axaa dadka somali isku dhiibeen qabiilka oo ah mid xaqiiqdii aad ugu horeeya diinta islaamka , marka culumada somaliya ma ka fog yihiin qabiilka ????? waayo waxaad arkeeysaa qaar ka yimid Puntland jecel shareecada islaamka balse aanan awoodin in eey wajahaan xukumada Puntland in eey u sheegaan in sharecada la qaato laguna dhaqmo,qaar baa somaliland ka yimid iyada oo la ogyahay in somaliland eey ku dhaqanto calmaaniyada runtii waa kaaf iyo kal dheri.
Shareecda waxaa eey leedaha sharuudo sida salaada shuruudo u leedahay, qofka muslimka ah haddii uu rabo in uu tukudo waxaa waajib ku ah in qofkaasi uu buuxiyo arkaanul salaad sida, qofka waa in uu daahir yahay, qofka waa in uu soo weeysa-qaataa, qofka waa in uu wejigiisa qiblada u jeediyo, qofka waa in uu niyeeystaa salaada markaas uu tukanayo iwm sidaa oo kale shareecda islaamka waxaa eey leedahay dariiq loo maro inta aan la dhaqan gelin waxaana ka mid ah
a) Nabada in la soo celiyo lana taageero xaakinka, in la jeclaado in nabad lagu gaari karo cadaalada.
b) In Hubka la dhigo, gacanta loo geliyo xoogaga nidaamka shareecda fulinaaya sida Poliska,militeriga iwm
c) In la aamino xaakinka asiga oo loo arkayo in uu yahay awlul amar fulin kara shareecad dadkana ku abuuri kara kalsooni ku jirta nidaamka shareecda islaamka.
d) In la helo culumo si hufan u taaqan sharecad si eey u noqdaan xaakimiin wax ku xukumikara shareecada islaamka.
Adiicu laaha wadhiicu rasuula wa ulul amaru minkum. kuwa ilaah aaminoow adeeca Ilaah iyo rasuulkiisa ( SCW) iyo kuwa inka midka ah ee xukunka wado Xilgaan maanta cidwalbaa waxaa gurigeeda yaala hubkii, dadkana waxaa ku jira mid hub wata iyo mid aanan hub wadan sidee cadaalada u imaanee haddii eeyan dadka sineeyn xukunkana shareecadana yahay midka cadaalada
u qadi karo, culamadii baaqa soo saartay xaqiiqdii aad ayaan u dhaliilayaa sabbabo eey ka mid yihiin in eeyan ku dhawaaqin shareecada dhaqan galkeeda in eey ka horeeyso inta hubka shacabka uu haysto lagu wareejiyo dowlada shareecada dhaqangelinteeda balanka qaaday, qofka qoriga wata xaq uma laha in uu aarsado ama in uu hubka ku boobo hantida dadka,shareecda waxaa eey badbaadineeysa
qofwalba naftiisa,maalkiis ,diintiisa,sharfkiisa cisigiisa iwm waxaad moodaa in culumada eey qaateen qodobadii xisbul mooryaan idaacadha ka sheegayay, horena eey u sheegeen odayada hawiye,Axmed Diiriye & Xaad waxaa eey marar faro badan la kulmeen !
xisbiga mooryaan hadaladii ka soo baxayne waxaa uu ahaa laba qodob a) In AMISOM dalka laga saaro. b) In shareecad islaamka dalka lagu dhaqo.
Hadaba culumada ma dhihi karnaa waa ka daacad waxa socda, culumada waxeey qireen in eey joogaan booskii ambiyada balse waxaa dhab ah in hortooda lagu gumaado shacab muslim ah oo aan dagaalka ku jirin, dhiiga muslimka waa qaali waxaana quman haddii eey dhaheen waxaan joognaa booskii ambiyada waxaa waajib ah in eey soo bandhigaan xukun dhab ah cidii gumaadka geeysatayne in lagu xukumo shareecada islamka haddii la waayo taasi waxaa dhab ah in dambiga iyo dulmiga iyo gumaadka ka dhex socdo xamar waxaa wax ku lahaanaya culumada soo saaray baaqa sheegtayne in eey joogaan booskii abiyada. Culumada waxaa laga sugaayay wax ka weeyn waxa eey soo bandhigeen tussale.
1) Waxaa dhaqanka somalida ku soo kordhay burburinta qabuuraha qarniyo duugnaa, culumada maxeey ka qabaan dhaqankaa somalida ku cusub ??????
2) Al-shabaab ciidamada eey wataan xaqiiqdiina ah ciidamo ajnabi ah maxeey ka dhaheen culummada ?? muslimiinta waa wallaalo maanta ninka somaliaga ah uma safri karo caalamul islaam asaga oo aan wadan Pasapport, Visa, iwm marka Abuu-Robow waxaa laga haya gabdhaheena ayaan siineeynaa, Carabta gabar kuma siineeyso waxeeyna kuu yaqaanan adoon.
3) Caadada nagu cusub waxaa ka mid ah in la dhaho somalida waa 4,5 culumada maxeey ka qabaan arinkaa,miyeey jideeyeen nuska ama barka.
4) Yaa damaanad qaadaya haddii AMISOM dalka ka baxaan dekeda iyo madaarka oo runtii ayagaa gacanta ku hayo, haddii kale sow qabiilada diinta ku gabanaaya ma qabsanaayaan ????? waxaan tuhmayaa weli in culumada eeyan aqoonsaneeyn dowlada sheekh shariif ilaah garanaya wax walba.
Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com
Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.
Shareecad Waxaa Ka horeeysa Hubka dhigid. Maqaal Aqriste...
Diinta islaamka sida magaceedaba ka muuqata waa diin nabada jecel, Cafis tilaameeysa, dabacsanaan iyo barwaaqo ah, waxaa kaloo lagu fasiraa isuku dhiibid adoonka uu isku dhiibo Ilaahiisa asaga oo dhan, waxaan Ilaah ka barinaa oo aan dhahna mar-walba