayaasha Belaha Hawiye in ay ku dadaalaan in ayaxii tagay eehiisa laga digtoonaado , midnimada la adkeeyo, wixii rabo in uu soo cusboonaysiiyo kilaafkii dhex maray walaalaha ku abtirsada USC na wixii La soo maray ha ugu filnaadaan waayo aragnimo iyo in wax wax ku ool ah lala qabsado walaaha soomaaliyeed ee u cad cad in la helo midnima Soomaaliyeed iyo Qaran sharaf leh oo soomaali oo dhan ka manaafacaadsato.
Waxaa kaloon u baaqayaa Odayaasha iyo isimada Puntland in ay ka keenaan raalli gelin wixii uu macallinka ugu noqday dadkii reer puntland uu barakiciyay una iftiimiyay colaad; waxaan leeyahay walaalo ayaa tihiin ee ku imaada waddo toosan oo daahir ah iyo idinkoo niyad xambaarsan waddaniyad iyo jacayl qaran soomaaliyeed.
WA BILLAAHI TOWFIIQ
Waxaa qortay
Faduma Axmed Maxamuud Cadde
( Qoorwayne )
Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.
AYAX TAG EELNA REEB (Faalo Aqriste)
Waxaa goor dhowayd na soo gaartay in Madaxwaynihii Dawladdii Federaalka uu is casilay oo ka dagay jagadii Madaxwaynennimo oo loogu soo doortay Magaalada Nairoobi. Arrintani waxay ahayd mid la sugaayay waxaana ay ku timid sida la leeyahay cadaadis