Dhibkani in uu jiro buuggaba iiguma qornayn oo layska dabaqaadanayo. Haddaan ka muujiyay shucuurtedada waxna aan ka sameyso af iyo addin aanhaan nin tolka ah oo walibo nin madax ahaa oo amxaaro gacanteeda ku jira dambe miyaa?
Maxaa dhaqso qabiil faraha loola galay iyo wax meesha aan ku jirin? Waxaan Ummadda oo dhan gaarsiinayaa in ay ii sharaftay in aan u hiiliyo Maxamed Dheereislamarkaana aan u hiilinaayo nin walbo oo SOOMAALI ah oo cadaw fara ugu jiro.
Soomaalida dhexdeeda waxaa ka jira qolo ku neefsada qabiilka oo mangaab ah. Waxaa iigu daran oo aan la yaabbanahay been abuurka laga sameeyay qoraallada aniga iyo walaasheen Madiino;
haddaan muujinay shuruurtayna ku salaysan xarigga Maxamed Dheere ujeeddada miyaa in aan neceb nahay Nuur Cadde? Saas maha, taasi waa dulmi iyo manaafaqnimo waana xaaraan in layska been abuurto. Nuur Cadde waa nin aan jecel waa nin annaga haddaan nahay reer Qoorwayne noogu fadhiyo qiimo farabadan.
UmmaddSoomaali-yeed inta damiirka leh oo nabadda jecel awaa rabaan nabadda waxayna taageraynaa mabda'iisa ku salaysan nabadda iyo
isu soo dumidda soomaalida ee Nuur Cadde.
Qoraalkayga waa ogeysiis ku socda inta runtii doqonta ah oo naga been abuuraysa doonaysana in dadka nadiifka marin habaabiso. Nuur Cadde waa adeerkeen waxaana naqaannay inta aan baran Maxamed Dheere, waxay ahaayeen walaalo run ah asaga iyo janankii na dhalay ee Qoorwayne way isla soo hana qaadeen waxay ka wada tirsanaayeen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kuna wada gaareen darajo sare.
Waxaa kallifay bayaankaan in markii aan qoraallada ka sameynay xariga Maxamed Dheere oo u kululaanay ayaa dad badan afka nala soo galay oo waxaan meesha ku jirin soo hindistay oo qabiilkeenna afka la galay.
Waxaa hubaal ah qofkastana u sheegayaa haddii ay jiraan dad xalaah ah oo saafi ah waa annaga, waxaana taageeraynaa wax walbo oo wanaagsan oo dan u ah Soomaaliya, qabiil agtayna qiimo kama laho waxaa tusaale cad ah in ayadoo Cabdullaahi Yuusuf lagu colaadinayo ma rabno nin daarood ah mowqifkeenna caddeysannay kaasoo ah in qof walibo oo soomaali ah na xukumi karo,
waxaan aaminsanahay soomaalida ay wada walaalo tahay;misana markaan arkay oda Cabdullaahi gurracnaantiisa waa kala noqday maxaayeelay hoggankiisa wuxuu noqday mid aa kor loogu kacayn. Waxaan ku nuuxnuuxsanayaa in doqonta wax ma garadka ah joogiso warka beenta ah oo raqiiska oo ay faafinayaan arrintaasoo ka tarjamaysa bushi uga jira caloosha Ilaah ayaana daawayn kara.
Sidoo kale Sheekh Shariif iyo Dhagaxtuur waa walaalahay, hadday nabadda qaateen waa dad na anfaya ayagana yaan lagu beer laxawsani waa kulligoon Allaha daayeen niman naxaankeey ah oo aan la jeclahay jritaan iyo wax walbo oo wanaagsan.
Soomaali waa dad aan badnayn oo dhibaataysan oo dhibkooda maalin walbo soo cusboonaanayo asagoo wajiyo kala duwan leh, waa dad aan isu maqnayn oo is ugaarsanaya oo maalin walbo is dilayaa, Soomaali ma dhamma kuwa qabiil isku dila meel qur ah ayeey ka soo wada arooraan,
Ilahay waxaan ka baryaa in beerkooda burcad isu mariyo. Waxaan kaloo Ilaah ka baryaa in heshiiska Jabuuti uu noo noqdaa mid mira dhaliyo,waa aageersan
nahay 100%. Gabigabadii ujeeddada qoraalkani waxaa waaye in aan maradeyna ka cadaysanno waxa dadka mariidka caloosha u dhex yaallo sheegayaan,
AXYAA SOOMAALIYA
waxaa qortay
Faduma Axmed Maxamuud Cadde
( Qoorwayne )
Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah hasayeeshee mas'uul kama aha.. Mahadsanid
Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.
OGEYSIIS: DADKA WAA XAARAAN IN LAGA BEEN ABUURAA (Qormo Aqriste)
Ayaamahan waxaa socday qoraallo layskugu jawaabayo oo ay ka muuqdeen cadaawo iyo wax dilaayo qadiyadda beesha an ka dhalannay.