Ingiriiska oo xaqiijiyay joogitaanka ciidamadooda ee Muqdisho
- Visits: 1214
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Dowlada Ingiriiska ayaa si rasmi ah Ushaacisay tuhuno indhawaalaba lala xiriirinayay kadib marki magaalada Afgooye lagu arkay ciidamo lashegay iney udhasheen dalkaasi Ingiriiska. Ciidamada kasocda dalka Ingiriiska ee kusugan gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayeey dowlada Ingiriiska kusheegtay tiradooda 10-Askari kuwaasi oo qaarkoodna laguba arkay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.
"Amar uma haystaan inay dagaalamaan, balse howshoodu waa inay ciidamada AMISOM ka caawiyaan dhinacyada isgaarsiinta iyo caafimaadka," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Britain.
Xarakada Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay dagaallada ay kula jirto AMISOM ay gacan, balse ma jirto beenin iyo rumeyn kasoo baxday dhinaca dowladda KMG ah iyo taliska Midowga Afrika.
Ciidamada DKMG ah oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa waxay Xarakada Al-shabaab kala wareegeen degmooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Afgooye iyo Balcad oo daris la ah Muqdisho.
"Waxaan Soomaaliya u dirnay ciidammo kooban oo ah la taliyeyaal iyo caawiyaasha ciidamada AMISOM," ayaa laga soo xigtay afhayeenka u hadlay wasaaradda difaac dalka Britain.
Arritan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xilliga DKMG ah uu ku eg yahay bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo xilligaas kaddib la dooran doono madaxweyne cusub iyo baarlamaan cusub, kuwaasoo daaha u furaya dowladda joogtada ah ee ay Soomaaliya yeelanayso.
Ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka, Jabuuti, Burundi, Uganda, Kenya iyo Sierra Leone ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo la shaaciyo inay gacan ka helaan ciidammo caddaan ah oo howgalka qayb ka ahayn.
Ingiriiska oo xaqiijiyay joogitaanka ciidamadooda ee Muqdisho
Dowlada Ingiriiska ayaa si rasmi ah Ushaacisay tuhuno indhawaalaba lala xiriirinayay kadib marki magaalada Afgooye lagu arkay ciidamo lashegay iney udhasheen dalkaasi Ingiriiska.