Caaqiliinta Puntiland oo shaaciyay in Xisbiyada Faroole uu doonayo in uu halkaasi ka hir-geliyao ay yihiin Bur-burkii deegaankaasi.

0
Tuesday June 04, 2013 - 10:11:34 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caaqiliinta Puntiland oo shaaciyay in Xisbiyada Faroole uu doonayo in uu halkaasi ka hir-geliyao ay yihiin Bur-burkii deegaankaasi.

    Caaqil Cabdi Siciid oo kamid ah odayaasha ugu caansan deegaanka uu Faroole xilligaan ka taliyo ee Puntiland ayaa waxa uu qeyla dhaan ka muujiyay Xisbiya waayahaan lagu waashay oo uu gadaal ka riixayo hogaamiya Puntilnad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caaqil Cabdi Siciid oo kamid ah odayaasha ugu caansan deegaanka uu Faroole xilligaan ka taliyo ee Puntiland ayaa waxa uu qeyla dhaan ka muujiyay Xisbiya waayahaan lagu waashay oo uu gadaal ka riixayo hogaamiya Puntilnad.
Cali Siciid ayaa waxa uu yiri, “ Xisbiyaasha jira ee maanta ee la shegayo waxa aan filayaa in ay yihiin Bur-burkii Puntiland. Xisbiyada jira dhaman waxaa furay Faroole ee kuwa kale majiraan. Waanu ka xunnahay wixii dhacay. Caaqiliinta dhan waa iasaga fikir”.

Waxa uu ku cel-celiyay in Faroole uu yahay ruux doonaya in uu bur buriyo Puntiland hadiiba isagu uusan madax ka ahaaheyn arintaasina aysan marnaa suura gali doonin ayna ku baaqayaan in laga noqdo axsaabta.

Hadalka odayaasha ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo horay maamulka Puntiland loogu eedeeyay dhismaha axsaabta siyaasada oo lagu sheegay in ay tahay fikrad isaga ka soo baxaday oo uu ku doonayo in uu xilka waligii ku heesto.

Madaxweynaha maamulka Puntiland ayaa waxa uu horay ugu dhawaaqay in la samesto xisbiya siyaasadeed oo ka qeyb gala doorashad deegaankasi isaga oo kadibna sameeyay xisbiya kooban oo dhamaan madax looga dhigay rag isaga kaaliyaal u ah si uu ugu guulesto doorasha kasta oo dhacda isaga oo sheeganaya in uu tartan galay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip