H.E. Fawzia Yusuf H. Adam oo sheegtay in muwaadiniin Soomaali ah ay ku geeriyoodeen dagaalada ka soconaya South Sudan.

0
Wednesday December 25, 2013 - 17:28:27 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    H.E. Fawzia Yusuf H. Adam oo sheegtay in muwaadiniin Soomaali ah ay ku geeriyoodeen dagaalada ka soconaya South Sudan.

    Ra'iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dib u soo ceshatay kaalintii ay ka qaadan jirtay nabadeynta iyo xal u helidda dhibaatooyi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dib u soo ceshatay kaalintii ay ka qaadan jirtay nabadeynta iyo xal u helidda dhibaatooyinka dunida si gaar ah qaaradda Afrika .
H.E. Fawzia Yusuf H. Adam, oo maanta dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho kadib markii iyada iyo Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada ku mideysan Urur goboleedka "IGAD” ay howlo dhex dhexaadin ah u tageen Magaalada Juba ee caasimadda South Sudan todobaadkii hore , halkaas oo ay xabad joojin ku kala dhex dhigeen dhinacyada dowladda iyo mucaaradka oo dagaalo dhiig badan ku daatay halkaasi ku dhexmaray .

Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay xaqiijisay ilaa iyo laba muwaadin oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen colaada wadankaasi curdanka ah ka soo cusboonaatay ,halka 120 ruux oo kale ay galeen saldhig xoogag nabad ilaalineed oo tira yar oo Qaramada midoobey ka tirsan ay ku leeyihiin wadankaasi , si ay uga badbaadaan dagaalada culus ee weli ka soconaya qeybo kala duwan oo wadankaasi ka tirsan .

Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa ammaantay saraakiisha ka howlgasha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Juba oo ay ku tilmaantay kuwa u firfircoon shaqada qaran ee loo igmaday , waxa ayna tilmaamtay in Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada soohdinta la leh South Sudan ee xubinta ka ah "IGAD” ay kula heshiisay fududeynta socdaalka Soomaalida ka carareysa dagaalada wadankaasi , iyadoo muujisay in Soomaalida ganacsiga ku leh Caasimadda Juba ay ka nabdoon yihiin kuwa kale ee ku go’doonsan , kuna dhibaateysan Magaalada Bor ee Xarunta gobolka Jonglei .

H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa mudadii ay joogtay Magaalada Juba , waxa ay kulamo kala duwan la kala yeelatay Madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir Mayardit iyo Rebecca Garang oo ah xaaska John Garang hogaamiyihii geeriyooday ee kooxdii hore ee falaagada ee loo yiqiinay SPLM ,waxaana kulamadaasi ay qeyb ka ahaayeen xal u raadinta dagaalada ka aloosan dalkaasi.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip