Qaybta 3aad ee qoraalkii: "Daroogooyinka waxeey keenaan dhibaatooyin aan laga kabsanin waligood"

0
Monday January 12, 2009 - 20:21:51 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2006
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybta 3aad ee qoraalkii: "Daroogooyinka waxeey keenaan dhibaatooyin aan laga kabsanin waligood"

    Qaybta sadaxaad ee qoraalkii: "Daroogooyinka waxeey keenaan dhibaatooyin aan laga kabsanin waligood" Qisadii oo sii socota…… Waxaa soo baxay wiilkii iyo ninkii booliiska ahaa garbaha is heeysta, oo isla qoslaa!! Gabadhii a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybta sadaxaad ee qoraalkii: "Daroogooyinka waxeey keenaan dhibaatooyin aan laga kabsanin waligood" Qisadii oo sii socota…… Waxaa soo baxay wiilkii iyo ninkii booliiska ahaa garbaha is heeysta, oo isla qoslaa!! Gabadhii afka ayeey qabsatay, waxeeyna is weeydiisay waxa uu wiilku soo siiyay ninka booliiska ah oo laga sugaayay inuu daacad u noqdo bulshada oo masuulka ka yahay, una shaqeeyo?

 

Waxaa la hubaa in booliiska dowlad kasta iyo gangiistarada keena daroogada oo ah muqaaraad mamnuuc ka ah dal kasta ee dunida ka yaalo in ay xariir wanaagsan leeyihiin, taasna ay tahay halka sabab oo ilaa hada si kasta oo loola dagaalamay in daroogooyinka loo sooliyo ay u suurtgali weeysay. Nimanka daroogoooyinka keena waddamada Galbeedka waa niman xariir wanaagsan la leh booliiska xuduudka dalalkaas joogo, dabcan qarash wax ku ool ah ayeey siiyaan oo lacagta laga helo daroogada tiradeeda waa mid aqligu diidaa.

Daroogada waxeey noqotay halka shay ee maantay dhalinyarada soomaaliyeed u diiday in ay waxbartaan, horayna u socdaan. Dhalinyaro aan la xisaabi karin ayaa u shaqeeya gangiistarada gada daroogooyinka ayagoo raba in ay lacag ka helaan, balsa og qatarteeda oo aan isku isticmaali doonin, waasa ay isku sheegaan markay ka mid noqonaayaan kooxdaase!

 Laakiin nasiib darro dadka daroogooyinka gada waa kuwa ugu daran ee isticmaala daroogooyinka, isla markaasna aysan u suurtgelin doonin in ay iska joojiyaan, ileen horay ayaa horay" Dawaco meeshay baruur ka barateey macluul ugu dhimataahe!"

Dhalinyartaas ayagoo hunguriga iyo dhaqaale badsi doonka ah ka mid noqda kooxda daroogooyinka gada waxeey cadaw ku noqdaan inta kale, maadaama ay ayaga mustaqbalkooda dhumiyeen, oo mugdi galay ayeey dhalinyarta kale oo weli caafimaadka qaba ku faafiyaan cudurkaan, qaarna inta soo afduubaan ku qasbaan in ay cabaan kadib markay ogaadaan in ay ayaga ku dhaceen god aysan ka soo bixi karin waligood, hadii ay isku dayaane waxeey ogyihiin in la qaarijin doono.

Waxaa jirta in aduunyada qofka qalad kasta oo sameeyo oo ka soo laaban karo laakiin qofkii mar daroogo iyo ka ganacsigeeda barta lagama yaabo inuu soo laabto.

 Qofka biliaadanka waa qaldamaa, laakiin qaladka ah in aad garoonka daroogada ka dheeshid oo aad dharkooda xiratay waa sidaas u gashay oo aad dharkooda u xiratay, qofwalba oo ka mid ah oo isku dayane inuu ka baxo waxuu hubaa in maalin gudaheed lagu qaarijin doono, lana soo heli doono meel kasta oo dunida ka tago!

Tan aan aadka ula yaabay ayaa ah in qofkaan raba inuu iska dhaafo daroogooyinka iyo ganacsigooda laga daba tagaa hadii oo xataa dalka ama gobolka oo markaas daroogiistaha ku ahaa ka guuro, oo dunida dhinaceeda kale dego! Qiso ka dhacday Norway ayaa aheeyd sidaan soo socota:

Waxeey aheeyd gabar yar, waxaana daroogooyinka baray wiil ay isku da'a iyo iskuul ahaayeen kadibna ay aad isku jeclaadeen. Maadaama oo wiilkaan ah saaxiibkeeda jaceyl oo waxaan isticmaalaayay gabadhiina waa la gashay, waxeeyna in badan u wada shaqeyn jireen koox bakistaaniyiin ah oo madax u ah kooxda daroogooyinka gada, lacag badan ayaana ka soo gashay shaqadaas labadoodaba.

Waxeeyna labadoodaba aad u dhexgaleen oo saaxiibada ugu dhawdhaw oo soomaalida ah la noqdeen raggii ahaa bakistaaniyiinta ee maagalada Oslo dhalinyarta degen ee dhigta dugsiga dhexe iyo kan sare xaaranta ku qabsaday, oo nolol duugay sababta daroogooyinka ay ka gadaan u afduubay oo uuasan jirin qof warkooda eray ku diri karo, ama ka dacwoon kara xaqdarada ay ku haayaan raggaas noloshoodii cunay.

Waxeey noloshaan ku jiraan, ka hareen waxbarasho, waalid iyo qof kale waanadooda dhegaha ka xirteen ayaa maalinkii danbe waxaa ka yimid dalka Iswiidhan wiil ah gabadha walaalkeed, waxuuna horay ka fahmay shaqada ay qabato walaashiis, kuna amray in aysan guriga ka bixin. Is muran iyo is-qabqabsi badan gabadhii wixii oo dhan walaalkeed waa u sheegtay, una cadeysay in loo dilaa sida loo dilay kuwii ka horeeyay hadii ay isku daydo in ay ka baxsato. Wiilkiina nin weeyn oo Illaah aqli siiyay ayuu ahaa, oo wiilkii gabdhaha walaashiis ay jecleed iyo gabadhiiba waxuu u watay Iswiidhan, labada reer oo dhalay caruurta fahansiiyay dhibaatada heeysta labada dalinyaro, xalkuna uu yahay in waddan kale la geeyo, ileen waxuu ahaa nin qibrad fiican u leh ficilka ay sameeyn doonaan nimanka bakistaaniyiinta ah oo ay labada dhalinyaro sida fiican ugu sheekeeyeen dilalkii ka dhacay Oslo labadii sano oo ay la shaqeeynaayiin gangiistaradaas.

Labadii dhalinyaro waa la waday, Iswiidhan ayeeyna nolol cusub ka wada bilaabeen, iskuulkoodii xagga loogu wareejiyay maadaamaay dugsi sare ku jireen. Laakiin Nasiiib darro markii la ogaaday in ay ka baxeen dalka, ayaa wiil yar oo gabadha la dhashay banaanka laga qabsaday maadaama la ogaan waayay halka ay degenyihiin, lana weeydiiyay meesha ay aaday walaalshiis iyo saxiibkeed. Wiilkii yaraa ee banooniga iskaga mashquulsanaa,

waxuuna u sheegay wiilkaan yar asigoonan ogeen sababta loo raadinaa walaashiis oo ka ah weli ilmo aan fahmeeynin waxa jira, in ay labadoodiiba ay joogaan Iswiidhan, xaafada la yiraahdo Gavla ee u jirta waxa yar Istokolom. Waa la baxay oo raadis, iyo qorsheeyn loo galay sida lagu soo qaarijin lahaa labadaan qof ee isku dayay in ay ka fakadaan qiyaanada iyo gudka ay u qudeen dadkaan lacagta sida Illaah u caabuda. Balsa nasiib darro waa labadii dhalinyaro oo isku dayay in ay ka badbaadaan balaayada ay gacmahooda ku doonteen,

Illaahna u toobad keenaan lagu dilay maqribkii ayagoo garabka isheeysta oo magaalada ka yimid, santarka xaafadooda. Isla markaasna booliiska muusan keenin wax caddeeyn ah, mana soo qabanin raggii geeystay dilkaas, umana sheegin bulshada sababta iyo sida dilkaas ku dhacayba!! Sidaas darteed ayaa waxaa adkaatay in la badbaadiyo dhalinyarto garoonkaas ka qaraabta xataa hadii ay rabaan oo ay diyaar u yihiin in ay nolol caadi ah bilaabaan, oo aqligooda soo laabto. Dhacdooyin kuwaan ka foolxun waxeey ka dhacaan dalal badan sida Kanada, USA iyo UK oo noqday caasimadaha sharta.

Hadaba waa suaale intaan xal kaga heli doonaan dhibkaan iyo amakaagaan aan meel walba la taagannahay, kalana kulmeeyno bulsho walba oo aan la degno hadii aan nahay dhalinyarta soomaaliyeed? Nasiib darroo maantay dhalinyarta soomaalida ah, kuma baraarugsana in ay dhib jireed iyo mid maskaxeed ku jiraan, dhibaato iyo cuqdad nafsi aan umada kale qabanin kaligood qabaan. Balsa yaa ka ah masuul dhibaataa dhacday welina dhaceeysa? Intee ka socotaa balaayadu?...... La soco qaybta danbe oo aan suaalaha ku siin doono jawaabahooda oo aqli gal ah, iyo waliba aragtida ay kala qabaan labada kooxood ee ka ah dhalinyarta iyo waalidiinta/barbaariyayaasha caruurta.
 
 
NB! Xuquuqda qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan. kala xariir:

samsam_1989@hotmail.com

W/Q     Ifraax Yusuf ( Ifka)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip