Qaybtii 9aad: "Daroogooyinka waxeey keenaan dhibaatooyin aan laga kabsanin waligood"

0
Monday March 02, 2009 - 19:24:01 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Qaybtii 9aad: "Daroogooyinka waxeey keenaan dhibaatooyin aan laga kabsanin waligood"

    Mudane “Qaad/Jaad” iyo Marwo “Aroos” Labada eray oo aad aqrisay, kanaa qoslinsiin doono, qaarkeena fahanka micnaha ku adkaan doono ayaa ah laba eray oo ay caan iyo sharaf moodaan lamaanaha joogo maantay ee soomaaliyeed, micnah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane “Qaad/Jaad” iyo Marwo “Aroos” Labada eray oo aad aqrisay, kanaa qoslinsiin doono, qaarkeena fahanka micnaha ku adkaan doono ayaa ah laba eray oo ay caan iyo sharaf moodaan lamaanaha joogo maantay ee soomaaliyeed, micnaha is qaba, weliba caruurta isku leh. Dalka Ingariiska oo kale dumarka degen, waxeey sheegaan hadii laba asbuuc gudahood aysan aadin aroos ama xaflad in ay waalanaayaan, oo maskaxdooda juusta noqon karin.


Sidoo kale ragga degen Galbeedka waxeey ku fanaan in ay fadhiistaan meelaha jaadka ama qaadka lagu cuno, ninkii laga waayane waxaa lagu sheegaa inuu xaaskiisa iyo gurigiisa adoon yahay, oo uusanba jaad cuni karin, banaankana ku soo daahi karin, kooxanaha waa laga saaraa. Waxaana hada sii noqonaa wax caadi ah in aroos kasta ee la qabanaa la sii geeyo baakadu badan oo jaad/qaad ah, si ay u qaliyaan ragga, inta dumarka boodboodka iyo mashraxada ku jiraan.

Aroosyada noocaan ah ragga iyo dumarka waa is dhexgalaan marar badan, dumarkoo wato dhar diin iyo aqligaba uusan ogolaan karin ayaa dhex booda ragaas ajnabiga ka ah, nacalada ku soo dagatane sii badataa markay habeenkii saqdii dhexe meeshaas ka wada buuqaayaan, Illaahna yahay Mid Arkaya Marxalada aan kusuganahay.

Maxaad u maleeynaa in hooyada saalada subax kadib aroos ka timid ay gurigeeda ka qaban doonto? Ma seexanaa masa caruurtii iskuulka u socday iyo aabahii shaqada u socday ayeey quraac u dyaarisaa? Sidoo kale asna aabaha xiliyada lama baxaanka ah guriga soo galaa maxuu dhaamaan hooyadaan ay ka wareertay nolosha inuu ka xunyahay maahane?

Aniga ma xiiseeynaayo dhibaatooyinka labada waalid kaliya ka soo gaaraayo meeshaan in aan falanqeeyo, balsa caruurta iyo dhalinyarta gurigaas ku nool ayaan daneeynaa. Suaasha halkaan taalo ayaa ah cunuga yar ee ah gabadha ama wiilka oo hooyadiis aroos iyo dahabkii ay xiran laheeyd ku mashquulsantahay, aabahiisna uu qaad ku maqanyahay habeenkii oo dhan, maalinkiina hurdaa sida uu noqon doono? Tan kale gabadha yar ee gurigaas joogta sawir nooce ah ayeey ka qaadanee hooyadeed? Sideedsa u dhaqmi doontaa markay ayada qoys yeelato oo masuuliyada hooyadeed saaran oo kale qaado?

Wiilka yar ee asna gurigaas ku koray waxaa suaal iyo shaki midnaba ka tagneen inuu noqon doono sida aabahiis, qaylo, qayilka, xili xun socodka iyo hadalka bilaa micnaha ahba uu ka baran doono aabahiis iyo hooyadiisba kuna dhaqmi doono birito. Ragga badan ee xaasaskooda ugu sheegtaa in ay aqlaaq yaryihiin, dilaayaan, ku qaylinaayaan waxaad soo ogaan doontaa markii aas baartid noloshiisii hore oo ku soo barbaaray inuu ka yimid guri looga dhaqmo sida uu asiga maantay ula dhaqmaa reerkiisa iyo caruurtiisa. Maxaayeelay aabehiis hooyadiis ayuu ihaaneeysan jiray, dil iyo qaylo, waxuu doono ku sameyn jiray, ayagane sida caruur waligiis kalama xishoonin xataa ayago waa weeyn inuu gacantiisa u qaado, kuna bahdilo erayo u xanuujinaa qalbigoda si xun.

Waxaa dhacdu in gabdha badan guryahooda ka cararaan, una cararaan nin ama heyadaha badbaadada caruurta, ayagoo ka cararaa nolosha qariban ee taalo gurigooda, natiijaduna waxeey noqotaa in gabadhaas yar ee danbi layda ah diin iyo aqlaaqda wanaagsanba ka tagto, oo isku bedesho gaalo midibka somaali ka ah. Sidoo kale wiilasha ayaan ka rooneen, oo heer xun taagan sida aan qoraaladii hore ku soo sheegayba. Waxyaabo badan ayaan ka soo dhaxalnay walidiintaan soomaaliyeed oo badankood nolosha ka tagtay.

Sida dhalinyarta maantay Galbedka degen oo rabo in ay yeeshaan nolol lamaane waxaa noloshii noo xumeeynaa waalidka oo qaribay qaarka nololeed ee lamaanaha, xaaraanta quuto, is caaynaa, wada hadal wanaagsan, iyo isfahan wax la yiraahdu aysan ka dhaxeeynin. Tusaalooyinkaan oo runtii caqabad ku noqday dhalinyarta hada guur doonka ah, iyo kuwa isjecelba.

Quusta iyo cabsida heeysato dhalinyartaas waxeey tahay in noloshooda ku dhamaan karto sida ay ku dhamaatay tan waalidiintooda, waxeeyna ku leeyihiin kuwa badan markaad weydiisay sababta ay isku guursan la’ayihiin ayagoo xili badan isla socday: “ Maxaa laga dheefaa guur? In aan bedesho magaca waxba iima soo saaidineeyso.

Lamaanaha soomaalida fiiri shalayba waa is jeclaayeen, caruur ayeey wada korsadeen, hadane waa kuwaanaa ma is qabaan mana is furin! Maxuu jaceyl noo faaiideeynaa marka? Sidaan ayaa noo fiican, aan kala joogno? Maa xor iska ahaado, oo gurigayga joogoo anigoo qof ku xirneen? Maxaa ciqaab iyo ilmo aan daacad loo aheeyn, ooyin iyo qaylo i galshay?” Waa dooda ay ku doonaan kuwa badan ee ka mid ah dhalinyarta soomaaliyeed ee Galbeedka degen.

Anigasa waxaan leeyahay dhamaantood: “ waad wareerteen, wareerkiina waalidkaa keenay waa la hubaa. Balsa waa in aad garti iyo awood u yeelataan in aad saxdaan qaladka waalidiinta badankood sameeyeen. Waa in aad u noolaataan sida aad adinka taqaaniin, oo aad diyaarka u tihiin, una aragtaan wanaaga iyo nolosha lamaane oo jaceyl, sinaan, nidaam iyo naxariisba leh. Ha is dhiibina waligiin!”

Walwalka hada jira oo si daran u heeysto gabdhaha soomaaliyeed ee Galbeedka degen ayaa ah ninka ay guursan doonaan, maadaama raggii halkaan joogay uu ku yaryahay mid ayaga u qalmo, aqoontooda leh, shaqada ay heeystaan oo kale heeysto iwm? Ma waxeey guursanaayaan nimankaan nolosha ka dhintay, ku jinsiyada ah? Masa waxeey ka doontaan waddankii hooyo nin aysan is fahmi karin, oo ay ku kala dhex koreen laba bulsho oo aad u kala duwan?

 Gabdhaha soomaaliyeed xanibaad weeyn ayaa hor taagan, waxaana leeyahay dadaal iyo dulqaad ayaan u baahanahay marka koowaad, marka labaad waa in aan Illaah talo saarano, dhexda u xirano sida aan nimankeena kaga dhigi laheeyn niman soo cishta dadnimadooda.

Ma jiraan sida aan aaminsanahay aniga, in dad aan aheeyn dumarkeena ee iskugu jiro hooyooyinka (oo dabcan dayacay dawrkoodii hore), abbaayayaasha, iyo gacalisayooyinka/marwooyinka oo ku so celin karo ragga soomaaliyeed gartidoodii, maskaxdoodii, damiirkoodii, aqoontoodii, shaqadoodii iyoo ragganimadoodii marlabaad. Kuna baraarujin karo in ay u istaagaan ishormarin shaqsi, qoys iyo bulshaba leh.

Qasaarada sadaxaad oo aan ka dhaxalnay lamaanaha hada nool waxeey tahay in aan isku kalsoonaan karin, wiilashii iyo gabdhihii waxaa kala geeyay sawirka qaldan oo ay ka arkaayana waalidkooda, raggii waxeey wiilashii yaryaraa ee ku koray dalalkaan bareen, kuwaa ayagoo ahaa kuwa dhex koray bulshada caabuda waxyaabaha matiriyaaliska ah, maahmaahdii aheeyd: ”Dumarka been lagu soo xiro geliyo runna lagu dhaqo”.

 Gabdhihiina dumarkii hore ayeey ka qaateen, maahmaahdii aheeyd: “Gabari kun beey kulmisaa, kowna kala baxdaa” Gabdhu badan ayaa aaminsan in ay hal nin guursanaayaan, laakiin markay shukaansi iyo wada sheekeeysi uun quseeyso ay midkay soo gaaraan oo afka la soo galaba, iskala walaaqdaan waxeey arkaan, nin kasta u qoslaan, oo aamin iyo kalsooni aan uurka ka jirin u sheegaan, wiilashii oo awalba fakad ahaa, kana darnaa gabdhaha ayaa arkay dhaqan xumada ka soo fushay dumarka oo ah dadka labada jinsi laga rabo in ay xishoodka iyo aqlaaqda wanaagsan u ahaadaan wadnaha, natijaduna waxeey noqotay “ Kud ka guur oo qanjo u guur!

” Qaraxii dhacay waxuu qasbay in masaajido badan ee Galbeedka ku yaalo loo sameeyo gudiyaal isku keeno gabdhaha iyo wiilasha rabo guurka, qaar ka sameeyaan fiilal la geliyoo sawiro iyo warqado ay ku qoranyihiin waxyaabaha qofka guur doonka ah quseeyo, sidoo kale websaydo badan, oo ayagane arintaan uun looga hadlo ayaa jiro, sida ay u jiraan wadaado iyo qorayaal ka qiirooday musiibadaan oo isku dayay in ay daaweeyeen nabarka ay dadka waa weeyn ku dhufteen lamaanaha jiilka soo socda. Mareykanka oo kale dhalinyarta xataa yaryar ee hada isguursady waxeey ku jiraan nidaamka kala noolaashada, inkastoo ay yihiin dad Galbeedka ku koray, kuna aqliyeeystay.

Maxaayeelay waxaa loogu sheekeeyay in ay u lacag badantahay sidaas, kana qiimo badan tahay labada qof oo si xalaal ah u wadaago gurigooda, kuna korsado caruurtooda. Ilaa intee qasaaradaan soconee? Goormee gaareeynaa nolol wanaagsan sida lamaane, qoysk iyo qaranba? Ma dhabbaa in qoys qiyaano iyo been lagu taagi karo, kuna guuleeysan doono?

la soco qaybta danbe aqriste, oo aan ku laaban doono dhinaca dhalinyarta iyo qaladaadka ay waalidiinta ka tabanaayaan caruurtooda, ama ku dhaqmaayaan dhalinyarta soomaaliyeed ee ku nool Galbeedka.
NB! Xuquuqda qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan. kala xariir: samsam_1989@hotmail.com
W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip