Car Yaa Nabiga Xusi Kara !!! Xog Aruurin Dhab Ah.

0
Monday March 02, 2009 - 20:39:25 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Car Yaa Nabiga Xusi Kara !!! Xog Aruurin Dhab Ah.

    Iyadoo aan ku guda jirno Bishi Barakada iyo Qeyrka Badneed uu dhashay Suubanaha Nabigeeni Muxamada CSW ayaa waxa Caalamka oo idil mar qura wada nuuxsaday quluubta Muslimiinta ay ku dambeeso Maxabada Midka ugu qeyrka badan qalqiga alle ee Muxamad Ibnu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo aan ku guda jirno Bishi Barakada iyo Qeyrka Badneed uu dhashay Suubanaha Nabigeeni Muxamada CSW ayaa waxa Caalamka oo idil mar qura wada nuuxsaday quluubta Muslimiinta ay ku dambeeso Maxabada Midka ugu qeyrka badan qalqiga alle ee Muxamad Ibnu C/llaahi.

 

Hadaba tan iyo Bilashada Bisha Mowliid ee Rabiicul Awal ayaa waxa Masjidyada iyo Guryaha Muslimiinta si kal kali iyo Jamac jamacba laga wada bilaabay aqrinta siirada Nabiga CSW iyo sooyaalkiisa si inta taqaana xusuus iyo xuska nabiga ugu noqoto jiilka yarna raad raac iyo barid ugu noqoto.

Dalkeena Soomaaliya oo ka mid ah dunida Muslimka ee  sida weyn looga dhigo Xafladooyinka waa weyn ee lagu xuso Nabigeena Muxamad ayaa waxa dhamaan gobolada iyo Degmooyinka Soomaaliyeed mar qura laga wada bilaabay Xuskaan qiimaha iyo sharafka hugan ee ugu qiimo badan.

Inkastoo Munaasabadaan ay tahay munaasabad diini ah ayaa hadana waxa la yaab kunoqotay shacabka soomaaliyeed in ay dhagahooda ku maqlaan rag sheeganayo Diin iyo hogaan islaam oo si cad usheegay in ay kahor tagi doonaan cid kastaa oo xustaa Nabiga la ciqaabi Doono.

Gobolo ka mid ah Gobolada Soomaalida ee sida weyn ugu fogtahay Xadaarada Islaamka ayna kasoo jeedaan inbadan oo katirsan Culimada Ahlusunnah Waljamaac ee ah Culimada kaliya ee usoo halgantay nooleenta iyo xoojinta Shareecada Islaamka ee maanta naga dhigtay in bulshadeena noqoto 100% mid Muslim ah, ayaa waxa laga sheegay oraahyo aysan jecleesan maqalkeeda qof muslim ah ama ay ku dambeeso Maxabada Nabiga CSW.

Car Yaa Nabiga Xusi Kara, oo ufarxi kara, oo weyneen kara, !!! waxa ay kasoo yeertay wiilal yar yar ee dhagta loogu sheegay in ay yihiin Xukun Fuliye, Maxkamad, Qaali, Marjici Diinta loola Dhaqanaya, Waxyi dhameestiran oo warkiisa iyo ficilkiisaba Sax yihiin, (Subxaana Caza Wajala), inaa Lilaah Wa Inaa Ileehi Raajicuun,

Hadaba Aqristoo ma oran karo Dagaal halasii wado oo hala galo balse jidkee lagu baajin karaa dagaal lala gala ruuxi Caqiidadaada usoo jeesta ee raba in uu duleeyo min Aduunyo ilaa Aaqirah , Waayo maxa ka dhib badan ruuxi jiray Xiriirka Adiga iyo Shafeecaaga Yoomul Aaqrio waa Muxamadee.

Hadaba Umada Muslimiinta Meel Kasta oo ay joogta waxa hadiyad aan la iska helin ah Maxabada Nabigee ee Allaah Na Arusuqo kii heestana alaah Usiyaadiyo Kan aysan kusoo dhawaana allaah galiyo .

Hadaba Bishaan Qeyraadka iyo Fadliga badan darteed, waxaan Umada Muslimka Alle uga baryeenaa in uu dhibka ka dul qaado niyadoodana isku soo dumo kuwi aan toosina far iyo suul inooga qaado, diintana alle ka dhigo midi sara marta Xaqa iyo Baadilkana Alaah faham siiyo, Umadana Towfiiqda iyo Caqiidada Suuban Alaah Waafajiyo, allena ha inaga dhigo Kuwi ku liibaano Maxabada Nabiga CSW, helana Shafeecadiisa Aduunyo iyo Aaqiraba.

W/D: Webmasterka Shabakada Warsheekh
Abdirahman Sheikh Abdullaahi
E-Mail:
Farxad95@hotmail.com
-
webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip