Garta Oromo & Hirabe Ma Aha Cali & Caydiid (Qorme Aqriste)

0
Friday February 13, 2009 - 22:04:45 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garta Oromo & Hirabe Ma Aha Cali & Caydiid (Qorme Aqriste)

    Waxaan aad ugu xumahay in dadka somali eey u fasirtaan qoraalada aan wadaagno aniga iyo wallaalkeey Oromo mid wax kale hugsan balse aniga waxaan u arkaa mid abuuri kara wanaag iyo isku soo dhawaasho fikradaha umada eey kala aaminsan yihiin,qofwalba o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan aad ugu xumahay in dadka somali eey u fasirtaan qoraalada aan wadaagno aniga iyo wallaalkeey Oromo mid wax kale hugsan balse aniga waxaan u arkaa mid abuuri kara wanaag iyo isku soo dhawaasho fikradaha umada eey kala aaminsan yihiin,qofwalba oo ka damqanaya dhibka umada somali waa eey u furan tahay in uu ka soo qeeyb qaato asga ama iyada oo goolku yahay sidii dalka somalia loogu soo celin lahaa nabada iyo wada noolaanshaha umada colaada la dhex dhigay ee muslimka ah.Hadii aan sii wado qormada ku wajahan dadka aan ka dhalanay ee somaliyeed waxaan jeclahay in aan ku wargeliyo umada waxa aan ku diidanahay qormadii Oromo.


1 ) In H/gidir iyo Abgaal dhamaan inta ku abtirsata dambiga lagu xambaaro ( colligative punishment ) waxaase ila quman in shaqsiga danbiga galay la sheego laguna tilmaamo danbiile dagaal,haddii shaqsiga la tilmaamo waa sahal in maxkamad la soo taago lana xukumo balse haddii qabiil oo dhan lagu tilmaamo danbiile yaa qaadaya danmiga ileeyn qabiilka meel ma wada joogo isku fikirna ma wada ahan.Qabiilka waxaa ku jira culumo haween dhalin yaro,duqeey,caami,qurba joog,gobol joog,tuulo joog,iwm tusale Galaal iyo in badan oo eaxgarad ah waxeey la joogeen Cali Mahdi marka H/gidr sidee lagu kala sooci karaa kan danbiga galay iyo midka aan gelin.sida oo kale Maxed dheere Hilowle Iimaan waxaa eey la jireen Ceeydiid  ?? hooyada matabaan joogta iyo mida raageceele joogta waxba kalama socdaan waxa xamar ku dagaalyo.

2) Oromo waxa uu sheegay jufooyinka H/gidir u kal baxdo mid mid iyo siyaasada eey isku diideen ,ugu danbeeyn waxaa uu ku dhiiraday sadaro aniga i cajb geliyay jecleeystayne in aan ka dhaho waxa eey ila tahay.waxaa ka mid ahaa
Shirkii Carta ee Cabdiqaasim lagu doortay kadib, Sacad iyo Cayr waxay kala qaadeen laba wadiiqo oo ku dhammaatay xataa in aysan masjid ku wada tukan.waxaan leeyahya aniga oo Hiraabe ah(shacabka labadaa jufo danbiga eey kala galeen waxaa lagu dhameeyn karaa in laga shawqeeyo nabada iyo ayaga oo jeclaada soo celinta nabada iyo caqligii shaqsiyaadka la ogyahay u isticmaaleen dagaalkii ahliga ahaa.) forgive and forget ayaa ah furaha joojinta colaada,haddii aanan cafis guud iyo mid gaar dhicin colaada waa eey soconee,Ilaah magac-yadiisa waxaa ka mid ah Al Cafuw,wax wax cafiya oo Ilaah ka fiican ma jiro,to not forgive them is like taking the poison (continuing to suffer for what they did or didn't do to you) and expecting them to die! South Africa cadaanka iyo madowga degen waxaa eey ku heshiiyeen  forgive and forget,  Desman Tutu and Nelson Mandela waxeey aamineen hadaanan umada eeyan is cafin in nolosha weligeed eey ku jireeyso colaad.

Xaaladdu waxay u muuqataa in caqligu lunsan yahay oo haddii maanta dagaal qarxo aan Habargidir la kala reebi doonin oo weliba Sacad loo hormarin doono eedo hore iyo dakano loo haysto darteed..waxaan leeyahay :( dadka waxaa uu doonayaa soo celinta nabada iyada ayaa ku filan iyo in la ilaaliyo qofwalba naftiisa,xoolahiisa,sharfkiisa,cirdigiisa diintiida iwm qabiil walba waa in uu aamino haddii intasi timaado in aanan loo baahneeyn iskaashi qabiil oo dulmi ku dhusan.) 1991 caqligii lagu shaqeeyn jiray ma soconaayo wallaakiis

Oromow maanta ma joogto 1991,midnimo H/gidir waxaa sal u ah nabada in la baadigoobo,maanta dhamaan heebta H/gidir waxaa eey taageersan tahay Sheekh Shariif gudaha iyo dibadaba sida aad aragtay ama aad maqashay,dib u fiiri bahweeynta H/gidir dibadaha jooga jufa walbaa waxaa eey soo dirtay hambalyo iyo farxad ku wajahan taageerida Sheekh Shariif sida oo kale gudaha waa laga taageeray,wallaalkeey haddaanan la taageerin nabada lagana wada shaqeeyn nabada dhibka weligiis waa jirayaa,Sheekh Xassan Daahir manta waxaa uu haystaa in ka yar 10% reerka uu ka dhashay ama H/gidir ama jufadiisa Ceeyr waxaana sabbab u ah colaada iyo dagaalka uu sheegay in uusan dhamaan weli balse uu la dagaalamayo wax walba oo ka soo baxay shirkii Jabuuti Shariifkana uu yahay murtid gaalo raac ah.Sheekh Shariif taageero somali oo dhan ayuu haystaa,reer walba ayaa taageeray,culumada somali iyo kuwa caalamka ayaa taageeray maxaa lagu diidayaa shareecada in lagu dhaqmo lana soo celiyo nabada aniga ma garanaayo!
 labadaa cida diidan???????? qabiil aanan hoos iskugu noqon oo aanan is gumaadin ma jiro dib u fiiri somali oo dhan,hadaba cidwalba waxaa kaafiya nabada iyo cadaalada in la soo wada celiyo,la damaand qaado in aanan leeysku xadgudbin mardanbe.

Taariikhda mugdiga xiligii laga sheeykeen lahaa lama gaarin,xiligaan waa xiligii loo ololeeyn lahaa nabada iyo wada noolaanshaha umada somali,Qoraaga waa in uu kala gartaa sabinka ama wakhtiga colaada,wakhtiga jihaadka,wakhtiga xoreeynta dalka iyo wakhtiga nabada,isku soo dhaweeynta,is ogolaashada,wadashaqeeynta,farxada,wallaalkeey waxaan dhihi lahaa waxaa lagu jiraa wakhtigii nabada la abuuri lahaa lagana shaqeeyn lahaa,N:Cade iyo Axmed C/salaam geedkii eey abuureen mirihii ka soo baxay waa wakhtigii eey guran lahaayeen shacabka reer Muqdisho,haddii la garan waayo ama la diido abuurkii,dadaalkii,siyaasadii iyo kobcintii mirahii ka soo baxay shirkii Jabuuti in maanta reer Muqdisho eey gurtaan sow qasaare maahan?????????

Dagaal Ooge walba oo xiligaan jooga dalka ama dowlada ha u shaqeeyo ama dibada ha ka joogee xiligii la qaban lahaa lama joogo waa dhab in danbiyo dagaal uu dalka ka dhacay,nin walba oo dambi ka galay dalka waxaa la qabanayaa marka nabada iyo wada jirka uu adkaado dowladnimadana eey ku istaagto cagaheed ayaa mudan in la baadi goobo cidii danbi gashay ,inta ka horeeysana waa in la wadaa diiwangelinta shaqsiga iyo taariikhda falka danbiga dhacay,marka degdeg ma fiicna saabiruu..

Sheekh Shariif cidna uma qafaashana,waa madaxweeyne umad sidaa awadeed waxaan aad ugu xumahay in la dhaho haddii uu fulin waayo,haddii uu qaban waayo,haddii uu yeeli waayo iwm dalka waxaa uu u dhaxeeyaa qabiilaad faro badan qabiil walbana lama qancin karo balse waxaa jira meel-dhexe oo eey umada iskugu timaado mudane in la wada ilaaliyo,sida in laga wada shaqeeyo nabada oo ah furaha dowladnimo,in cadaalad la abuuro,in aanan leeysku xadgudbin,xaq qofka uu leeyahay dhiigiisa maalkiisa sharfkiisa cirdigiisa diintiisa in naftiisa in aanan lagu xadgudbin.reer walba waxaad moodaa in uu Sheekha leyahay haddii aadan qodobadaa fulin dowladnimada ma socon kartao sow cajiib maaha ??????


Dr.Ali.A.Hirabe                               
    
Hirabe_a@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip