Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka iyo dibaddiisaba , waxa ay si cara leh ay uga muujiyeen xaaladan jahwereerka ah ee Al-shabaab wadaan , taas oo ayba ku sifeeyeen in ay tahay Tir tir lagu wado Aathaarta Umadda Islaamka ah , iyo mashaaikhdii diinta Soomaliya soo gaarsiisay iyo waliba ihaanno diinta loo gaysanayo, ayadoo dadweynaha Soomalida ahi ee dalka jooga gobol walba ay iska abaabulayaan si ay uga nadiifiyaan Soomaaliya Al-shabaab oo looga bartay maalmahaan xabaalo qodid.
Xoogaga Al-shabaab afayeenno u hadashay , waxa ay ku sheegeen in qabuurta saalixiinta la caabudo , balse hadalkaasi waxaa si dag dag ah uga jawaabay culumada Ahlu-Aunna Wal-Jamaacah meel walbaa oo ay dunida ka joogaan , ayagoo sheegay in aan qabuurta la caabudin oo ilaah mooyaane wax kale oo lala simaa aysan jirin xaaraanna tahay..
Soomliya ayaa markaan mooddaa in ay cagaha la gashay , dagaal u dhaxeeya Ahlu-Sunna Wal-Jamaacah iyo Al-shabaab , ayadoo dagaallo lagu hoobtay ay ka dhaceen gobollada dhexe ee Somaaliya , sida laga wada warqabana Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ah Ahlu-Sunna Wal-jamaacah, dadkuna waa dad dariiqo ah oo ab ka ab ah , waligoodna soo jiray , jiridoonnana , haddii lala dagaalamona waxa ay noqonaysaa adigoo diinteenna sharafta leh ee muqaddaska ah la dagaalamay .
Cududda milatari ee Ahlu-sunna Wal-jamaacah ayaa waxa ay dad badani oo qabay in Shabaab ay adagyihiin halkaasi ku hingoobay , oo runtii ay noqotay waxa ay Soomaalidu isla dhexmartoo ah Al-shabaab wax iska dhiciya oo qori kala hortagaa ayey la'yihiin , hasa yeeshee Jayshka Ahlu-sunna Wal-jamaaca waxa u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan magaalooyin badan oo ku yalla gobollada dhexe sida ,Guraceel, Dhuusamareeb,Galinsoor iyo kuwa kale oo ay horay Al-shabaab gacanta ku haysay.
Sida uu ii xaqiijiyay Gaashaanlle sare oo kamid ah saraakiisha hogaaminaysa Ahlu-suuna Wal-jamaacah Sh. Maxmed ayaa waxa uu ii sheegay ciidanka Ahlu-sunna Wal-jamaaca in ay u sii shiraacdeen ama u ruqaansadeen gobollo iyo magaalooyin kale oo ay rabaan in ay Shabaab-ka jooga cagta mariyaan , maamulna u sameeyaan , amnigana adkeeyaan , wax umaddu ku faraxdana sameeyaan Insha Alaah.
Shiikhu waxa uu intaasi sii raaciyay , culumada Ahlu-sunna waa kuwa nabadda lagu yaqaan , burburka dalka meysan kasoo qeebqaadan , ayagu diinta ay fidiyaan oo ay dadka baraan , dagaalkanna waa mid aan u soo daliishanayno xadiiskii Nabigeenni suubanaa SCW ee ahaa , Naftaada difaac , Maalkaada Difaac , Ehelkaadana difaac , waana dagaal ay diinteenu na farayso,qabiil maha, mana aha mid ay culumadu xil iyo jago ku raadinayso , kaliya waa mid la rabay in ay culumadu mar hore qabato oo laga seexday , balse hadda ayaa loo soo jeestay oo wadaad walba oo akhrinjiray kutub waxa uu ku joojiyay sadarkii iyo boggii iyo fasalkii uu ku jiray , ayadoo markaan gaashaanka loo daruurayo nimanka baadilka wadaa ee ah isbahaysiga shaydaanka iyo la dagaalanka Islaamka ee lamagac baxay al-shabaab, nimankanna waa mufsidiin , fasaad ku wada soomaliya iyo umadda islaamka ah , waxayna wataan calaamadihii lagu yaqaanna nimankii la oranjiray KHAWAARIJ , oo joogtay xilligii khaliifkii waynaa ee (Sayidaa cali karamallaahu wajha), waana kuwii dilay isaguna uu laayay .
Mar aan waydiiyay sargaalka Ahlu-sunna u hadlay , Al-shabaab waa ciidan quwad weyn oo xoog leh , sidee ayaa rabtaan in aad ula dagaalantaan oo u wajahdaan ? waxa uu ku jawaabay : ( Adeer intii saacadood ee aan gobollada dhexe kula dagaalannay waad ogeed , waana alle mahadii , waxaana ka raacay jab iyo halaag, meedadkoodi oo leh Soomali iyo Ajnabi leh, ilaa iyo hadda wadooyinka ay daadsanyihiin, marka nimankaasi waa jabeen, muddo aan dheereen gudaheedda ayaan uga nadiifinaynaa Soomaaliya oo dhan haddii Eebbe idmo.
Gashaanle sh. Max'ed waxa uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey tixdan oo uu ula jeddo , culumada Ahlu-sunna Wal-jamaacah waxa ay la soo dirireen gumaystihii dalka uma daahayaan al-shabaab waxa uuna yiri (HASHAAN GAADO WEYNOOW LIBAAX UGA GABAN WAAYEY IN AAN GORONYO COWL UGA TAGAA WAA WAX SOO GUDHAYE)
Isku soo wada duuboo, Ahlusunna Wal-jamaacah iyo Al-shabaab ayaa markan caalamka indhaha uu ku hayaa , gaar ahaan shacabka Soomaaliya , Ayada loo wada joogo halka ay saldhigato iyo meesha uu gunaanadkeedu noqdo .
N.B : waxan idiin ballan qaadayaa hadba xaalku meesha uu marayo in aan maqaal saan oo kale ah ka diyaarsho , insha alah .
W/Q: Wariye Axmed Mahdi Maxmed (khadar)
Tel: +256-777050100 ama +254-728397424
E:mail : axmedmbc@hotmail.com Ama axmedmbc@yahoo.com
Kampala-Uganda
Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah hasayeeshee mas'uul kama aha.. Mahadsanid
Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.
MAXAA KALA HAYSTA AHLU-SUNNA WAL-JAMAACAH IYO AL-SHABAAB !!!! "Faallo"
Tan iyo markii ay soo if baxeen , arimaha ku aadan qabuuro fagashada mashaaikhdennii waaweyneed ee soomaaliya iyo iska gaaleysiinta dadka islaamka ah ee diinta xammbaarsan oo aan loo aabe yeeleen kuna dhaqan soomaaliya , oo ay ku kacayaan Al-shabaab