Waawda iyo Weerta Dr Culusow & Sh.Xassan & Indhacade Maxaa kulmiyay (Faalo Aqriste)

0
Wednesday March 04, 2009 - 22:22:10 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waawda iyo Weerta Dr Culusow & Sh.Xassan & Indhacade Maxaa kulmiyay (Faalo Aqriste)

    Waxa Dadka Soomaaliyeed is weey-diinayaa maxaa seddexadaa nin isku fikrad ka dhigay, nin waa wadaadka reerka nin waa aqoon-yahaynka reerka nina waa dagaal ogaha reerka sow kaaf iyo kala dheri maaha in eey dhamaantood qaataan diidmada ah dowlada midni

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Dadka Soomaaliyeed is weey-diinayaa maxaa seddexadaa nin isku fikrad ka dhigay, nin waa wadaadka reerka nin waa aqoon-yahaynka reerka nina waa dagaal ogaha reerka sow kaaf iyo kala dheri maaha in eey dhamaantood qaataan diidmada ah dowlada midnimada qaran,hadaladooda waxaa ka mid ah dagaalka waa in uu sii socdaa akhristow maxeey ragaasi isku raaceen ileeyn isku xadaaro ama isku tadawar maahine, aniga weli jawaab sugan kama bixin karo oo aan aheeyn waa rag nabada iyo wada noolaanshah aan ogoleeyn rabna in eey awooda dalka ku qabsadaan welina garan la in wax loo ogol yahay balse ka doorbiday sawirkaa dagaalka,reer Muqdisho waxeey hambalyo iyo duco u direen Sh.Dr.Axmed Daahir oo xaqiiqdii si geesinimo ah u diiday gumaadka shacbka lagu wado waxaana uu dhawaaq dheer ku dhahay dhiiga musliinta reer Muqdisho mahaa mid cayaar cayaar ah balse waa mid mudan in la qiimeeyo lagana jiseeyo kuwa gumaaday shacbka xamar ka geeystay,waxaa uu dhawaaq dheer ku cel-celiyay in la soo tiro !


koobo inta lagu gumaaday iyo hantidii la baabiyay Alaahu Akbar Alaahu Akbar dhawaaqaas markii radiyaasha laga maqlay waxaa markiiba somalida dalka jooga iyo kuwa dibada eey aad u soo dhaweeyeen hadalka Sh.Dr.Axmed Daahir oo runtii aad u qaaday sumcada culumada ee xamar joogta oo aanan awoodin 19 sanno geesinimo sidaas oo kale ah..

Sh.Dr.Axmed daahir lama mid ah wallaalkiis sabbabo jira aawadadood,Sh.Dr.Axmed waa nin jaamacado uga soo baxay aqoonta diinta marka loo fiiriyo wallaalkiis Xassan Daahir marka halkaas ayaad ka garan kartaa in aqoonta eey tahay mid Sh.Dr.Axmed ku qasbeeysa in naf gardaro loo dilaa eey ka qiimo badan tahay waxa dhulka iyo cirka saaran waxaan lee-yahay Ilaaha awooda leh ha kaa jiseeyo xaqa aad ku hadashay iyo sida geesinimada leh aad u wajahday gumaadka,waxaan qirayaa hadalka Sh waxii ka danbeeyay in aanan lagu dhiiran gumaadka shacabka ,waxaase weli la sugayaa Sh.Dr,Axmed hadalkiisa ma iska dheh buu ahaa mise waa mid shacabka eey ka sugayaan in ficil lagu bedelo hadalka.

Sh:Xassan iyo Dr Cumar Iimaan haddii eey cilmiga diinta islmaaka yaqaanan ilma aha in eey ku dhiiradaan dilka qofka muslimka ah dagaalka oo la wadaa macnaheeda waxa eey tahay caruurta muslimka ah hooyooyinka duqoyda iyo maatida dagaalka ku dhex jiray 19 sanno hala sii gumaado sow kama fiicno in la wada hadlo, aniga iyo in faro badan waxaan aaminsanahay aan wada hadalno waa aan heshiino.Ethiopia dalka ma joogto, Maquuste galbay miyeeyna qumaneeyn in la wada hadlo ???? dowlad 100% wanaagsan aduunka kama jirto, hadaanan leeys sixin laga wada hadlin wax hagaagaaya ma jiro basle danbiga ayaa sii badanayaa iyo dhimashada xaqdarada ah.

Hadaba 275 xubnood oo runtii ahaa kuwa ka gilgishay gumaadka Ethiopia iyo Maquuste waxaan qabaa in eey wax weeyn ka bedeli karaan siyaasada iyo sharciga dalka lagu dhaqaayo,haddii la siiyo fursad lana ogolaado nabada in eey tahay furaha lagu gaari karo shareecada Islaamka maxaa loo diidayaa ???? madfacii Ethiopia shacbka ku gumaadeeysay iyo midka xisbul Islaam maxeey is dhaamaan waa eey fiicnaan laheeyd in aan kala garano farqiga u dhaxeeya labadaa madfac, waxaa bilowday in wasiiradii Maquuste xoolihii eey lunsadeen lagu sameeyo dabagal,sida oo kale sidee Maquuste maxkamad loo keeni karaa ?? haddii aan colaada sii wadno???? shuhadadii dalka u daadiyay dhiiga sidee qiimo ku yeelan karaan haddii colaada sii socoto lana abuuro dil iyo gumaad aanan sal iyo raad toona ku laheeyn diinta islaamka balse umada eey u argto fidno cusub oo ku soo siyaasady dalka,dadka iyo diinta somalia Alow Sahal Umuuraha.

Xaqiiqdii aniga iyo in faro badan waxa aaan taageersanahay dowlad shareecda ku dhaqanta,waxaan ulla jedaa dowlada damaanad qaada a) badbaadada nafta b) badabaadada xoolaha shaqsiga iyo midka dadweeynaha c) badbaadisa Diinta oo aanan nin walbaa sida uu doono u fasiran diinta d) badbaadisa cirdiga iyo caqliga marka shariifka haddii uu leeyahay shareecda ayaan ku dhaqmayaa maxaa loo diidan yahay ?.Haddii uu nagu dhaqi waayo shareecada waxaan ka qadaneeynaa miwqif waxii aan goแansano ayaa lagu dhaqaaqayaa.

Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com

Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip