Muduloodow Tigreega Wuxuu Ku Maah-Maahaa "Xuunow Hadii Sida Shinida Malab Dhaleyn Ha I Qaniinin"

0
Sunday January 04, 2009 - 21:29:15 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muduloodow Tigreega Wuxuu Ku Maah-Maahaa "Xuunow Hadii Sida Shinida Malab Dhaleyn Ha I Qaniinin"

    Marka hore waa idin salaamaa Waxaa maalmahaan ku soo badanayo Qoraalo la isku Aflagaadeynayo oo iska soo horjeedo laguna Matalayo Maxamed Dheere iyo Nur Cade,Cali Mahdi Arintaan waan u kuur galney aniga iyo rag kale waxaa noo soo baxdey in nala soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore waa idin salaamaa Waxaa maalmahaan ku soo badanayo Qoraalo la isku Aflagaadeynayo oo iska soo horjeedo laguna Matalayo Maxamed Dheere iyo Nur Cade,Cali Mahdi Arintaan waan u kuur galney aniga iyo rag kale waxaa noo soo baxdey in nala soo dhaxgaley oo Dad aan Beesha u dhalan ku badan yihiin Qoraalada Nalooga Dhax-masageysanayo si naloo kala qeybiyo


 Hadaba walaalaha haka digtoonaadaan waxyaalahaan oo hada ka hor naloo adeegsadey wixii khilaaf ah oo siyaasiyiinta ka dhaxeeya ayaga ayaa Xalisanayo sida caadada ahaan jirtey aan u deyno weligeen Qurbo joog ayaan eheyn Cidana wey dhaqmeysey qofkii fikir wanaagsan haayo haku gudbiyo sida ku haboon
 

Uma xumin reer ahaan xaalada wadanka ka jirta dadaalo badan oo wax lagu hagaajinayo ayaa socdo mas'uulayiintii dirirta ka dhaxeysey wey heshiiyeen waa wada daawaneyney Shiikh Shariif waxaa soo dhaweeyey Nur Daqle,Salaad Cali Jeele iyo Dhagax-tuur cid walba wey ka dharag-santahay waxa ka dhaxeeyey
 
 Isfahan la'aanta waxey ka jirtaa Dadka qaar ayaa u kala soocneyn isbadalka ku yimid Siyaasada Soomaaliya waa la soo dhaafey waqtigii Beel walba gaar u taagneyd oo sameysatey Urur Siyaasadeed sida aan horey u eheen Garabka USC-SSA maanta xaalada wey ka duwan tahay Dowlad ayaa jirta Caalamka ayaa Gacanta kula jira C/laahi Yuusuf iyo Cali M.Geedi kama soo go'in iney iskood isku Casilaan waa lagu qasbey
 
 Tan kale oo muhiimka ah waxey dagaalkii beelaha wuxuu isku badaley mid Diimeed waa ogtihiin waxa ka dhacay Magaalada Muqdisho tan kale
Siyaasiyiinta madaxda ah oo u dhashey Beesha anaga ma dirsan ayagaa Xariiftamey oo isgeeyey marka waxaa moodaa iney waxaas oo dhan naga maqanyihiin
 
waxaa ugu sii daran kuwo Aqoon yahano isku sheegaye oo ku been Abuuranayey iney wakiil u yihiin Tolka oo shaley ayagoo LONDON jooga soo wacdey idaacada Banadir oo aan garaneyn waxa ay ka helayaan Fidnada ay ka dhax abuurayaan Dadkooda 
 
 Ugu dambeyn Taariikhda waxaa loo keydiyaa in laga faa'ideysto Qof kasta dib ha u xasuusto wixii soo dhacay waad ogtihiin Dagaaladii ka dhax-dhici jirey Hogaamiyaashii kooxaha ee Mudulood in lawada nolaan waayey oo lakala Qaxay oo dadka aan ugu liidaney marka kuwa ku fikirayo in taas oo kale noo soo celiso waxaa leeyahay Iimaan-keeda Allahageliyo "TIGREEGA WUXUU KU MAAH-MAAHAA "XUUNOW HADII SIDA SHINIDA MALAB DHALEYN HA I QANIININ" hadii aan wax ku biiri karin ka aamus.
 
wabilahi towfiiq
 
W/D. X.MAXAMOUD
moalinm2us@yahoo.com

Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip