Jan. Saacid oo ku fashilmay in gabar ay qaraabo yihiin uu siiyo milkiyadda guri ku yaala Degmada Hodon (Warbixin xasaasi ah)

0
Tuesday November 12, 2013 - 17:34:15 in Wararka by
  • Visits: 1259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jan. Saacid oo ku fashilmay in gabar ay qaraabo yihiin uu siiyo milkiyadda guri ku yaala Degmada Hodon (Warbixin xasaasi ah)

    Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jan. Saciid ayaa ku fadeexoobay guri ku yaala degmada Hodon oo dacwadiisana ay ka socotay maxkamadda G/Banaadir, kaddib markii uu geeyay gurigaasi geeyay ciidamo ka tirsan Saldhigga Booliska Degmada Hodon.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jan. Saciid ayaa ku fadeexoobay guri ku yaala degmada Hodon oo dacwadiisana ay ka socotay maxkamadda G/Banaadir, kaddib markii uu geeyay gurigaasi geeyay ciidamo ka tirsan Saldhigga Booliska Degmada Hodon. Guriga oo ku yaala degmada Hodon, gaar ahaan xaafadda African Village cabirkiisuna yahay 20x13.5 ayaa Taliyaha ciidanka Booliska wuxuu doonayaa inuu xoog ku siiyo milkiyada gurigaasi gabar lagu magacaabo Raxiimo Maxamed Maxamuud oo ay isku heyb yihiin.

Caraaye Cali Jimcaale oo ah wakiilka guriga ay leedahay gabadha lagu magacaabo Sucaado Aadan Cali ayaa Saxaafadda u sheegay in Taliyaha Booliska Jan. Saacid uu ku amray inuu si xoog ah ku wareejiyo Dokumentiga guriga, wuxuuna sheegay inuu isagu taasi diiday.

Wakiilka guriga ayaa waxaa kale oo uu sheegay in muddo laba maalmood ah uu ku xirnaa xabsiga dhexe isagoo sii deyntiisa lagu xiray inuu ogolaado koobiga Dokumentiga, markii uu ogolaadayna la sii daayay, wuxuuna sheegay in isagu uusan gabadha uu sheegay Jan. Saacid isla markaana aanay wax dacwad ah dhex marin, balse Taliyuhu uu ku adkeysanayo in gabadhaasi ay ilmo adeer yihiin gurigana iyada ay leedahay milkiyadiisa.

Guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir Xaashi ayaa qoray warqad fulin ah, iyadoo dacwada dhulkana Maxkamaddu ka dhigtay mid ciqaab ah, halkii ay ka ahayd sharci ahaan dacwad madani ah.

Warqadda ka soo baxday Guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir Xaashi ayaa u muuqata inay tahay mid uu ku amray Taliyaha ciidanka Booliska G/Banaadir Jan. Saacid si loo baabi'iyo dacwadda ay qabaan dadkii sharci ahaan u lahaa guriga oo ah gabadha lagu magacaabo Sucaado Aadan Cali.

Dhinaca kale Taliye Saacid ayaa ku amray ciidamada Booliska Saldhigga degmada Hodon in cutubyo ka tirsan ciidamadooda ay degaan guriga, isla markaana xoog uga saaraan dadkii degenaa, iyadoo gurigu uu noqday xero ciidan oo saacadba saacadda ka dambeysa ay isku bedelayaan Booliska Saldhigga Degmada Hodon, taasi oo u muuqata inay tahay aar goosi qabiil iyo caadifad beeleed oo uu la soo baxay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Caraaye Cali Jimcaale oo u waramayay Saxaafadda ayaa baaq u jeediyay madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka ah inay wax ka qabtaan dhibaatada uu ku hayo Taliyaha Booliska Jan. Saacid, wuxuuna intaasi raaciyay in sidoo kale hay'adaha garsoorka ay soo farageliyaan dacwadda gurigaasi, isla markaana si degdeg ah loo qaado garsoor cadaalad ah.

Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya xaaladda gurigaasi ayaa sheegaya in Taliye Jan. Saacid uu ku daabulayo ciidamo fara badan, kuwaasi oo doonaya inay si aan sharci ahayn milkiyadda guriga ugu wareejiyaan gabadha lagu magacaabo Raxiimo oo ay qaraabo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

"Waxaan si cad u sheegayaa in wixii dhiaato ah oo ka yimaada gurigaas xooga nalooga heysto ay mas'uuliyadiisa qaadayaan Jan. Saacid iyo Maxkamadda G/Banaadir" ayuu yiri wakiilka guriga Caraaye Cali Jimcaale.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip