Bayaan Caro Leh Oo Ay Dirayaan Dhalinyarada Beesha Mudulood.

0
Friday January 16, 2009 - 16:00:57 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bayaan Caro Leh Oo Ay Dirayaan Dhalinyarada Beesha Mudulood.

    Nuqul ka mid ah Bayaanka oo ay dirayaan Dhalinyarada Beesha Mudulood ayaa waxa uu soo gaaray Shabakada Wararka ee Warsheekh.com.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuqul ka mid ah Bayaanka oo ay dirayaan Dhalinyarada Beesha Mudulood ayaa waxa uu soo gaaray Shabakada Wararka ee Warsheekh.com.

 

Dhalinyarada Beesha Mudulood ayaa waxa ay bayaankani uga hadleen qodobo xasaasi ah oo ay ugu horeeso xaalada uu iminka Marayo Dalka Gaar ahaa Magaalada Caasimada ah ee Beesha Loo tiriyo ee Muqdisho.

Ugu horeyn Dhalinyarada Beesha  mudulood ayaa waxa ay eed kulul dusha uga tureen Warar Cadifi ah oo baryahaan kasoo yeerayay Odoyaasha Isku Magacaabay Dhaqanka Hawiye balse la dareensanyahay cida ay wakiilka uyihiin taa oo jawaabteeda aan dooneeno iminka in aan marsiino.

Waxa aad uga xunahay Hadalada kasoo yeeray odoyaasha oo hogaamiyo Axmed Diiriye ee dalbaday in raali gelin laga bixiyo Sida ay dheheen tacadiyo loo geestay Beesha Habar Gidir una geesatay Beesha mudulood taas oo ah wax xaqiiqda ka fog.

Waxa Usheegeenaa Axmed Diiriye, iyo Kuwa ku fakrikaa, Tacadiyada dalka ka dhacay hadiiba ay jirto cid loo nisbeyo waa iyaga laga soo bilaabo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ee Madaxweynaha ka ahaa Mudane siyaad Bare.

Dagaalki ugu horeeyay ee bur buriyay dalka oo dhan wiiqay ajandihi talada looga riday xukuumada soomaaliya waxa ahaayeen wiilasha qaraabada ee uu hogaaminayay Jenenka geeriyooday ee Caydiid .

Burburkii Dalka ee Dagaalada Ahligaa waxa ay sababeen in Kumaan ay ugeeriyoodeen, Qaarna ay barakaceen qaarna ay bada liqday iyo Saxaraha oo wiliba diifta dagaaladi Afar biloodka laga dareemo karo Degmooyinka Boondheere, Shibis, Yaaqshid, Shangaani wili laga dheehan karo muuqaalada burburka iyo dagaaladi taa oo Macnaha ka dambeeyo ahaa Muduulood kici Wixi hero anaa utalaayo.

Dhismooyinka burburay ee Degmooyin aan kor kusoo xusnay dadkoodina la halaajiyay hanbadi kasoo hartayna aysan usuura galeen dhismaha cabsi laga qabo in ay kusoo rogaal celiyaan dagaal lagu hoobto isla markaana aysan jirin cid udooda ama sheegtay xiligaani haba ugu cuslaato dagaaladi Afar Biloodlihi ee ahaa (Mudulood Ha Baaba’o Ama Ha Barakaco).

Kadib Dagaalki la magac Baxay Duufaanada ee Afar Biloodlaha ayaa waxa uu dalka oo dhan saameesay Abaar dilatay dhamaan noolihi ku noolaa Gayiga Soomaaliya taa oo gurmad deg deg ah oo xaga Nafaqada ay sameeyeen Ciidamo katirsan Qaramada Midowday kuwaasi oo markale dagaal ugu dhaqaaqay Dhalinyarada qaraabada ee uu hogaaminayay Jenenka geeriyooday ee Ceydiid.

Hadaba Dagaalki Duufaanada ee Afar biloodka Ee uu kusoo qaaday Ceydiid oo garbihiisa taagan yihiin Beeshiisa beesha kale ee mudulood hadafkiisa ahaa ha baaba’aano ama ha barakacaano waxa uga geeriyooday Beesha mudulood dad lagu qayaasay (Nus Malyuun) dad ah tiro intaa ka badana ay ku naafoobeen, Cid kasoo hoyatay oo magdhaw ka bixisana lama arag 

Hadaba Dhamaan Dowladihi Dalkaan soo maray Min Cali Mahdi, C/qaasim, ilaa Madaxweynihi is Casilay yuusuf waxa is hor istaagay in ay waxqabad la yimaadiin waa iyaga taa oo marki danbena keentay in Dowalada iminka jirtaa ay garab weydiisato dowlada Ithiopia dhacaana markale dagaalo qaraar oo runtii dhibaato ugeestay dadka iyo dalka Soomaalyeed haba ugu badnaatee Bushada Gobolka Banaadir.

Hadaba Dhibaatooyinka ay sababeen Dagaalada Muqdisho ka dhacay oo hanti iyo Nafba leh waxa ay si toos ah ugaarsiiyeen Bulshada kudhaqan gobolka Banaadir haba ugu badnaatee Beesha mudulood oo marti unoqday in goofafkooda loogu geesto dhibaato tii ubadneed oo saldhig utahay beesha aan wada dhalanay ee Habar Gidir.

Weerara kudhufo oo ka dhaqaaqda ayaa waxa laga bartay in laga dul tuuro bambooyin qoys wada jiifo oo warmoog ah kadibna jawaabta noqoto Bas beelida lafihii Qoyska Samada ku seexday ee Reer banaadir.

Sidaas darteed hadii ay jirto la xisaabtan Dowladeed walaalaheen waxa xasuusineena in Dowlada tahay mid lagu soo dhisay 4.5 qeybtoodana ay ka qaateen Wixi dheef iyo dhibna ay la wadaagaan soomaaliya oo idil Xataa Dadka ku dhamaaday Muqdisho dhan kastaa ay ugu badnaayeen Beesha Mudulood.

Balse su’aasha aan qabno ayaa ah hadii beesha Mudulood loo geestay Tacadiyadi ugu banaay ee dalkaan ka dhacay kaasi oo kasoo bilaawdo dagaalki Afar biloodka ee Nusmalyuunka dadka ay uga dhinteen Beesha Ilaa midkaan oo looga barakacay min muqdisho ilaa Balcad oo cid Nooga soo hoyatana aysan jirin.

Waxana aad uga xunahay in Qaraabada ay isku raceen halki noogala tacsiyeen lahaa dhibaatada soo taalada eheed  warbaahinta noola marsiiyo hadalo gaf ah oo muujinayo in aanba tacadiyo geesanay inaga oo dadkii loo gafayba aan aheeyn taasi oo aan u aragnay (Hasha iyada Cabaadeysa, Iyadaana Geela Cuneysa).

Sidaas Darteed Hadii aa nahay dhaqanka beesha Mudulood ee ku kala nool Daafaha Caalamka waxa usheegeen Dhamaan qaba’ilaadka Soomaalda gaar ahaan beesha Habar Gidir in Beesha Mudulood ay tahay Beel Nabadeed isla markaana gogol utahay Soomaaliya oo idil laguna aqoonin Dowlad diidnimo iyo Nidaam kasta oo dalkaan lakeeno ka hor imaashihiisa waxa udireenaa cid kasta oo isku dayda in ay laalaabto ama carqaladeeso gogshaan soomaaliya aan ufidinay in aan gacmaha ka laaban doonin waa naga digniin Culus.

Walaalaha Beesha Habar Gidir dhaqankooda  iyo Cuqaashoodaba waxa usheegeena in aysan noo cuntamin hadalada kasoo yeeraya Axmed Diiriye iyo Gaandharigi Ceydiid ee Yuusuf Siyaad Indhocade kuwaasi oo laga dhadhansan karo goor walba isku dhac danbe in uu yimaado .

E-Mail: mudulood1@gmail.com

Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid


Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip