II) Q waa in dib lahabeeyaa manaahijta waxbarasho ee dlaka si looga nadiifiyo waxyaabaha abuurikara xagjirnimada .lana helaaa manhaj saxiix ah oo wadaniyada kudhisan oo aan kudhisneen waxa caadifad ah ama laablakac tusaale markii ay
dagaalamayeen dowaldda iyo maxaakiimta waxaa lasoomarin habaabiyay ardaydii waxkabaraneysa dugsiyada sare ee mogdisho waayo waxaa labaray intabadan manhaj xagjir ah markaas ayay Somali dhexdeeda uu dhexmaray dagaal lahuwiyay shaar diimeed ..waadagaalkii beydhabo.
III) ardayda waxbarasahda dhameysay waa in loofuraa siminaaro iyo doodo ..kahadlaya in culuumta jaamacadda aysan aheyn mid dhameestiran waayo waxa ay aaminaan ardayda dhameesatay jaamacadaha qeebata shareecada in ay kafiicanyihiin culimadii hore oo ay qaateen shahaadooyin iskugu jira phd.iyo dr . taas maahan manhaj sax ah waxaana dhacday in arday kasoobaxday jaamacadaha ama madaarista sare ey si indhola'aan ah u foolxumeeyeen islaamka ..ama ay fuliyeen qaraxyo. Meesha ardayda kasoobaxda masaajidyada ee xalqaadka culuumta islaamka ee somaliya
masaajidyadeeda lagubarto eysan suurtagal aheyn in ay fuliyaan falal waxyeeleenaya dalka iyo dadka .Somaliya sida dhcaday …oo xerta somaliya kawaxbarata marnaba kama aysn qeebqaadan dagaaladii kadhacay somaliya …
IV) waa in lahanuuniyaa qalabka warbaahinta waayo .. waxaa socda mashaakilooyin badan oo kadhacay caalamka islaamka sida falastiin iyo afgaanistaan iyo ciraaq iyo meelokale taasoo ubaahan in loohelo xal degdeg ah iyo in muslimiinta ay midoobaan oo ay sooceshtaan sharaftoodii iyo karamadoodii ..marka taas ayaaa qalabka warbaahinta
waxa dhacda in ey baahiyaan cabashooyinka reer falastiin iyo meelo kale kadhacaya ..markaas ayay inta aaminsan fikradaha xagjirnimo meelkasta oo ay joogaan ay kudhaqaaqaan is-biidaamin iyo is-qarxin..
V) waa in labuuxiyaa jaanisyada ay leeyihiin dhalinyarada oo loo abuuraa shaqo iyo waxbarasho waayo jaaniska aan laheyn cibaado ama shaqo wacan ayaa sababikara in lagu abuuro dhalinyarada fikrado xagjirnimo ..
VI) waa in dowladaha jira ay abuuraan barnaamijyo islaaxinaya dhalinyarada .
VII) waa in familka ey koontaroolaan caruurtooda oo ey kaxifdiyaan waxkasta ae waxyeeleenkara mujtamaca dhexdiisa sida xagjirnimada ..
VIII) waa in fahamka iyo policiyada iyo falsafadaha culimada ahlusunnah waljamaaca ee somaliya lagudhaqmaa waayo waxa uu farayaa wada noolaansho iyo is-xushmeen mana jirin wax dowr ah ee culimada suufiyada ee dagaalada somaliya ey kulahaayeen waayo waxa ay aaminsanaanyeen in aytahay musiibo …marka majirin culimo suufiya ah ama ku abtirsata ahlusunnah waljamaaaca oo dagaaladaas qeeb ama lug kulaheed ..balse waxa jirta in dowr wacan ay kaqaadanjireen sidii xal loohelilahaa xal somaliyeed …
IX) waa in laqabtaa shirar iyo doodo lagu wacyi galinayo dhalinyaradaas oo fahamka khladan aaminay ..
X) waa in heyadaha iyo ururada bulshada ay qeebkaqaataan sidii dhalinta lamarin habaabiyay loo dhaqancelinlahaa …
XI) waa in lasuubiyaa gole culimo oo gaashaneysa khubaro ku takhasustay taariikhda jamaacaadka islaamka ku abtirsada oo falanqeeya umuuraha iyo asbaabaha xagjirnimada sababikara.
XII) waa in ladaabacaa kitaabo kusocda manhajkii slafu saalix oo faham wanaagsan lahaa ..si lootarbiyeeyo dhalinta maanta oo loobaro cibaadada iyo tarbiyada saxda ah..
Naseexooyin Muhiim ah ..
1- waa in la ixtiraamaa culimada takhasuska u'leh diinta ..waxaan ugu naseexeenayaa sxbda xagjirnimada aaminsan in ay ixtiraamaan culimada diinta kutakhasustay ,waayo madhicikarto in dr ama engineer uu dhaho diintu waa afcarabi waan fahmikaraa ee maxaa loogabahanyahay sheekh iyo culimo ,taas waa ixtiraam la'aan waxaana larabaa in Dr-ku uu weydiiyo culimada… sida dhacda shacabka caadiga ah marka ay jiradaan oo ay u'baahdaan Dr-ka , kawarama haddii ay dhacdo in Drkii la ixtiraami waayo oo ruuxkasta yiraahdo waan ujeedaa dawadii oo farmashiyaha ayay taalaa ama yiraahdo waan aqrinkaraa afenglishka oo uu soo qabsado dawado loogutalagalay foosha haweenka halkii uu rabay in uu hergab uu daweeyo ..marka waxaa muhiim ah in la'ixtiraamo dadka ahalka u'ah culuumta islaamka .sida taariikhda kucadna waa
sidaas. قال تعالي (:- ( فأسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)
2- lanoolaada dadkiina…oodadkiina kudhexjira:-
Waxaan ugu naseexeenayaa reer xagjir in ay dadkooda lanoolaadaan oo aysan kadhexbixin ..waayo waxfiican maahan in mujtamaca aad kadhexbaxdo ee sida culimada iyo asxaabta lagu yaqaanay waa tawaadhuc iyo kudhexjiridda mutamacooda ee maahan in ay aqoonta yar ay kaasaarto mujtamaca .
3— malada u'wanaajiya shacabka :-Intabadan waxaa dhacda in dhalinyarada aaminsan xagjirnimada in ay inta aan ayaga aheyn ey u'aaminaan in aysan wanaagsaneen oo tusaale ruuxa sigaarka caba ama qaadka cuna ama ficilada aan siiweyneen suubiya ay islamarkiiba dusha uga tuurayaan lacnad ama canaan sababeesa in ay kusifeeyaan
diinlaawey.
Oo ficilkii uugalay ee yaraa ay suurtagaltahay in ay kagajawaabaan danbiyo kaween ..taasna waa xagjirnimo in dhola'aan ah ..mana ahan dhaqankii suubanaa ee n.c.s.w. ee sida dhacday (ninkii cabay khamrada uu .n.c.s.w. kufilayay xukumkii islaamka ..ayaa asxaabta qarkamida ah lacnad kurideen .markaas ayuu n.c.s.w. kudhahay ha ku saacidinina sheydaanka waxaana uu jecelyahay ilaah iyo rasuulkiisa c.s.w.) iyo tusaalooyinkale oo farobadan.. waxaana qur'aanka kucad in malada qaarkeed aytahay wax xuntahay . ..marka lamarabo in uu ruuxu raadraaco ceebaha muslimiinta iyo cowraadkooda .waxaana sidookale muhiim ah in uusan waxa owsan arkin ama uu san maqlin uu san raacraacin ..taas ayaan kubadan asxaabta xagjirnimada aaminsan..
3- in lawadahadalo :- fikradda ah in lawadahadlo waxa ay meesha kasaareesaa xagjirnimada waayo waxaa uu ruuxaas oo kale aaminsanyahay marka hadal uu yimaado ayuu waxbadan fahmayaa balse inta uu saaxada wadahadalka uu kafogyahay waxaa jirta in ay siisiyaadeeso xagjirnimada .. wadahadalka waxaa qaba islaamka ee dhaqankaa
halagu cilaajiyo mushkiladaha jira oo waxaa jira qaacidada dhaheesa ( waxan iskuraacsanahay aan kushaqeyno –ayadaanabadan—waxaan iskukhilaafnay aan farahakaqaadno –ayadaan yar…..waa in taas laga ambaqaadaa.
5 - waa in lasahlaa diinta :--
Waxaan ugu naseexeenayaa asxaabta aaminsan xagjirnimada in ay faraha kaqaadaan ad adeega siiba marka ay ladhaqmayaan shacbi weynaha oo ay farayaan shacabka waxa aysan awoodin ,maxaayeelay diinta waa yusri maahan mid culus ..eebana waxa uu nalarabaa waa fudeed ….ninka waacidka ah waa in uu shacabka kuladhaqmaa si yusri iyo naseexo ay kujirto …..قال تعالي :- يريد الله بكم اليسر ولا يريد بكم العسر
6--- si xikmadeesan diinta u'faafiya :- Tankale waa in laraacaa manhajkii n.m.c.s.w. oo ahaa midkudhisan xikmad ..taas ayaa inbadan lagu soo islaamiyay oo gaalo ahaa markii hore kuwakalena oo diidanaa islaamka lagu soogaliyay diinta ..waxaa xikmadda iyo dood wanaaga kamid ah in mawaadiicda la iskuraacsanyahay lagu camalfalo .kadibna
loosii galo mawaadiicda khilaafku uu kajiro
7— waa in lajoojiyaa culuumta lagaqaadanayo joornaalada ( SAXAAFADDA )…
waxyaabaha cilmi yarida abuura waxaa kamid ah in dhalinyarada eysan kaqaadan culuumta culimada takhasuska u'leh balse joornaalada lagu sooqoray mawaadiic yaryar ayay kaqaataan culuumta taasna maahan way fiican ..sida badan cajaladaha iyo interneryada iyo paltokyada iyo c-C-d-yada ayay kaqaataan culuumta ..waa tilaabo khaldan oo ubaahan in lasaxo ..waayo culuumta islaamka wax ay leedahay qeebo badan sida nahwaha..sarfi..taariikh..tafsiir..xadiith..musdalaxul xadiith ..fiqhi..
tasawuf.caqiido.iyo waxlamid ah intaas oo idilna kamatarjumeyso in lagaqaato culuumtaas oo dhan joornaal ama idaacad ama internet…tan waxaa sababay in ay nacebyihiin culimada suufiyada oo culuumtaas oo dhan ilaah uu kumanadeystay islamarkaan ah kuwa macalimiinta u'ah shacabka somaliyeed..oo qur'aanka iyo culuumta kalaba ayagaa ayaa bara shacabka ..ee (dadka culuumta yaqaano weydiiya haddii aadan wax aqoonin ) ayuu ilaah leeyahay subxaanahuwatacaalaa…فاسالو! 5; أهل الذكرر إن كنتم لا تعلمون-
HASSAN MO'LIM MAHAMUD SAMTAR HASSAN ALBASRI
e-mail.(xalbisri2@hotmail.com)
shiikh hassan Alabisri
Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah hasayeeshee mas'uul kama aha.. Mahadsanid
Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.
Sidee Loo Xakameenkaraa Xagjirnimada Ururka Al-Shabaab?? by sh.hassan albasri
1) dhalinta lamarin habaabiyay :-- waa in labaro culuumta diinta ee kasocoto xalaqaadka masaajiyada somaliya … maxaayeelay waxaa waxbaraya culimo diinta siwaca utaqaana waxaana ay kuxirayaa diinta oo xagjirnimada an xiriir lalaheen …