Wahaabiyo oo doonayso in ay inqilaabto Ahlu suna Waljameeca (Xog Dhab Ah)

0
Wednesday February 18, 2009 - 14:30:34 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wahaabiyo oo doonayso in ay inqilaabto Ahlu suna Waljameeca (Xog Dhab Ah)

    Kulan Balaaran oo ay baryahaan wadeen koox Culimo katirsan Wahaabiyada Soomaaliya ayna abaabulayaan Madax Carbeed oo ku abtirsaneeso Maxamed Abdi Wahaab ayaa waxa uu ka socdaa gudaha Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan Balaaran oo ay baryahaan wadeen koox Culimo katirsan Wahaabiyada Soomaaliya ayna abaabulayaan Madax Carbeed oo ku abtirsaneeso Maxamed Abdi Wahaab ayaa waxa uu ka socdaa gudaha Magaalada Muqdisho.


Kadib bilashada Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya oo shacbiga soomaaliyeed si weyn usoo dhaweeyeen ayaa hadana waxa la rumeesan yahay in dowladaani manaasibta ugu waa weyn ee ka hayaan kooxahaan wahaabiyada oo si miyir la’aan ah ugu shubmay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya..

Hadaba kusoo biirida Baarlamaanka iyo hanashada madaxnimada Soomaaliya ee  ee Dowlad Midnimada qaran ayeey waxa ay isu tuseen kooxdaan kulanka abaabushay jaanis af gambi ay ku doonayaan in ay hogaaminta diimeed ee Ahlusunna Waljamaac ee Soo jireenka ay shir dhalanteed ah ku qaataan oo cid soo doorata iyo cid soo abaabushaa aysan jirin.

Kulankaan ayaa sida la sheegaya waxa laga doodayaa ugu horeen qodobo xasaasi ah  oo ka dhan ah  ee lagula wareegayo hogaaminta diimeed ee Ahlusunna Waljamaac ay heestaan Shacbiga soomaaliyeed iyadoo la doonayo sida tashwiish ama qal qal diini ah loogu abuuro lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Kulankaan  oo ka socda Hotelka Garguurte ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa kasoo qeyb galay inta badan Culimada Kooxda Wahaabiyada oo ay caqiidada ku kala tagsan yihiin iyadoo laga gol leeyahay in ay ku dhawaaqaan gudi sare oo loogu magac darayo hogaanka arimaha diinta ee Soomaaliya .

Hadaba si kasta oo ay ahaataba arinkaan iyo arimo badan oo horay la isugu dayay ayaa waxa ay noqdeen kuwa raqiis ah oo shacbiga soomaaliyeed ee ku dhagan caqiidada suuban ee Ahlusunna Waljamaac kuwo aan ka gadmin iyagoo kaga  jawaabeen af iyo edin.

Hadaba dhamaan Culimada Somaaliyeed ee Ahlusunna Waljamaac waxa ay ugu baaqeen shacbiga soomaaliyeed iyo shacbi weynaha islaamka in fiiro gaar ah ay uyeeshaan kulanka caqiido duufiska ee ka socda Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxa fariin digniin ah loo diray hogaanka sare ee Dowlada Midnimo qaran iyadoo loogu baaqay in ay iska ilaaliyaan tuhunada laga dareemayo taasow durba kasoo bidhaameeso in ay culimo u aqoonsaneeso kooxihi fatwooday baneesashada dhaca iyo dilka Umada soomaaliyeed ee Maanta afkooda ku inkiray

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip