Oromo Dagaalka waa Cali iyo Mucaawiye oo kale ! ( maqaal )

0
Thursday February 12, 2009 - 08:19:42 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Oromo Dagaalka waa Cali iyo Mucaawiye oo kale ! ( maqaal )

    Waxaan dhaliilay qaabka uu ugu faalooday Qoraaga Oromo maqaalkiisii ahaa Alow ha soo celin dagaalkii Cali & Caydiid,runtii ma jecleeysan in xiligaan oo eey umada rajeeyneeyso nabad iyo wada noolaansho cadaalad ku dhisan in la qoro ama in la xussuusiy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan dhaliilay qaabka uu ugu faalooday Qoraaga Oromo maqaalkiisii ahaa Alow ha soo celin dagaalkii Cali & Caydiid,runtii ma jecleeysan in xiligaan oo eey umada rajeeyneeyso nabad iyo wada noolaansho cadaalad ku dhisan in la qoro ama in la xussuusiyo taariikhda murugada xambaarsaneeyd ee lagu gumaaday shacabka xamar iyada oo eey dhacdadaasi eey masuul ka yihiin shaqsiyaad cayiman balse qoraagu uu u fasiray mid beeleed,xaqiiqdii dagaaladaasi cida ka masuulka aheeyd weli qaarbaa jooga qaarna waa eey geeriyoodeen,xiligaan somalida waxaa ka guuxaya nabada oo ah furaha nolosha,waa dhab in dagaal foolxun uu dhex maray Cali iyo Caydiid balse sida dadka u fasiraan ayaa ah mid aad u qaldan,Caydiid waxaa uu xambaarsanaa heshiisna Ethiopia eey ku gaareen C/tuur iyo Cumar Jeez iyo in dalka loo qeeybiyo seddex gobol oo federaal ah halka Cali Mahdi uu ka dhex yimid ururkii Manifeesto kaas oo ahaa urur eey iskugu yimaadeen dhamaan aqoon yahanka,culumada,ganacsatada iyo inta jecleed in ! dalka la badbaadiyo,daaglka waxaa lagu fuliyay nin walba oo maangaab ah oo caadifad qabiil eey ku jirtay,waxaase la hubaa in dagaalkaas lagu gumaaday shacab maati ah oo aan midna taageersaneeyn balse madfaca ugu yimid guryahooda,Oromo waxaa uu carabka ku dhuftay Abgaal iyo H/gidir waxaa dhab ah in xamar dadka degenaa eeyan aheeyn oo kaliya labaadaa jufo sawirka gumaadka ka dhacay xamar sidaas maaha cid walbana waa eey ogtahay raga gumaadka geeystay waxaa la dhihi karaa waa eey ka badnaayeen labadaa jufo.Ma jecli in aan ku sii dheeraado colaada xamar ka dhacday 1991.


Waxaanan marna la dafiri karin in sheekh shariif iyo sheekh Xassan Daahir eeyan lug ku laheeyn dagaalkii foosha xumaa ee 1991 kii balse markii Imbagaati lagu soo dhisay dowlada federaalka ah ayaa waxeey noqdeen kuwa isku hadaf ah iskuna arkay in eey badbaadin karaan shacabka xamar oo eey ku soo noqdeen dagaal Oogayaashii xamar burburiyay soona qaatay qandaraas cusub oo ku wajahan la dagaalanka culumada xamar iyo howsha eey wadeen ee ahyeed maxkamadaha islaamka,hadaba ma dhihi karnaa labadaa sheekh oo kala jufo ah hadafkii eey isku raaceen waxaa uu ahaa mid qabiil ?????akhristow sow ma argtid in Abgaal iyo H/gidir eey isku hadaf noqon karaan haddii cadaalada nabada iyo wada noolaanshaha laga wada shaqeeyo,goobta weli waa xamar dadka waa dadkii dagaalka loo adeegsaday maxaa dhaliyay in eey mar qura is raacaan ????? nabada iyo cadaalada oo laga shaqeeyo waxaa eey abuurtay in qadkii cagaarnaa meesha uu ka baxo umada eey isku soo dhawaato,sow lama dhihi karo dagaalka 1991 waxaa s!
abbabteeda lahaa shaqsiyaad umada u isticmaalay qaab qaldan ???? 6 bilood oo aan dhihi karo waxaa eey ka qiimo badneeyd 600 oo sanno ayaan aragnay kuna iloownay colaadii iyo gumaadkii eey wadeen shaqsiyaadka weli seexada siyaasada ku dhex jira iyo kuwo dhintay.Geedi iyo Maxed dheere waxaan filaayaa in aanan loo nasbeeyn qabiil waayo waxaa eey hormuud ka ahaayeen gumaadkii xamar amxaarana gumaadka waxaa eey ka bilowday Yaaqshiid oo heebta Abgaal degeneeyd xussuuso in maalin walba dagaalka xamar uu ugu faro badnaa Yaaqshiid,muqaawamada haddii loo nasbeeyo hal jufo waa ceeyb waxaase muqaawamada ku mideeysnaa dhamaan inta dulmaneeyd ee reer Muqdisho,nin jeclaa in uu jiray ma filaayo amxaaradii xamar timid kii anan xabada haysan qalbiga ayuu ka necbanaa..hadalada qaar ee Geedi iyo iwm ogow cid ku farxsaneeyd ma jirin Muduloodna jawaab ayuu ka bixiyay Oromow Akhri qoraaladii laga qoray.

Dalka waxaa ku soo duullay cadow soo jireen ahaa Ethiopia waxaana suurta geliyay in eey caasimada yimaadaan ragii colaada somalia ugu horeeyay iyo kuwii gumaadka shacabka dhaqankooda ahaa,Maquuste iyo dhamaan dagaal Oogayaashii xamar waxaa eey koreen hal doon oo ah ka mid ahaan-shaha dowlada federaalka halka culumadii eey dalka ugu baxeen qaab dagaal,sheekh shariif iyo Sh.Xassan Daahir iyo inta ka damqatay duulaanka xabashida ku soo qaatay dalka hooyo waxeey tageen Asmara halkaasna waxaa eey ku aasaaseen ururukii dib u xoreeyynta dalka gudoomiyene uu ka noqday sheekh shariif,dastuurka ururkaa lagu heshiiyay ma aheeyn mid sharecada islaamka balse waxaa uu ahaa bayco lagu heshiiyay sidii dalka loogu saari lahaa gumeeysiga Ethiopia ( Qodobo Aadanaha uu qoray ) waxaan suaali lahaa Oromo iyo in faro badan oo qaba fikirka Oromo dagaalkii SIISII sheekh shariif ma Abgaal buu ahaa ???? sida oo kale dagaalkii maxkamadaha eey ku qaadeen Cabdi Qeeybdiid iyo ina Ilqeeyte ma waxaa uu she!
ekh Xassan Daahir ahaa H/gidir waxaan filaayaa in laga qanco sida loogu gudbay qabiilka xiligii maxkamadaha.waxaa jeclahay in umada aanan la xussuusin ama eeyan gocan waxii eey soo mareen,xiligaan waayo waxaan ku jirnaa xiligii nabada iyo wada noolaanshaha umada la abuuri lahaa,waxaan ku jirnaa peace-building " a means of preventing the outbreak recurrence or continuation of armed conflict"waa xaqiiq haddii Qoraa walba uu qalinka u qaato qorida nabada in umada eey isku imaaneeyso haddiise gocasho iyo waxii laga soo maray ee colaada ahaa umadana dhagahooda lagu shubo colaad ilama ah in eey nabadi imaan karto.

Sheekh Xassan Daahir waxaa uu jeclaa in cadowga dalka lagaga saaro xabad oo kaliya halka Sheekh shriif uu aaminsanaa xabada iyo wadahadal,haddii lagu guuleeystay in Ethiopia dib loogu celiyo meeshii eey ka timid,dalka somaliyana uu maanta xor yahay maxaa keenay dagaalka,waxaan aad ugu xumahay in sheekha shariif laga dhigo gaal iwm waxaad moodaa in caalamka uu arko meesha qaladka ka socdo,sh.X.Mahdi ,Cumar Iiman iyo Indhacade xaqiiqdii waxaa quman in loo caqli celiyo,la xasuusiyo meesha loo socdo iyo halka laga yimid,haddii Sheekh Shariif dhahay aan wada hadalno runtii wax ka danbeeya aniga ma garanaayo,waxaase quman in haddii loo calqi celin karo Sh.Xassan Daahir iyo kooxdiisa lagu dadaalo,Dr.Yusuf Qardaawi iyo culumada caalamka iyo kuwa somalia warkooda ha yeelo,dhibka ka socdo dhuusamareeb iyo guriceel waxaa lagu soo afjari karaa marka xamar nabada laga soo dabaalo laguna heshiiyo,nabada xamar waxaa eey furo u tahay dhamaan dalka goboladiisa,waxa hada taagan waa: gaalo lama heshiineeyno iyo Alaska ayaan tageeynaa oo runtii ah mid xaqiiqda ka fog,xujo aanan dhamaan ayaa laga dhex wadaa labada koox,Ilaahse waxaan ka baryaa in lagu heshiiyo dalka saxansaxo nabadna eey noo soo carafto.

Haddii nin walba uu sheeydaanka u qurxiyo howsha uu ku dhex jiro waxaa hubaal ah in qasaaro eey umada u danbeeyso,Dagaal markuu u dhaxeeyo laba qolo oo muslim ah qaacidada waa in sulxi lagu dhameeyaa sida Ilaah sheegay,marka kowaad waa in lagu dadaalaa sidii loo baajin lahaa go,aanka dagaalka eey ku dhawaaqeen Sh.X.Mahdi iyo kooxdiisa runtii arintaasi waxay ku jirtaa gacanta hogaanka ,wayna awoodaan welina fursad ayaa jirta oo lagu badbaadin karo ummada,haddii dagaal yimaado waxaa dusha u ridan doona Sh.X.Mahdi iyo kooxdiis waayo Sheekh Shariif weli lagama hayo dagaal ayaan rabaa.


Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip