Maxaad Ka sugeeysay Culumada oo kale ?
1) In eey ka hadlaan qaacidada 4.5 ee lagu soo dhisay dowlada midnimo qaran ama federaalka,waxaan dhihi lahaa somalia xaga aduunka xiligaan kama sinna waayo waxaa umada loo kala qaaday 4 beel iyo bar su´aal ???? Culumada maxeey ugu hadli waayeen oo eey u diidi waayeen in eeyan jirin wax la dhaho 4.5 mise culumadii ayaa ogol in eey wax ku qeeybsadaan qaacidadaa foosha xun ??? aniga waxaan tuhmaya in culumada maanta eey aad ugu fog-yihiin cadaalada balse marwalba u tusa in eey jecel yihiin shareecada in dalka lagu dhaqo halka eeyan aqoonta u laheeyn dhibka,cawaaqib xumida aayaha dabne iyo mida maanta eey ku jiraan umada somali oo loo baxshay bar ama beelaha shanaad somalia waa dad simman xagwalba somaliada waxaa eey dhahdaa Nin walba meeshii buktaa belbesha,inta somalida ugu daacadsan,ugu faraha badan ugu diinta fiican,aanan dagaal ka soo qeeyn qaadan,ogol in nabada iyo wadanoolaansha somali la helo ayaad waxaad moodaa in culumada eeyan ka hadal xaqa ilaaheey siiyay ee ah sin!
naanta aadanaha xaga fikirka,aqoonta,siyaasada,nolosha iyo hurumarinta dalka.waxaan tuhmayaa culumada isku tagyay in eeyan ku jirin culumada waa weeyn ee beelaha shanaad haddii kale waa eey ka hadli lahaayeen xaqa iyo wanaaga umada somalia.Haddii eey sidasi u dhacday waxaan kula talin lahaa culumada beelaha shanaad waxaad soo bixisiin kitaabada cod dheerna ku diida wax laba goodlaha uu idinku qasbaayo ee ah in aadan dhameeyn balse aad nus tihiin,somaliada waxaa eey dhahdaa Nin aan hadlin habartiisba qadisay .
2) Culumada kama eeyan hadal waa maxay Federaal ?? yeey maslaxad ugu jirtaa waayo somalia waa Qoys leh hal af,hal diin,hal dhaqan,sunna ah shaafici ah maxeey culumada ugu hadli waayeen arinkaa ?????????
3) Culaumada waxaa laga sugayaa in eey dib u fiiriyaan dowladaha ka jira mandaqada sida dowlada Puntland oo ku dhaqanta sharciga calmaaniyada iyo mida somaliland oo iyana ku dhaqanta calmaaniyada labaduba waxaa eey ka go´een somali weeyn waxaana eey sinji ahaan sheegtaan somali,waa shaafici,hal-af,hal-dhaqan ayaan wada leenahay, hadaba waxaa is weeydiin leh sidee culumada ka soo jeeda dhulkaa ogna waxa ka jira noogu sheegi karaan ku dhaqanka shareecada islaamka,reer koonfur waxa uu cadowga soo jireenka ahaa ugu soo duulay waxaa eey aheeyd maxeey u qaateen shareecada islaamka ??? reer koonfur waxaa eey isku diideen iskuna dileen qaadashada shareecada islaamka halka reer Puntland & Somaliland eey isku ogolaadeen qaateena mabda´a calmaaniyada mudo hada laga joogo 18 sanno waxaan aad ugu xumahay in eey jirto waxa loo yaqaan duoble moral waayo culumada hada wax sheegeeysa ma hadeey dhulka ka soo baxeen ma hadeey ciida ka dhasheen maxeey wax ugu sheegi waayeen intii gumeeysiga da!
lka haystay xagee jireen ? sow ma qumana in eey diidaan calmaaniyada reer Puntland & Somaliland weli akhristow ma haysaa culumo ka hadleeysa dhulkaa dulmiga ka jiro,maxeey kuwa u dhashay uga aamusan yihiin xaqa ??????? Waxaan dhihi lahaa culumada eey wax ka go`aan mudane in wax laga maqlo waa kuwa dhulka,dadka iyo diinta Ehel u ah ee maaha nin degen qurbaha caruurtiisa iyo haweeneeydiida nabada kula nool dibadaha wax laga weey diiyo xaalada dalka iwm
4) Culumada kama eeyan hadlin ciidamada ajnabiga ee al-Shabaab wato balse waxeey ka hadleen ciidamada AMISON oo Sheekh Shariif hortiis yimid,kuna yimid qaraar eey gaareen AU.sabbabtii eey u yimaadeen AMISON waxaa dusha u ridanaya Maquuste iyo ragii guracanaa ee gumeeysi doonka ahaa,su´aasha jirtaa waxaa eey tahay ciidamada ajnabiga ee al-Shabaab la socda ee dhahaya waxaan tageeynaa Alaska iyo Jaban maxeey culumada ugu hadli waayeen,sow ma oga in dalka somalia uusan u baahneeyn ciidan u dagaala balse uu u baahan yahay nabada,dhalinyaro dagaalantaa dhulkeena lagama weeyn maxaa loo keenay oo uu Abuuroobow u lee yahay waan u guurineeynaa gabdhaheena iwm gumeeysigii Ethiopia dalka waxaa ka saaray dhalin yaro somalia ah waa ku ceeyb somaliada in dhalinyaro laga keeno dibadaha laguna balse dalka waxaa weligiis difaaciisa ahaa dhinta somali,aniga ma qabo sabbab loo keeno ajnabi dalka somalia guud ahaan gaar ahaan kuwa dhahaya islaamka ayaan u dagaalameeynaa iyo kuwo kale.
5) Culumada jihaadka in uu istaagay iyo inkale kama eeyan hadal maxaa sabbabay ?????
6) Dhaqanka foosha xun oo eey ku kaceen al-shabaab ee ah qodida qabuuraha qarbriyadii degaanada koonfur ee nabada ku aasnaa ragii qoday maxeey ugu hadli waayeen culumada mise kuwa la qoday waa culumadii beelha shanaad oo kaliya waana kuwa mudan in aanan laga hadal. ???????
7) Xiriirka Somalia iyo caalamka kama eeyan hadal Culumada iyada oo aan ognahay culumada qaar in eeyan aqonsaneeyn AU,UN iwm deriswanaaga iyo macaamilada aduunka maxaa diiday in eey ka hadlaan,somalia aduunkale kuma taal waxaan wax la wadaagnaa caalamka,hadaba sidee ulla dhaqnaa caalamaka
Beehada shanaad u istaaga xaqiina,laba goodle haka sugin in uu ku siiyo xaqaada xataa culumadooda weli waa eey diidan yihiin in eey ka hadlaan xaqiina alo sahal umuuraha.
Ha Noolaadeen beelaha shanaad Ilaah ha xafido dhamantood.
DR.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com
Culumoy Xaaraanta ka Hadla Xalaasha Dhaafa ( maqaal )
Somalida waxaa eey dhahdaa Runi rag kama nixiso,waxaa eey ujeedadeeyda tahay culumada waxaan ka sugeeynay inta eey sheegeen in ka badan oo runtii xaqdaro iyo cadaalad xumi ku ah umada somali xiligaan aan ku jirno,in baarlamaanka la geeyo ku dhaqanka