Dr Culusow Diin Diid & Dowlad Diid. Maqaal AQriste...

0
Thursday February 26, 2009 - 13:09:21 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr Culusow Diin Diid & Dowlad Diid. Maqaal AQriste...

    Waxaan aad ugu xumahay in Dr.Maxamud M. Culusow ahna Gudoomiyaha Gudiga siyaasda Beesha Ceeyr uu noqdo nin ka soo horjeeda dowlada midnimada qaran halka uu asaga ka midka ahaa dowladii federaalka ee Maquuste hogaanka u qabtay, waxuu noqday Guddoomi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan aad ugu xumahay in Dr.Maxamud M. Culusow ahna Gudoomiyaha Gudiga siyaasda Beesha Ceeyr uu noqdo nin ka soo horjeeda dowlada midnimada qaran halka uu asaga ka midka ahaa dowladii federaalka ee Maquuste hogaanka u qabtay, waxuu noqday Guddoomiyaha bankiga dhaxe ee Soomaaliya, waxaase goordanbe laga qaaday xilka sabbabo lagu faafaahiyay lu-nsasho iyo isdabamaryeen xoolaha dalka

Marka aad akhriso qoraal uu ugu magacdaray Beec aan ka noqosho laheeyn lama saxi karo Akhristow qormadaa waxaa laga dhandhansan karaa mid xambaarsan dowlad diidnimo iyo mid uu ku kicinayo gaar ahaan beesha uu ka dhashay iyo guud ahaan somalida.
Somalida waxaa eey dhahdaa dowlad xun dowlad laįan beey dhaantaa,haddiiba aan ku tilmaamo dowlad xun mida maanta jirta sow lama dhihi karo dowlad laįan ayeey dhaantaa marka aad u fiiriso dowladii aad ka tirsaneeyd hogaankeeduna uu ahaa kii sabbabay in dalka eey keenaan cadowgii soo jireenka ahaa ee xabashida,
waa xaqiiq in hogaanka cusub ee dowlada midnimada qaran uu dhaamo midkii Maquuste iwm. Somalida waxaa eey dhahdaa Carrab dalab leh waa la gartaa uur dadbanse lama garto Dr Culusow waxii uu soo maray cidna ma mooga waxa uu hada ku sugan yahayne cidna ma mooga waatii uu noqday la taliyaha sirdoonka CIA ee arimaha somalia, waxaa uu marar faro badan la kulmay safiirka USA ee Kenya arimaha somlaia u fadhiy ujeedadada waxaa ugu weeyneey!

> d in uu ka warbixiyo reerka uu ka dhashay guud ahaan gaar ahaan beesha uu ka soo jeedo waa dhacdo aan marna la qarin karin, xiligii uu soo baxay ururkii ashaahda la dirirka waxuu ahaa ninka difaacayay beeshiisa safiirka USA gurigiisa ugu geeyay Ugaaska beesha, Dr Culusow waxuu noqday ninka kaliya ee ku dhiiraday in uu kaxeeyo beesha xagaa iyo Ethiopia si uu u abuuro xiriir iyo cilaaqaad dhexmara beesha iyo Ethiopia, suįasha jirtaa waxaa eey tahay Dr. Culusow maxuu dowlada midnimada qaran ku diiday ???
sida qormadiisa ka muuqato waxaa uu ku diidan yahay aqoon daro hugsan yaan la ii talin yaanan la badbaadin caruurta haweenka kuwa qaxay ee geedaha hoos jiifa waxaase runta eey tahay miyuusan ogeeyn in haddii dowladaani oo la taageeeraa eey dan weeyn ugu jirto jufada uu ka dhashay iyo somalia guud ahaan, Sheekh shariif xiligaan waa madaxweeyne qaran waxaa quman in aad raacdaan waayo badbaadada beesha asaga ayeey ku jirtaa, waayo waxaa yimid nin ku leh aan wada-hadalno aan wada !

noolaano iwm miyaadan ogeeyn in Maquuste weligiis uusan dhihi!
n aan wa

da-hadal aan wada-noolaano iwm, xaqiiqdii waa eey dhamaatay looma dhama,reerkeena kuma jiro wasiirada iwm balse waxaa quman in aan taageerno waxii ka soo baxay Jabuuti oo ah nabada iyo wadanoolaansho dhabta ah ee umada somaliyeed.Somalida waxeey dhahdaa Raad arrooryo dib looma raaco waan ognahay waxa aan soo marnay iyo nolosha shacabka dulmani meesha eey joogaan maanta,kibirka isla weeynida iyo nabada oo la diido waxeey na geeysay meesha aan aragnay ee aheeyd in Ethiopia gaalo dalka qabsadaan, Dr Culusow waxaan kugu warhelinayaa dowladnimada waa soo celinta kala danbeeyta dowladnimada waa qaadashada nabada iyo badbaadinta shacabka 19 sanno lagu waday gumaadka, waxaan la dhahaa qofwalba wuxuu dhigtuu dheefsadaa, Sheekh shariif abaalkii uu ku lahaa beesha waxaa quman in aad ka soo baxdaan,taageertaan la jeclaataan waxa uu idiinla jecel yahay ee ah nabada waxa xamar dagaalka ka wadaa waa xisbul islaam oo runtii magaca runta uu yahay Xisbul Mooryaan waayo islaanimada waxaa ey no!
 qotay xiligan wax casri ah oo lagu gabado, yaa madax u ah xisbul mooryaan,akhristow halkaan ka aqriso:
 Cumar Iimaan Abuubakar (Baadi-Cadde) Gudoomiye, Xasan Turki (Ogaadeen) Gudomiye-ku-Xigeen koowaad
 Max'ed Mire (Majeerteen)Gud-ku-Xigeenka labaad, C/lahi Khadaab (Reer Aw-Xasan) Xoghayaha Guud
 Xasan-Mahdi (Reer Aw-Xasan) Afhayeen, C/qadir-Kumaandos(Ujuuraan) Xoghayaha Gaashandhiga
 C/samad C/lahi (Gaadsan,Dir) Kuxigenka Gashandhiga ,C/lahi Axmed Cumar (Gaal-Jecel)Xoghayaha Saadka.
Shiikh Xasan Mahdi oo ka warbixiyay Heshiiskii Sanca
Sow kaaf iyo kala dheeri maaha in ragaasi eey gumaadaan dhalin yarada beesha ceeyr ee uu wato indhacade iwm war halkee loo socdaa yaase owrku u raran yahay,waxaan filaayaa in eey cadahay hadafka xisbul mooryaan, waxaa eey diideen bayaankii culumada somaliya,waxaa eey diideen culumada islaamka aduunka, waxaa eey diideen hadaladii macaanaa ee madaxweeynahooda sheekh shariif xagee owrka loo wadaa, Dr Culusow xagee u socotaan ma noqon doontaan kuwa is daba qabta kana dhabeeya
 badbaadada shacabka aad ka dhalateen, taageerada beesha ma tahay mid dhab ah mise fikirkaaga iyo talooyinkaaga ayeey beesha ku socotaa ???
waxaan jeclaan lahaa ninwalba oo beeshaa u dhashay in uu dib u fiiriyo meesha umada eey joogto iyo waxii eey soo mareen, ma mudan tahay in aan diidno dowlada midnimada qaran mise waa mid waajib nagu ah in aan raacno ogaanana in sheekha hadalkiisa uu umada kula beeyactamay ee ahaa shareeca islaamiya in aan ka wardhorno.
 
 Jabhada OLF ayaa xamar ka dagaalameeysa,waxeeyna ku awoorkacsanayaan Indhacade iwm sow ma qumana in la fahmo xaqiiqda.


Xassan Mahdi iyo Xassan Turki iyo Yaasiin Beeynax Bare waxaa eey ka mid yihiin OLF waxeeyna ka soo jeedaan dhulak somalia galbeed maxeey xamar nabada ugu diidan yihiin, ujeedadoodana waxaa eey tahay waxba dhowran meeynee alow dhagaxyo soo daadi iwm haddii Dr Culusow iyo inta beesha horbooda eey fahmi lahaayeen qorshaha raga xisbul mooraayan waxaan sharaf ahaan laheyd in xamar dagaal uusan ka dhaceen fadlan garta waxa Xassan Turki shacbkiisa nabada ugu jiifaan jubooyinka iyo ku aad ka dhalateen uusan nabada ugu ogoleen.


 Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com

Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir
webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip