Maxaa loo yiri Afar iyo Badh ayaa wax lagu qeybsan oo caddaalada waa faqsan?!

0
Monday November 05, 2012 - 11:35:29 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa loo yiri Afar iyo Badh ayaa wax lagu qeybsan oo caddaalada waa faqsan?!

    Sidaan owsoonahay waxaa la doonayey in waxa la yiraahdo afar iyo badh laga gudbo oo meeshana laga saaro in beelaha qaar ay qaataan xubnaha igu sareeya ee Dowladda ku wana aan helin xaqooda ayaa Dad badan waxa ay doonayeen in waxaan xaqdarada ah in la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaan owsoonahay waxaa la doonayey in waxa la yiraahdo afar iyo badh laga gudbo oo meeshana laga saaro in beelaha qaar ay qaataan xubnaha igu sareeya ee Dowladda ku wana aan helin xaqooda ayaa Dad badan waxa ay doonayeen in waxaan xaqdarada ah in laga gudbo nasiib darase waxa ay noqotay in ku waxii diidanaa in ay iyagu afar iyo badh isku soo xulaan ay fursan waayeen si ay dantooda khaaska ah aan meesha oga bixin.

Waxa dhacday in markii ugu horeesay in Odashaashii soo jireenka ahaa inta banaanka loo saaray kuwo kale la yiri waa Odashii Soomaaliyeed iyagana soo xuli doonaan Xubnaha Baarlamaanka oga qeyb galaya.Gaf iyo Khaldaad loo geestay Odayaashii Soomaaliyeed ayaa looga gudbay xulintii Baarlamaanka Soomaaliya illaa haddana wali Qabaa'ilada dhexdooda ayaa waxaa ka jira xurguf amase hormuudka cidda u'ah qabiilka aan kala caddeen illaa hadda. Is qabqabsi iyo idaacaddaha oo war la isku mariyo ayaa looga soo gudbay"Asixintii Dastuurka"

.Waxaa soo baxay gole Baarlamaan oo lagu soo xulay is jiijiid iyo is qabsi kaasna uu noqday Golaha Baarlamaan ee maanta jira.Waxaa lagu soo xulay Xubnihii igu sareeyey Dowladda afar iyo badh.Waxaana dhacday dowrashooyin dhexmaray afarta qabiil ee kala ah: Digil iyo Mirifle oo ku guuleystay Hogaanka Baarlamaanka,Hawiye oo Ku guulaystay Madaxweyne iyo Daarood oo isagana Noqday Ra'iisal Wasaare. Waxaa Afartii qabiil ka haray Dir oo ah Dirta Koonfureed oo iyaga marnaba aan la siin Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Koowaad,illaa hadda Garan mayo halka ay raacsan yihiin Dirta Koonfureed ileyn Afartii Qabiilna waxba kuma helin saamigoodii.Saddaxda jago ee ugu sareesa Dowladda Dirta Koonfureed waxa ay xaq ulahaayeen Ra'iisal Wasaare ku xigeen oo aan Gor gortan laheen.

Wakhtigan la joogo garan mayo halka qeyb uleeyihiin ileyn afarna wax kuma helin Badh kiina waa ka sareeyaan Beeshadireed ee Koonfur dagta.Waxaa iyana jira oo meesha ka maqan oo caddaalad daro lagula dhaqmo Beesha layiri waa NUS oo iyaga marka la isku geeyo ka tira badan Beelaha Qaarkood,marka aan soo qaadano Beesha areerweyne xaq ma'uleeyihiin in ay noqdaan Wasiirka Arimaha Dimadda isagoo matalaya Beelaha Badhka ama Nuska lagu tilmaamay ee iyagu Wadanimadu ay ugu Qoran tahay"Qalbiga".

Haddaba Beesha Direed iyo kuwa Badhka ah marnaba ma helaan saamigooda ay caddaalad ahaan uheli lahaayeen,marka qeysi wax lagu qeysado oo ku saleesan Soomaalinimo iyo Wallaaltinimo.

Waxaa iyana jirta oo mar walba laga hareer maraa Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo isaga u'ah Xudunta Nabadda,mar walba waxaa arintan ka timaada is qab qabsi iyo amaan daro ka timaada ninka noqon naya Gudoomiyaha Gobalka Banaadir.

Maxuu ka yiri Allaha unaxariistee Xaaji Showri Malaaq Coloow oo aan aqoon ulahaa 1982kii illaa Bishii fabraayo 1991kii oo aan gurigiisa ku macasalaameeyey Allaha unaxariistee waxa uu igu yira Abgaal iyo Murur sade ayaa magaalada Caanaha geen jiray,Xamarna waxaa la oran jiray Xumur oo uu caan ku ahaa Geedkaa miraha lahaa ayaa loogu magac daray Xamar waxaana daganaa Dadka Gibil cadka ah ee loo yaqaan Reer Xamarka.Haddii Gudoomiye lama caabayo waxaa iska leh haddii caddaalad jirto dadka aan soo sheegay.taas waxaan ku darsan lahaa Abgaal Abtigood meesha kama marna oo taasna hala ogaado waa "Ajuuraan waliba Bah Gareen",

Haddii la doonayo in Wallaaltinimo iyo Soomaalinimo lagu wada noolaado waa in la helaa"Caddaalad"oo meesha ka baxdaa Xulufeesiga,haddii taa la waayo waligeed is qab qabsi lagama baxayo.Nimcaddii iyo kheyraadkii Wadanka Soomaaliya ee Eebaheen ugu deeqay Ummadda Soomaaliyeed iyagoo aan manaafacaadsan ayaa inta lala soo baxo ayaa wali Soomaali ay ka gaajoondoonaan amase banaanka ka joogi doonaa.

Si Caddaalad loo helo waa in Beel walba aan lagu xad gudbin qeybta ee leedahay,haddii taa lawaayo Beel walba waxa ay noqonaysaa macaarad oo waliba Caddaalad daro xaqiisii lagu duudsiiyey.
Sida Beesha Direed iyo Beesha Shanaad ee hormuudka uyahay Jareer Weyne.


Waxaa Qoray Cabdishakuur Cali Sarxaan Alshamri min Qahdani Alyamani

alisarhanjr@hotmail.com

Calgary,Albeta.Canada
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip