Tan & 1960kii Xornimo qaadashadii lagu hoogay ilaa wakhtigan aan joogno ee 2009ka, waxaa dadka Somaliyeed ay ku soo jireen daawashada Riwaayado badan oo midba nooc & ujeedo gaar ah laga leeyahay.
Riwaayadahaasi oo wali socda dhibaatooyin badan oo naf & maalba lehna ku haya, Ummada Somaliyeed.
Riwaayadihii hore waxaa ka mid ahaa, Dowlad Shacabkeeda khiyaaneeysa oo Caalamkana khiyaaneeyso. Waayo waxay isu ekeeysiisay si Caalamka u aqoonsado dowladnimo. Laakiinse waxay ahayd waraabe dhiig miirad ah.
Beelo gaar ah ayaa lagu quudin jiray canshuurta laga uruuriyo shacabka. Waxaa kale oo beel gaar ay jeebka gashan jirtay, Khayraadka dalkeena oo bad & bariba leh. Beelaha kalana gaajo & darxumo ayey dariiqyada u xooranaayeen.
Riwaayadaasi waxay dhamaatay 21kii - October 1969kii.
Markii ay dhamaatay waxaan hadana u tikidho jaranay, Riwaayad cusub oo aad & aadna qaali u ahayd. Bacdamaa Riwaayadii 1aad ay si aad ah ay dadku oga xumaadeen waxay is yiraahdeen aleeylehe waa midan tii aan si fiican ogu raaxaysan lahayn, oo na hilmaansiin doonta wixii midii hore dhexdeeda nagu qabsaday oo dhib aha. Waa bilabatay Riwaayadii labaad waxayna bilaabantay 21kii - October - 1969kii.
Waxay ku bilaabantay si dadku ay u bogeen oo ay jecleysteen. Waxaana ka mid ahaa wax yaalihii ay dadku jecleysteen oo soo jiitay, Qabiilkii oo loo sheegay in inta god wada jir ah loo qodo lagu soo aaso. Ayada oo ay dadka Somaliyeed dhibkooda ogu badan ay u arkaan in uu ka imaado dhanka Qabiilka, ayeey fursad wanaagsan u noqotay atoorayaashii Riwaadadaasi labaad jilayey. Waxaa kale oo ka mid ahaa wax yaalihii dadka Somaliyeed soo jiitay in loo sheegay in shirkadihii gaarka loo lahaa ay dowlada la wareegtay. Arintaas oo dadka qaar ama badankiiba ayba u ciil qabeen. Waayo waxay ogu ciil qabeen tii hore ayaa xoolo ay dhacday oo cashuurtii Shacabka laga ururiyey & dhamaan kharaadkii dalka & wixii deeq ah ee Caalamka ogu deeqi jiray dadka Somaliyeed oo Beeshii xukunka haysay ay Shirkado gaar ah ka sameysteen.
Waxaa xigtay Riwaayad lagu soo sameeyey dalka Jabuti magalada Carta. Waxay Somalidu tirahdaa nin aan maamuli jirin haduu maamulo, nin aan qadi jirin ayaa qada, ama hadii aan si kale u iraahdo, nin aan wax qaybisga ku fiicnayn haduu wax,baan dadka u qaybin yiraahdo nin mudnaa ayuu wax la aan dhigaa.
Wuxuu ku fashilmay qaab dhismeedkii dowlada. Waxay ka baxday balamo badan oo la isku ogaa. Sidaas darteed
Magaaladii Carta ee lagu dhisay ama lagu sameeyey inta ayanba ka soo bixin ayeey ku dhacday ama ku fashilantay, oo Qof walba meesha uu joogay ayuu ka nacay inta ayanba soo gaarin magalo madaxda Somalia ee Muqdisho.
Riwaayadihii Ali Mahdi & M F, Aydiid, midnina fursad lama siinin. Sidaas darteed wixii ay noqon lahayeen cid wax ka sheegi karto ma leh.
Riwaayadii Inbigaati, Kenya, dowladaha IGAD la isku yiraahdo ayaa noo dhigay waxayna ka shaqeeyeen ama ujeedadooda ahayd, sidii ay Somali dabe isugu imaanin. Inta ayan Nairobi ka soo bixina Qof walba oo Somali xalaal ah meeshiisa ayuu ka nacay, Somalida qaarna dagaal gacanta ah ayeeyba ka gaartay, si aanan wadankooda Riwaayadaasi foosha xun aan loogu dhigin.
Hadaba Atoorihii Riwaayadii Nairobi, Kenya waa dhaqaaqay, ka dib markii Riwaayadiisa ay suuq weyday oo ay dadkii diideen in ay soo galaan.
Riwaayad Cusub.
Hadeer waxaa nagu soo socota Riwaayad Cusub oo xiiso badan, dadkuna badankiisa laga yaabo in ay jeclaadaan.
Waxaa Atoorre ka ah, nin aad & aad loogu han weynyahay, Qof walbana wuxuu rabaa in mar,uun uu daawdo Riwaayadaasi uu Atoorrahaasi ay dadku jecelyihiin, uu jilayo ama dhigayo.
Waxaan sugnaaba waa Riwaayadaasi cusub & sidii ay ku bilaabanto.
By, Mohamed Omar Osman
North America
sooraac@unhs.us or world9peace@yahoo.com
Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah hasayeeshee mas'uul kama aha.. Mahadsanid
Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.
Somaliyeey, Riwaayad Run ah ma isu dhignaa? (Qormo Xiiso Badan)
ACWW. Waxaan marka hore salaanmayaa dhamaan Ummada Somaliyeed ee wanaaga u jecel ah meel ay joogaanba. Waa Qormo aan ogu magac daray Somaliyeey, Riwaayad Run ah ma isu dhignaa?