Culama'udiinka Ahlusunnah Waljamaacah Oo Nasteexa Udirayo Sheekh Soomow .

0
Friday February 20, 2009 - 11:14:29 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culama'udiinka Ahlusunnah Waljamaacah Oo Nasteexa Udirayo Sheekh Soomow .

    Culuma'udiinka Ahlsunnah Waljamaac ee Soomaaliya ee Gudaha iyo dibada ayaa waxa dhambaalo Xasaasi ah is daba joog ah soo gaarsiiyeen keedka Shabakada Warsheekh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culuma'udiinka Ahlsunnah Waljamaac ee Soomaaliya ee Gudaha iyo dibada ayaa waxa dhambaalo Xasaasi ah is daba joog ah soo gaarsiiyeen keedka Shabakada Warsheekh.

 

Dhambaalkaan ayaa waxa dhamaan loogu baaqay Culuma'udiinka Ahlusunnah Waljamaac ee Soomaaliya  in ay usara istaagaan xal uhelida arinka murugeesan ee dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

Baaqaan ayaa sidoo kale waxa lagu taageeray loogana duceeyay Mujaahidiinta Ahlusunnah ee ka dagaalamayaa Qaar badan oo katirsan Deegaanada Gobolada Dhexe ee Soomaaliya iyadoo culimada alle uga baryeen in guusha haleeshiyo.

Sidoo kale Culimadaan ayaa waxa ay nasteexo udireen Sheekh C/qaadir Soomow oo isaga indhawaalaba qalabka warbaahinta hadalo gaf iyo iska horkeen uga dirayay Culuma'udiinka Soomaaliyeed ee Ahlsunnah Waljamaac isagoo sidoo kale kulamo dhabar jab ka sameeyay gudaha Soomaaliya taa oo aan xal noqoneen xalkana yahay Kitaabka iyo Sunada Nabiga (CSW) iyo Sooyaalki quruxda badnaa ee Culuma'udiinka Ahlsunnah oo marnaba looga baran hadalada Ceynkaan oo kale.

Nasteexo: Sheekh C/qaadir Soomow waxa uga nasteexeeheenaa Inuu ka Waantoobo  Kulamada aan laga baaraan degin oo isugu yeero Qaar ka mid ah Culuma'udiinka Ahlusunada iyadoo sidoo kalena qadka lasoo geliyo Culuma'udiin Waaweyn oo ugu sheego in ay Duceeyaan kadibna Warbaahinta mariyo Hadalo gaf iyo dhaawac ku ah sharafka iyo Mujaahidiinta Ahlsunnah Waljamaac ee Soomaaliya Gaar ahaan  Gobolada dhexe.

Dhambaalkaan ayaa sidoo kale waxa fariin taageero iyo dhiira galin ah loogu diray Culimada Ahlusunnah ee halganka ka wada gobolada dhexe iyo xirtooda iyo shacabkooda iyadoo loo tahniyadeeyay guusha ay gaareen iyo nasriga ay bilaabeen iyadoo Culimada Markale dhaheen jihaadka halkiina kasii wada, dhanka kalena waxa ay ugu baaqeen dhamaan Culimada Ahlusunnah Waljmaac in ay geeskooda ka raacaan Nasriga Soo Ifaayo ee Mujaahidiinta Ahlusunnah Wadaan.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip