Hal Bowli ah, Nirig Xalaal Ma Dhasho !!!! (Qormo Xiiso Badan)

0
Friday February 13, 2009 - 22:23:32 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal Bowli ah, Nirig Xalaal Ma Dhasho !!!! (Qormo Xiiso Badan)

    Tan iyo Bixitaanki Ciidamada Iithiopia ee Gudaha Soomaaliya ayaa waxa dhagaha shacabka ku halakoobay Dagaalada Soomaaliya kusoo dhacayay hadalo kul kulul oo hawada ay isu marinayaan kooxo hal jiho isla ahaa dhowr bilood ka hor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo Bixitaanki Ciidamada Iithiopia ee Gudaha Soomaaliya ayaa waxa dhagaha shacabka ku halakoobay Dagaalada Soomaaliya kusoo dhacayay hadalo kul kulul oo hawada ay isu marinayaan kooxo hal jiho isla ahaa dhowr bilood ka hor.

 

Hadaladaan kulul ayaa waxa ay umuuqdaan kuwo lidi isku ah mararka qaarna shaki galin kara cid kasta oo isku dayda in ay gartooda qaado kolka cid waliba soo bandhigto aragtideeda.

Aragtiyada kala gedisan ee kooxihi lamagac baxay muqwaamada ayaa waxa ay tahay mid aan isu dhaweyn mararka qaarna ka gudubta dagaalka qabow ay iminka udhaxeeyo.

Qilaafka ayaa waxa uu cirka isku shareeray kolki ay meesha ka baxday burburkii heshiiska jabuuti taa oo qodobadiisi badankood fuleen kana soo baxeen dowlad uu hogaamiye Sheekha ay Soomaalida sida ba'an utaageerto Sheekh Shariif kaasi oo dhowlu tuski ugu balaarnaa ee Siyaasadeed kusameeyay kooxihi ku diidadanaa fakirka.

Hadaba qaar badan oo kamid ah Bulshadii dagaalada ka waday soomaaliya hogaamiya yaasheeda ayaa si indho la'aan ah utaageeray Himilada Sheekha ee uu kuhogaaaminayo Dalka iyagoo u aaneynaya in uu yahay nin la raaco isla markaan dadka ay macaadeen una baahan yihiin nabad iyo kala dambeen.

Waxa taa cod dheer ku diiday sheegayna hoosha jihaadka in ay iminka bilaaw tahay qaar ka mid ah kooxihi kacdoonka kuwaasi oo sheegay in masawirka iminka umuuqdaa oo yahay Madaxweyne Yuusuf oo shaarkii loo badalay .

Hadaba Sheekh Shariif iyo Taagerayashiisa ayaa waxa soo wajahday Caqabadi ugu balaarneed ee hergalinta nidaamkiisa Dowliga taa oo laga dhadhansan karo hadalada ugu kul kul ee saacad walba laga maqlayo warbaahitna.

Abwaan Abshir Bacadle, rag kale oo fara badan horayna loogu yaqiinay kicintii iyo Abaabulki Dagaalada lagula jiray Ciidamada Ithiopia ayaa cod baahiya ka yiri Walaahi in aan dhiigeena la baneesan karin oo dhiig muslim idinka yahay iyo Hadalo kaloo umuuqda in halgankii cidna uga horeen raga maanta nabada qaatay balse la weeciyay ujeedadi halganka.

Hadaba Somalida waxa ay tiraahdaa " Hal Bowli ah Nirig Xalaal ah Ma dhasho" taa oo cadeyneesa in Sheekha iyo Taageerayaashiisa laga sugayo In ay Quluubtooda ka tiraan Dhalintii ay marka hore umeersheen Jihaadki iyo Janadi Dhax tiilay Dhiiga Shacabka Soomaaliyeed taa oo iminka adagtahay ka tir tirida Cajalki ay duubeen.

Abwaan Bacadle ayaa Maanta waxa uu yiri goob ay isugu soo baxeen qaar badan oo ka mid ah taageerayasha Dowlada " ma banaana in madaafiic lagu garaaco shacabka dhaxdiisa, Waayo jawaabta ay bixiyaan Amisom iyo kiinaba wixi ku dhintaa waa idinka " Hadalkaas kadib ayoo yiri waxa dhihi doontaan xiligi Ciidamada Ithiopia oo madaafiic aan loo meel dayin lagu tuuri jiray shacabka dhaxdiisa maadan ka hadlin " Hadaba aqristoo waa dhab ma aysanka hadli jirin dhiiga shacabka ay labaneesan jiray .

Hadaba hadii shalay ay banaaneed dhiiga Shacabka Soomaaliyeed oo ajir ay ku heleen kuwii ku baxay ama iminka jooga maxa diidayo in kuwa iminka wadaana ay jano galayaan.

Hadaba Somalida waxa ay dhahdaa been Fakatay Run ma Gaarto Madaxweyne Sheekh Shariif oo runtii ah nin degan isla markaana aan looga baran hadalo dacaayad ah in uu ka faafiyo raga ay is hayaan sida ay ku kacaan rag badan oo sheekha ku diidan siyaasada ayaa hadane Sheekha iyo kaabayaashiisa waxa falaar cirka ugaman.

Hadaba Walaalaha Kacdoonkow inkastoo xaq uleeheedeen in aad ka dhiidhisaan Cid kastaa oo aan ka tarjumin danahiina ayaa hadana waxa loo baahan yahay in markastaa aan laga bixin xeedaabka Shareecada Islaamka taa oo iminka heesata Ragi shalay kuheshiiyay baneesashada iyo jana kugalka Muslimiin Ashahaadaneeso oo qudha laga jaray.

Hadaba Qormadeeda waxa kusoo koobayaa Xadiiska Rasuulka CSW ee ahaa Ninki Daalim Ukaalmeeyo Isaga ayaa lagu Salidaa ee Waxa alle Ka baryeenaa in uu naga Cafiyo  Dhamaan Dunuubtaan dhib iyo Dhibaato enooga filan intaan Isaga ayaa Ah Mid Naxariis Badan, Isaga ayaa Ah mid Wax walba Awoodo, Isaga ayaa Ah midka Dila oo nooleeya, Isaga ayaa ah midka jaasiya Naf walba waxa ay Geesata, Alow wax ka culees badan maleh in baneesta goynta Naf Muslim ah ee Alow Quluubteena Isu Soo Dub Gaalnimo Isku Xukmin Wax Dhaw Maahe !!!!!!!!!!

W/D:Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmasterka Shabakada Warsheekh
E-Mail:
Farxad95@hotmail.com
-
webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip