DARXUMADA DEGMADA RAAGA CEELLE YAA KA DAMQANAAYA!! (Aaway dadkeedii?!)

1
Saturday August 10, 2013 - 23:50:27 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DARXUMADA DEGMADA RAAGA CEELLE YAA KA DAMQANAAYA!! (Aaway dadkeedii?!)

    Jiritaanka aduunyada waxa ugu muhiimsan waa dad, dowladnimo iyo deegaan.Saddexdaas mid ka mid ah hadii la waayo labada kale ma taagnaan karaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jiritaanka aduunyada waxa ugu muhiimsan waa dad, dowladnimo iyo deegaan.Saddexdaas mid ka mid ah hadii la waayo labada kale ma taagnaan karaan.
Degmada Raaga ceelle waxay nasiib uyeelatay iney dadkeedi weyso, dowladna weyso.

YAA UHIILlIYAY DEGMADA RAAGE CEELLE?

Waxaa uhiilliyay Allaha unaxariistee Marxuum Maxamed Siyaad Barre oo degmo uaqoonsaday 1990-kii ayada iyo degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Allaha unaxariistee wuxuu ahaa muwaadinkii noogu dambeeyay ee wax dhisa waxna aan dumin.

Waxaa marlabaad uhiilliyay Degmada Raaga Ceelle, Xukumadii KMG-ka aheyd ee Ra’isal-wasaaraha uu ka ahaa Prof. Cali Maxamed Geedi taasoo ku soo saartay faafinta rasmiga ah aqoonsi degmo.

Dowladahaasi kala duwanaa ee uhiilliyay degmada Raaga-Ceelle waxaan usawiraa in deegaanku dad leeyahay…La mood noqonse weyday!

Markii la soo saaray faafintaasi dambe maamulkii la magacaabay wuxuu ka jaanqaaday meel Eber ah,ayadoo qofkii wax fahmaya uu dareemi karo in deegmo curdun ah ay ubaahantahay kobcin.Ma helin gurmad iyo gacan, Hiil gudaha iyo dibadda ah.

Illeyn waxaa laga yaabaa dadka ugu badan deegaanka inaaney ubisleyn horumarin deegaan iyo degmo waxa ay tahay.

Hadaba maamulkaasi oo ahaa kii ugu dambeeyay oo maamul dowladeed ah isagoo la tacaalaya daruufaha adag ee heystay degmada iyo wacyigelinta bulshada ayaa waxaa ku yimid Khalkhal dhanka amniga ah kaasoo kaga yimid Ururkii burburay ee la oranjiray Maxaakiimta Islaamka.

Ururkaasi waxa uu daaqa ka saaray maamulkii halkaasi ka jiray, waxaana sidoo kale ururkaasi uu qaatay agabkii iyo anfacii ay sida gaarka ah ulaheyd degmada, iyadoo la ogaa wixii ka dambeeyay.

Hadaba su’aasha taagan ayaa waxa ay tahay Degmada Raaga Ceelle yaa umaqan?

Yaa ujooga? Yaa udamqanaaya? Yaa iska leh? Yaa udhintay? Yaa ku dhintay? Yaa unaafoobay? Yaa unool? Yaa udhashay? Yaa ka dhashay? Yaa ku dambeeyay? Ya jeriyay? Yaa keenay? Yaa waayay? Yaa lagu dulleystay? Yaa deeq geliyay? Yaa cod ku daafacay? Yey uroontahay? Yey dhibeysaa?

Dadkeedi wax kale Hadduu kari waayay waa uu qeyli waayay! Waxaa la yiri (Ciyaayaa loo ciidamiyaa.)

Degmadu hada malahan maamul dowladeed kamana arimiso dowlada hada ka jirta dalka, iyadoo dhibane ay tahay degmada ayaa hadana magaceeda looga qaraabtaa xafiisyada dowlada iyo Hay’adaha samafalka.

Waxaa jirta in deeq badan oo degmada ay ka heshay Hay’adaha samafalka iyo dowlada oo isugu jirta Raashin, Xoolo Nool, Daawo iyo Waxbarasho aan la gaarsiinin degmada iyo dadkeeda ayna jeeb ku riteen qowleysatada unool majaxaabinta degmada Raage Ceelle ee sheeganaya inay masuul yihiin.

Waxaan isleeyahay waxaasi oo dhan waxaa fududeeyay ka maqnaanshaha degmada ay ka maqantahay gacanta dowlada, waayo hadii gacanta dowlada ay ku jiri laheyd waxay heli laheyd degmada hogaan bulshadu ay soo dooratay.

Wanaag ruuxii sameeya Taariikhda Baal dahab ah ayuu ka geli doona kii xumaan sameeyayna Baal madow ayuu geliyaa ee Inta fahamka usaaxiibka ah ee ku abtirsaneysa magaca degmadeyda Raage Ceelle, waxaan leeyahay ka kaca fadhiga oo uistaaga sidii dib loogu soo celin lahaa sharafkii iyo karaamadii ay laheyd degmada iyo dadkeeda.


Isku soo wada duuboo Deg. Raaga Ceelle Cadceedbaa Dul-taaganoo Dhididbaa ka da’ayee dadka Raage Ceellow dibad iyo gudahaba yaa damiir fiyooboo dowladnimo yaqaanoo dhibaatadu damqeysaa?

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip