Culuma'udiinka Ahlusunnah oo La Wareegay Hogaanka Sare Xukuumada Dowlada Deegaanka Soomalida Ee Wadanka itoobiya

0
Friday February 20, 2009 - 11:10:35 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culuma'udiinka Ahlusunnah oo La Wareegay Hogaanka Sare Xukuumada Dowlada Deegaanka Soomalida Ee Wadanka itoobiya

    Culuma'udiinka Ahlsunnah Waljamaac ee Magaalada Jig Jiga oo dhambaal soo gaarsiiyay shabakada Arimaha Diiniga ah ee Warsheekh oo Goor walba si weyn uga faalooto Aqbaaraadka Culimada iyo Xirta Ahlusunnah Waljamaac gaar ahaan Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culuma'udiinka Ahlsunnah Waljamaac ee Magaalada Jig Jiga oo dhambaal soo gaarsiiyay shabakada Arimaha Diiniga ah ee Warsheekh oo Goor walba si weyn uga faalooto Aqbaaraadka Culimada iyo Xirta Ahlusunnah Waljamaac gaar ahaan Soomaaliya.


 

Dhambaalkaan ayaa waxa uu qornaa sidatan.

 Waxa Isbadal Balaaran lagu Simeeyay Madaxdii Arimaha islaamka iyo  soocelinta Doorki Ahlusunah wal jamaaca Ee Xukuumada Dowlada Deegaanka Soomalida Ee Wadanka Itoobiya ee Magaalada Jigjiga, iyadoo Xilal laga Qaaday Shaqsiyaadki horay uga Tirsanaa Dowlada Deegaanka Soomaalida Kuwaasi oo heestay Caqiidada Wahaabiyada, Waxaana kamid ahaa Madax waynihii hore ee Deegaanka Soomaalida oo Magiciisu yahay (Cabdulaahi Lugbuur ) oo la eryay hada iyo dhaman qaybahi kaladuwanaa ee ka koobaneed dowlada deegaanka soomaalida

Waxaa lagubadalay Madaxwayne (Daa,uud Maxamed Cali) waxaa uubilaabay inuu wax kabadalo Nidaamki uu kudhaqmayay Madaxweynihi ka horeeyay ee  lugbuur  waxyna noqotay talaabadii ugu horeesay uu qaado Madaxweyne Da'ud inu iskugu yeedho dhamaan shaqaalaha Wasaarada Shareecada Islaamka iyo Golaha Arimaha Islaamka si uu ulashiro Una Ogaado  ruuxwalba  iyo Aqoontisia halka ay gaarsiisan tahay sidoo kale waxa lagu ogaanayay kulankaani Caqiidada ay aamisan yihiin Shaqaalaha wasaarada.

Kadib Ukuur galida Xaalada Shaqaalha wasaarada ayaa Madaxweynaha Waxa u cadaatay in Shaqaalaha Wasaarada aysan aheyn Bulsho ka caafimad qabta Caqiidada Wahaabiyada oo ay yihiin  wahaabi soocan oo uusan Ku jirinba Shaqsi ka caafimad qaba kooxdaan wahaabiyada Isagoo qaaday talaabadan oo ah ina laga qaado wahaabiyada xilalkii ay hayeen oo lagu badalo Culuma'udiin ehel u ah Hogaaminta iyo hagida Shacabka Ahlsunnah Waljamaac.

Gudoomiyaha Golaha Arimaha Islaamka ee Dowlada Deegaanka Soomaalida ayaa waxa loo Magacaabay Shariif Saabid Shariif Axmed waxaana gudoomiya kuxigeen lagadhigay (Sayid Nadiir Sayid Nuur kaldhayare ) Waxana sidaas lagu doortay xubnihii kale ee golaha islaamka iyo shareecada islaamka, Sidoo kale  waxaa lago'aamiyay ilaayo gobolada iyo dagmooyinka in dibu Shaandheyn lagu Sameeyo Shaqaalaha Dowlada iyadoo la badalayo Dhamaan kooxdii wahaabiyada lana xidho, iyadoo danbiilayaasha qaarkoodna la Xiray sida godoomiyihii hore ee arimaha islaamka (Cumar Dhuuxwayne) iyo kuxigeenkiisii (Axmed Aabi) oo lagu wado midwalnba inlagu xukumo 20 sano taqriiban hadii ilaahay yidhaahdo

 Sidoo kale Dowlada ayaa waxa ay ku baaqday in la sameeyo Majlis balaaran oo lagu dhigo xafladaha diiniga ah ee lagu weyneenayo Shareecada Islaamka.

W/D:cabdi kamas (da_nod@hotmail.com)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip