Qaybta 4aad ee qoraalkii: "Daroogooyinka waxeey keenaan dhibaatooyin aan laga kabsanin waligood"

0
Sunday January 18, 2009 - 17:08:26 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybta 4aad ee qoraalkii: "Daroogooyinka waxeey keenaan dhibaatooyin aan laga kabsanin waligood"

    Hees aan dhageystay mardhaw, isla markasna aan aqoonsanin fanaanka ama kooxda leh heesta iyo miraheedaba ayaa sida tan ku bilaabaneyso: Cod nin ayaa leh: <<Asalaamu caleykum xabiibo?>> Cod dumar baa ku jawaabtay: << Waryaa salaant

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hees aan dhageystay mardhaw, isla markasna aan aqoonsanin fanaanka ama kooxda leh heesta iyo miraheedaba ayaa sida tan ku bilaabaneyso: Cod nin ayaa leh: <> Cod dumar baa ku jawaabtay: << Waryaa salaantaada mahaane, ayuutadii baa la iga sugaayee! Ayuutadi ma geeysay?>> Waxuuna fanaanka asoo heestii ka sii wata yiri:

Hees aan dhageystay mardhaw, isla markasna aan aqoonsanin fanaanka ama kooxda leh heesta iyo miraheedaba ayaa sida tan ku bilaabaneyso:  Cod nin ayaa leh: <>  Cod dumar baa ku jawaabtay: << Waryaa salaantaada mahaane, ayuutadii baa la iga sugaayee! Ayuutadi ma geeysay?>> Waxuuna fanaanka asoo heestii ka sii wata yiri:  Ayuuteey galaayaan. Haye?  ilmihii weey qadaayaan, aha? aroorteey kacaayaan, haye?  ismaris beey cunaayaan,  haye? albaabkay safaayaan, haye?  ilaaheey baryaayaan haye?. hadeey habartii saas tahay habaar qabihi waa kume? I don’t know! Aruurtoo kacaayaa, haye? ilmihii buu dayaayaa, haye? albaabkuu xiraayaa, ba’ay! odayaal buu arkaayaa, waran? agtoodaw dagaayaa, haye? afar marduuf cunaayaa, marqaan! Haduu odaygii saan yahay ubadkaan Allaa u maqan!” 

Beentiis maahana ubadkaan Allaa u maqan, qof kale oo waxa ku dhacaa celin karo ma jiro. Waxaa la yaab leh sida fanaankaan u sharaxaada wax ku oolka kaga baxshay nolosha dhabta ah ee ka jirto maantay aqalada somaaliyeed ee Galbeedka ku yaalo badankooda. Waana arintaan arinta u ah asalka in dhalinyarta somaaliyeed aysan waxba baranin, kuna dhacaan itixaanka koowaad ee nolosha qofkasta ee dhalinyaro ah ka qaadeeyso, weliba jarantii ugu xumeed ee nololeed u degtaan, waa tan daroogistinimii. Waxaa halkaan ka bilawdu jiritaan la’aanta cunuga yar, madax adeega, dulqaad la’aanta, kalsooni darada iyo waliba inuu markasta ka fisho qofkasta ee noolaha ah xumaan, maadaama uusan waligiis wax wanaag iyo naxariis ah ka arkin waalidkiisa/ waalidkeed ee ah qofka uu ka dhiganaa tusaalaha, kuna daysanaayo. Somaali hadii aan nahay runta ma jeclin, sanadaan danbe sifooyin ceeb ahaa ayaan maalinba maalinka ka danbeeyo ka sii mid dhigeeynaa dhaqanka iyo nolol maalmeedka guryaheena iyo guud ahaan bulshadeena. Nolosha lamaanaha ee burburtay, waxeey keentay nolosha caruurta ee burburtay taas oo micnaheedu yahay in qarankii soomaaliyana halkaas lagu gawracay, oo dadkii dhisi lahaa laga dhigay dugaag aan la socon karin nolosha biliaadaanka ee la noolyihiin. Runtu waa xaq, waana waxa kaliya ee biliaadanka kala sare marin karo. Anaga markii aan runta diidnay Illaahna waa diidnay, ileen qof muslin ah been uma banaanee. Waxaan tilmaamaa ama aan soo qaadaanaa tusaalooyin yaryar runtii markii loo fiirsho arimaha ka dhacaa Galbeedka iyo dalkiiba maantay markii aan ka hadleeynaa mawduuca daroogooyinka, mustaqbal la’aanta qaranka iyo waliba nolosha caruurta yaryar ee dadka waqtigooda cunay ay duminaayaan, weliba iskula fiicanyihiin. Astaamaha caanka ah ee waalidiinta soomaaliyeed ee ah kuwa ay moodaan tarbiyada wanagsan waa sida tan:

1.     In cunuga qaylo iyo dil wax loogu sheego: Arintan waxaa ka mid ah adeejinta cunuga yar ayadoo ilmaha faciis ah ciyaaraayaan, ama wax barayaan. Sidoo kale in cunuga lagu cadaadsho waxkasta uusan rabin, loona tuso in ay waajib lama huraan ah ku tahay in uusan ka fekerin naftiisa ee uu qanciyo oo kaliya dadka uu la noolyahay khaas ahaan waalidka iyo kuwa la dhashay ayaga. Waxaa kale oo ku jirto cunuga oo la cidleeyo, lagana dhigo qof aan waxba fahmi karin, sida in fadhiga laga raacdeeyo, oo la yiraahdu: (Gal qolkaaga, hana ka soo bixin balaayo war jecli, fiiri dadka waa weeyn ayeey afkooda dayeeysaahe) Ama looga tago heeynta iyo xanaaneeynta caruurta ka yaryar, halkaasna kula wareegto/wareego masuuliyad ka weeyn oo ku abuurto buuq maskaxdeeda, caajis, hurdo la’aan, feker, kali ahaansho, murugo iyo nasiino la’aan joogto ah oo ay ku keento waalidka aan la hadleynin oo uun ku shaqeeysanaa sida inuu yahay qof loo abuuray uun qaylo iyo dil. Waxaa dhacdo in dhalinyarta weliba u badan gabdhaha sida ay isku hadleynaayaan kaligood ayago moodo in ay niyada ka sheekeeysanaayaan in dadka dhan maqlaayaan maalinka danbe waxa maskaxdooda qarineeyso afkooda kaga sheegaan, kadibna waashaan. Tan waxaa ka daran ee dhacda in cunuga yar la baraa inuu qarsho sir kasta iyo waxkasta ee asiga/ayada quseeyo, in uusan sheegin waxkasta ee ku dhaco ama uu soo arko, maxaayeelay waalidka waligood waqti uma helin, ama niyadoodaba kumaba soo dhacdo, sida ay sheegaan qaarkooda dhaqan umaba lahan in ay la hadlaan cunugooda, ku abuurtaan kalsoonida uu waxkasta ee cunuga quseeyo ugu sheegi lahaa. Qaarkood baa ku doodaa markii aad arintaan ku waani is tiraahdid: ” Maxaan kala hadlaa dhoocishaan/wiilkaan xun? Maxuu ii sheegaa cunuga yar ee aan aqliga laheeyn? Wax aan aniga dhalay miyaan dhageeysanaa, oo aan u yeelaa sida uu doono? Waxaas waa aqlaaq darro reer Galbeedka looga daysanaa, galaada la sheegaa waa ilmo la sii daayay, marka iska dhaaf jiljileeca iyo lalabada qof weeyn oo aqli lehna waa u egtahee!” Waxaan hubaa inuusan jirin qof soomaali ah oo waalidkiis runta ama dhabta uu ku suganyahay dareen ahaan iyo jir ahaanba u sheegi kara, ka soo qaad hal tusaale qof qandheysan, karkarsan, hadaad weydiisid sida uu yahay/tahay waa fiicanahay ayuu ku jawaabaa, haba ahaadu cunuga yar ee afar jirka ah. Aqriste ha ila yaabin, hana isku dayin in aad naftaada ku qancisid: ” Maxeey ii qaban karaan dadka hadii aan xanuunkayga u sheegto? Ama ” waxaas waa suuro, dadka fulayaasha ah ayaa ooyo ama sheego xaqiiqada ay dareemaayaan, anigana ma ihi fulay, NIN RAGG AH BAAN AHAY MURQAHA IGU YAALO UMA JEEDID MIYAA.. OOY? UFAA CALEEYKA!” Iga rumeeyso in aysan geesinimada ka midka aheeyn in la qarsho RUNTA! Dhaqankeena soomaaliyeed ayaa taageeraa in qofka uusanba sheegin dareenkiisa sida inuu yahay ceeb Illaah asiga/ayada ka dhex abuuray. Waxaad arkee cunug yar ee lagu caaynaa waa ooyay, hadii uu ooyay waxuu sheegay uun xanuunka ay ku heeyso waxa lagu sameeyay jirkiisa iyo naftiisaba, ee micnaheedu maahan inuu yahay qof doqon ah, oo aan adkeysi laheeyn, tan kale yaa iiga jawaabi karo sababta Illaah noo siiyay dareen hadii aysan banaaneen in aan tusno biliaadanka, iska dhaaf biliaadanka dheer ee waalidka nagu dhalay daciifnimada iyo degdegta tirada badan? Sabab? Yaa ii haayo jawaab? Waxaan hubaa in aad madaxa xoqanee.

2.     In loo sheego inuusan qiimo laheeyn: laguna qanciyo inuusan aheeyn qof leh goaan iyo nolol u gooni ah, waligiisna isku filnaansho gaari karin. Tan waxeey ka imataa oo cunuga oo aan goaanka iyo qorshaha reerka aan waxba laga siinin, laga dhigo qof aan waxba galin maadaama uusan shaqeeysanin, yahay arday boorsad, buug iyo qalin ku fac ah. Cunuga dhalinyarta ah ficilkaan ama fekerkaan waalidka waxuu u qaataa in ay u fiicantahay inu xamali noqdo si loo qiimeeyo, loona sharfo maadaama lacagtiisa la cunaa.................................... La soco qaybta danbe oo aan calaamadaha lixda ah ee waalidka soomaaligaa ku sii dhameystiri doono, kuuguna cadeyn doono natiijadada dhaqanka waalidka somaaliyeed, aragtida dhalinyarta, iyo cawaaqibta xumaanta badan, naxtinta iyo qaracanka leh ee laga dhaxlay.

NB! Xuquuqda qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan. kala xariir: samsam_1989@hotmail.com

W/Q     Ifraax Yusuf ( Ifka)

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip