Waa Maxay farqiqa U Dhexeeya Laangaab iyo Laandheere ? Barnaamij Cod Wata,

0
Sunday July 27, 2008 - 21:07:35 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay farqiqa U Dhexeeya Laangaab iyo Laandheere ? Barnaamij Cod Wata,

    Ururka dabargoonta Qabyaalada iyo horumarinta da'yarta Soomaaliyeed oo ay dood u qabatay Ubax Sagal, waxaa ka qeyb galay wakiilka koowaad ee DQHDSOM Somaaliya, Fu'aad Axmed Xuseen Bare, (Wadani) madaxa waaxda diinta Islaamka ee DQHDSOm_ Mu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka dabargoonta Qabyaalada iyo horumarinta da'yarta Soomaaliyeed oo ay dood u qabatay Ubax Sagal, waxaa ka qeyb galay wakiilka koowaad ee DQHDSOM Somaaliya, Fu'aad Axmed Xuseen Bare, (Wadani) madaxa waaxda diinta Islaamka ee DQHDSOm_ Muqdisho, Cabdi Shakuur Maxamed iyo gudoomiyaha guud ee ururka DQHDSOM Ifraax Yusuf Ciyow (Ifka)

 

 
Maanta oo taariikhdu tahay 24/07/2008...waxaa marti qaad horey loo sii qorsheeyey oo dhanka saxaafadda ah ka qeyb galey, wakiilka ururka ( Dabargoynta Qabyaaladda iyo Horumarinta Da'yarta Soomaaliyeed) ee Gobolka Banaadir, Fu'aad Axmed Xuseen iyo Madaxa Waaxda Diinta Islaamka iyo wacyigelinta Bulshadda, Shiikh Cabdishakuur Maxamed.

Idaacadda caalamiga ah ee Soomaaliweyn ayaa waxay ka codsadeen dhalinyaradda ku midoowbey magaca DQHDSOM ama SYDEC in loo qabto barnaamij dood wadaag ah oo oo ay ugu magacdareen ( Maxey ku kula duwan yihiin Laandheere iyo Laangaab waxa ay Soomaalidu u taqaan?) Maxeyse ka Qabtaa Diinteena suuban ee Islaamku?.

Qodobka dooda ayaa waxaa sidoo kale qadadka teleefanka ay ugu qeyb qaadananayeen Dadweynaha Gobolka Banaadir iyo shabellada dhexe dhageystayaal kala soo xidhiidhey adeecadda Somaliweyn Radio.

Haddaba, daadiyaha ahna soo saaraha barnaamijka Dhacdooyinka Caalamka, Ubax Sagal, ayaa waxay durbadiiba si habsami leh u gudo gashay qodobka dooda iyadoo khadka teleefanka ay kusoo dhaweeysey, Gudoomiyaha guud ee Ururka wadaniga ah ee Dabargoynta Qabyaaladda iyo Horumarinta Soomaaliyeed, Miss, Ifraax Yuusuf Ciyoow, oo iyadoo joogta wadanka Norway gaar ahaan Magaaladda Bergen uga qeyb qaadanaysey khadka teleefanka.

Hadaladii ay soo jeedisey, Gudoomiyaha guud ee ururka ahna aasaasayaasha DQHDSOM ayaa waxaa aad iyo aad ula dhacay guud ahaan dhageystayaasha, oo inta ay u suuro gashay in ayaa waxaa ay qireen in hadalka gabadha Gudoomiyaha u ah ururka in hadaladeedu ay ahaayeen kuwo xaqiiq ka tarjumayey oo aan la dhayal san karin.

Haddaba, mid ka mid ah, dhageystayaasha adeecadda Somaliweyn ayaa isagoo aad iyo aad ay qiiro wadaninimo uga muuqatay codkiisa, wuxuu yidhi:-
( Waxaan ka codsanaya dhamaan asaxaabta ku midoobey magacan in ay ka ilaaliyaan waxyeeladda iyo dadka iyagu ah cooshooda u shaqeystayaasha ee wadaniyadda waxba ka aqoon),

wuxuu intaas ku daray:- ( Isku kalsoonaada oo noqdo ul iyo diirkeed aanan lakala diiran karin, noqda kuwo qalbiyadoodu saafi yihiin oo mid ah oo cududooda ku mideeya ummadda Soomaaliyeed, dadaala oo dulqaad iyo samir yeesha, waan idin baryaa walaalaheygoow wiil iyo hablaba, waxaan idinka codsanayaa in aydan magacan meel cidla ah uga tagin, kuna dadaala horumarka dhalinyaradda Somaaliyeed kalana dagaalama Jahliga?

Haddaba, intuu barnamijku socdey ayaa waxaa su'aalo meelo badan taabanayey ayaa waxaa la weydiinayey Wakiilka DQHDSOM ee Gobolka Banaadir, isaguna wuxuu uga jawaabey hab asluubeysan oo xaqiiqda ku saleysan isagoo dhageystayaasha ka qancinayey su'aalahooda kana codsanayey in ay u baahan yihiin wadashaqeyntooda iyo dhiiri galintooda waayo waxaanu u shaqeyneynu waa ummaadda Soomaliyeed oo inagu aanu ka nahay kow,

haddaba aanu gacmaha is qabsano oo aan ka midoowno is qabiileysi iyo isliidid waayo waxaanba nahay dhamaanteen isku hooyo iyo aabe, marka laga fiiriyo dhanka Diinteena sharafta iyo cisiga leh ee Islaamka waxana kasoo farcanay Aabe Aadam iyo Hooyo Xaawo, Naxariis kor kooda ha ahaatee....
 
Ugu dambeyn, barnaamijka ayaa wuxuu ku soo idlaadey, sidii loogu talagalay iyo jawi farxadeed oo aad iyo aad u heersareeya.
Intaas, kadib, ayaa waxaa kulan wada qaatey Wakiilka DQHDSOM ee Gobolka Banaadir, Fu'aad Axmed Xuseen iyo Agaasimaha adeecadda Soomaaliweyn, Abuukar Kadaf, ayagoo ka wada hadlay arimo ay ugu horeysey in ururka loo ogolaado in uu ku yeesho barnaamij todobaadle ah adeecadda, oo si toos ah uga baxa todobaad walba.

Arintaasina waxay kusoo dhamaantey guul iyo is afgarasho. Haddaba, tani waxey aheyd guul weyn oo usoo hooyatey dhamaan dhalinyaradda Soomaaliyeed iyo ururka ay ku mideysan yihiin ummadda Somaaliyeed ee DQHDSOM.

Ugu dambeyn, waxaan halkan uga mahad celineynaa maamulka adeecadda Soomaaliweyn sida wanaaga leh ee ay noo sharfeen anagoo jecel in aan ka abaal marino mustaqbalka dhow iyo kan fog intaba insha'allaah.

Waxaa diyaariyey iskuna soo duba ridey,Wakiilka DQHDSOM ee Gobolka Banaadir.
Fu'aad Axmed Xuseen Barre (Wadani).
Mogadishu-Somalia
 
--
Waxaa sharaf weyn noo ah in Allaah inaga dhigey Dhalinyaro Soomaaliyeed oo u istaagey xal u helida cudurka ummaddeena ka reebey qeyrkeed. Waxaan
Dugsi maleh qabyaaladdi waxey dumiso mooyaane.

W/D: Samsam Axmad
(samsam_1989@hotmail.com)

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip